{"id":61573,"date":"2019-12-19T20:50:50","date_gmt":"2019-12-19T17:50:50","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=61573"},"modified":"2019-12-19T21:30:02","modified_gmt":"2019-12-19T18:30:02","slug":"w-kuxigeenkii-wasaaradda-dhalinyarada-iyo-ciyaaraha-oo-eedayn-dusha-kaga-tuuray-wasiirad-khadiijo-m-diiriye","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2019\/12\/w-kuxigeenkii-wasaaradda-dhalinyarada-iyo-ciyaaraha-oo-eedayn-dusha-kaga-tuuray-wasiirad-khadiijo-m-diiriye\/","title":{"rendered":"W\/kuxigenkii Wasaradda Dhalinyarada iyo Ciyaraha oo Eedayn Dusha Kaga Tuuray Wasiirad Khadiijo M Diiriye."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\">Wasiir ku-xigeenka Wasaarradda Dhalinyarrada iyo Cayaaraha Xukuumadda Soomaaliya Axmed Cumar Islow ayaa mar kaliya eedeyn culus kala duldhacay Wasiirka Wasaarradda Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo sida uu hadalka u dhigay ku howlan wax aan aheyn shaqadii loo idmaday.<\/p>\n<p>Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in Wasiir Khadiija cuuryaamisay sida uu hadalka u sheegay gabi ahaanba howlihii Wasaarradda, isaga oo intaa ku daray in Dhaqaale xumo baahsan ay soo food saartay Wasaarradda.<\/p>\n<p align=\"justify\">&#8221;&#8217;Waxey is hortaagtay\u00a0 in Sportiga la hormariyo, Waxey cuuryaamisay shaqadii Wasaarradda, Miisaaniyadii ugu danbeysay ee hadda Baarlamaanka la horgeeyayna hal Dollar looguma tala-galin Sportiga, xulka Qaranka marka uu dibadda aadayo Wasaarraddu xitaa uma awooddo in ay Tikidhada ka bixiso, Xukuumaddu waajibkeeda wey ka soo baxday, laakiin waxaa is hortaagay in Wasaarraddu hesho Miisaaniyad lagu hormariyo Wasiirradda&#8221; ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka.<\/p>\n<p align=\"justify\">Ra&#8217;iisal Wasaare Kheyre ayuu ugu baaqay in uu hoos u eego dhalinyaradda Soomaaliyeed oo sida uu sheegay ah 75% marka la eego bulshada Soomaaliyeed, isaga oo ra&#8217;iisal wasaare Kheyre ku amaanay sida uu mar walba u jecel yahay hormarinta cayaaraha.<\/p>\n<p align=\"justify\">Wuxuu sheegay in Wasiirrad Khadiija howlaheedii oo idil ku soo koobtay munaasabado la qabto iyo amaanta madaxda ugu sarreysa dalka &#8221;&#8221;Mudane Ra&#8217;iisal Wasaare waa in aad kala doorataa hormarinta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo erayada amaanta ah ee Wasiirradda hawada ku soo mariso\u00a0 ee Libaax Labo ma&#8217;aha iyo wax la mid ah, wasiirkii Wasaarraddan weyn hurudaa waxaa ay mashquul ku tahay howlo aan aheyn shaqadii loo idmaday, sidaa daraadeed waxaan rajeynayaa in aad dib u soo eegto Wasaarradda&#8221; ayuu yiri Wasiir Islow oo ka dalbaday Ra&#8217;iisal Wasaaraha in uu Wasaarradda keeno Wasiir u qalma.<\/p>\n<p align=\"justify\">Waa markii ugu horreysay oo Wasiir ku-xigeen ka tirsan Xukuumadda Kheyre uu si toos ah Wasiirka Wasaarradiisa ugu eedeeyo xil gudasho la&#8217;aan, iyadoo arintani ay muujineyso khilaafka xooggan ee u dhaxeeya Wasiir ku-xigeenka iyo Wasiirka Wassaarradda Khadiijo Maxamed Diiriye.<\/p>\n<p align=\"justify\"><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-57894\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiir ku-xigeenka Wasaarradda Dhalinyarrada iyo Cayaaraha Xukuumadda Soomaaliya Axmed Cumar Islow ayaa mar kaliya eedeyn culus kala duldhacay Wasiirka Wasaarradda Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo sida uu hadalka u dhigay ku howlan wax aan aheyn shaqadii loo idmaday. Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in Wasiir Khadiija cuuryaamisay sida uu hadalka u sheegay gabi ahaanba howlihii Wasaarradda, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":61574,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-61573","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/61573","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=61573"}],"version-history":[{"count":5,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/61573\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":61585,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/61573\/revisions\/61585"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/61574"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=61573"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=61573"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=61573"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}