{"id":61727,"date":"2019-12-23T20:01:59","date_gmt":"2019-12-23T17:01:59","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=61727"},"modified":"2019-12-23T20:11:41","modified_gmt":"2019-12-23T17:11:41","slug":"dawladda-soomaaliya-oo-sheegtay-in-ay-diyaar-u-tahey-wadahadallo-ay-la-gasho-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2019\/12\/dawladda-soomaaliya-oo-sheegtay-in-ay-diyaar-u-tahey-wadahadallo-ay-la-gasho-somaliland\/","title":{"rendered":"Dawladda Soomaaliya oo Sheegtay In ay Diyaar U Tahey Wadahadallo ay La Gasho Somaliland."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\">Guddiga Qaran ee u qaabilsan dowladda Soomaaliya Wadahadallada ay kula jirto Somaliland ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin Wadahadal ay la furaan Somaliland Saddex Sano kaddib oo ay jirtay dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.<\/p>\n<p>Xildhibaan Cali Axmed Jaamac Jangali oo u hadlay guddiga Qaran ee dowladda Soomaaliya uga wakiilka ah Wadahadallada Somaliland ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar-garoobeen, balse sugayaan oo kaliya dhinaca Somaliland iyo guddigii Wadahadallada uga qeybgali lahaa.<\/p>\n<p align=\"justify\">Jangali ayaa sheegay in tan iyo markii la magacaabay guddigan ay wadeen xog Uruurin iyo kulamo ay lahaayeen qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka si ay u helaan xog ku saabsan aragtida shacabka ay ku qabaan Wadahadallada ugu danbeyntiina kulamadaasi u soo dhamaadeen.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u2018\u2019Annagu dhankeena diyaar ayeeynu nahay wixii xog Uruurin iyo Cilmi baaris ah waan soo dhameynay, kaliya waxa aan sugnaa waa dhinaca Somaliland iyo in ay soo magacaabaan xubnihii Wadahadalka ku matali lahaa\u2019\u2019 ayuu yiri Xildhibaan Jangali oo ka tirsan guddigga.<\/p>\n<p align=\"justify\">Wuxuuse Gaashaanka ku dhuftay doodda dhinaca Somaliland ee ah in aan guddiga Wadahadalka qeybta ka noqonaya lagu soo dari karin xubno ka soo jeeda deegaannada Somaliland isaga oo yiri\u2019\u2019 Waxaa muhiim ah qadiyada laga Wadahadlayo ee muhiim ma\u2019aha shaqiyaadka labada dhinac ku matalaya Wadahadalka\u2026 Somaliland uma soo xuli karto dowladda Soomaaliya guddiga Wadahadalka ku matalaya\u2018\u2019 ayuu yiri Jangali.<\/p>\n<p align=\"justify\">Somaliland ayaa mar horeba sheegtay in aysan Wadahal la furi doonin dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay ku eedeeyeen in mudaddii ay jirtay qaaday tallaabooyin dhowr ah oo ka dhan ah hormarka iyo jirintaanka Somaliland.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Guddiga Qaran ee u qaabilsan dowladda Soomaaliya Wadahadallada ay kula jirto Somaliland ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin Wadahadal ay la furaan Somaliland Saddex Sano kaddib oo ay jirtay dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xildhibaan Cali Axmed Jaamac Jangali oo u hadlay guddiga Qaran ee dowladda Soomaaliya uga wakiilka ah Wadahadallada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":61728,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-61727","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/61727","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=61727"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/61727\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":61729,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/61727\/revisions\/61729"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/61728"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=61727"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=61727"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=61727"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}