{"id":6205,"date":"2012-05-18T08:17:48","date_gmt":"2012-05-18T08:17:48","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=6205"},"modified":"2012-05-18T08:17:48","modified_gmt":"2012-05-18T08:17:48","slug":"maamulka-puntland-ayaa-shaaca-in-gobalkooda-la-keenay-ciidamada-amisom","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2012\/05\/maamulka-puntland-ayaa-shaaca-in-gobalkooda-la-keenay-ciidamada-amisom\/","title":{"rendered":"Maamulka Puntland ayaa shaaca in gobalkooda la keenay ciidamada amisom."},"content":{"rendered":"<h2><a class=\"highslide\" onclick=\"return vz.expand(this)\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2012\/05\/khalif-ciise1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-thumbnail wp-image-6206\" title=\"khalif-ciise\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2012\/05\/khalif-ciise1-150x150.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" \/><\/a><\/p>\n<p><span style=\"color: #0000ff;\"><strong><em>SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM<\/em><\/strong><\/span><\/h2>\n<p>Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in deegaanada ay ka arimiyaan la keenayo dhowaan Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika, oo qeyb ka ah howl galka loogu magac daray AMISOM, kaasoo haatan ku siman Gobolada Koofurta Soomaaliya.<\/p>\n<p>Wasiirka Amniga Maamulka Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in magaalooyinka Galkacyo iyo Garowe la geyn doono Ciidamada AMISOM, si ay uga qeyb qaataan sugida ammaanka.&#8221;Ciidamada AMISOM waxay ka howl geli doonaan deegaanada Puntland, qorshaha koowaad waxaa uu yahay sidii Garowe iyo Galkacyo loo keeni lahaa, si ammaanka ay u sugaan&#8221;ayuu yiri Khaliif Ciise Mudan.<\/p>\n<p>Falal amni daro oo isugu jiray dilal iyo qaraxyo ayaa ahaa mid ku soo kordhayay deegaanada Puntland ay ka arimiyaan, sida Waqooyiga Galkacyo iyo Boosaaso oo dilal dhowr ahi ka dhaceen.<\/p>\n<p>Hase ahaatee waxaa la ogeyn sida Ciidamada AMISOM ay wax uga qaban karaan amni darada ka jira deegaanada Puntland, maadaama aanay jirin dagaal toos ah ama iska hor imaadyo lagu qaado Ciidamada Puntland.<\/p>\n<p>Maamulka Puntland ayaa dhowaan sheegay in dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay soo gaareen deegaanada Buuraleyda ee Galgala, markii looga soo adkaaday dagaaladii Gobolada Koofureed.<\/p>\n<p>Xafiiska War qabadka Warsom.com<br \/>\nMuqdisho,somaliya<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in deegaanada ay ka arimiyaan la keenayo dhowaan Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika, oo qeyb ka ah howl galka loogu magac daray AMISOM, kaasoo haatan ku siman Gobolada Koofurta Soomaaliya. Wasiirka Amniga Maamulka Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in magaalooyinka Galkacyo iyo Garowe la [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[49],"class_list":["post-6205","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka","tag-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6205","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=6205"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6205\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":6208,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6205\/revisions\/6208"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=6205"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=6205"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=6205"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}