{"id":60949,"date":"2019-11-29T16:40:32","date_gmt":"2019-11-29T13:40:32","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=60949"},"modified":"2019-11-29T23:41:37","modified_gmt":"2019-11-29T20:41:37","slug":"nuxurka-siyaasadda-qaran-ee-isgaarsiinta-soomaaliya-oo-wasaaraddu-faah-faahin-ka-bixisey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2019\/11\/nuxurka-siyaasadda-qaran-ee-isgaarsiinta-soomaaliya-oo-wasaaraddu-faah-faahin-ka-bixisey\/","title":{"rendered":"Nuxurka Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta Soomaaliya oo Wasaaraddu Faah Faahin Ka Bixisey."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\">Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta &amp; Tiknoolajiyadda ayaa soo dhoweysay ansixinta Golaha Wasiirrada ee Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta &amp; Teknolojiyada, taas oo ah middii ugu horreysay ee uu dalku yeesho.<\/p>\n<p>Siyaasaddan ayaa looga gol leeyahay in lagu taageero sidii loo xaqiijin lahaa yoolasha ugu waaweyn ee Qorshaha Horumarinta Qaranka, tubaha qaranka iyo Hiigsiga Fog ee Xukuumadda ee ah sidii Teknoolojiyada loogu adeegsan lahaa horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada. Waxaa sidoo kale istiraatiijiyadan ay xoojineysaa sidii wada-shaqeyn iyo isku-xirnaan ay u yeelan lahaayeen dhinacyada kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha isgaarsiinta iyo teknolojiyada.<\/p>\n<p align=\"justify\">Qeybaha ugu waaweyn ee ay Siyaasaddu xoogga saareyso shanta sano ee soo socota waxaa ka mid ah kordhinta helitaan internet tayo leh oo qiime jaban; dhismaha kaabayaasha isgaarsiinta; ilaalinta xogta macaamiisha; bixinta adeegyada dadweynaha ee dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga, beeraha (e-government, e-health, e-business, e-agriculture and e-education), dhismaha hannaanka dhaqaalaha ku saleysan internetka, iyo sidii loo abuuri lahaa xog badan oo afkeena ku qoran oo laga heli karo internet-ka.<\/p>\n<p align=\"justify\">Isagoo u warramayay warbaahinta ka dib ansixinta, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta &amp; Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in siyaasaddan ay ku timid wada-tashiyo muddo dheer qaatay oo lala yeeshay dhammaan daneeyeyaasha kala duwan ee siyaasaddan.<\/p>\n<p align=\"justify\">Dalkeena ayaa leh mid ka mid ah isgaarsiinta ugu casrisan qaaraddan Afrika, hase yeeshee waxay ku shaqeyn jireen suuq uusan ka jirin sharci iyo siyaasad. Hase yeeshee, saddexdii sano ee la soo dhaafay waxay Wasaaraddu waqti badan galisay sidii loo sameyn lahaa nidaamkii iyo sharcigii lagu dhaqi lahaa shirkadaha. \u201cHadda waxaan leenahay sharci, hay\u2019ad isgaarsiineed, iyo siyaasad qaran\u2026taas waxay micnaheedu tahay inaan leenahay nidaamkii sharci iyo siyaasadeed ee lagu sii horumarin lahaa, isla markaana ay ku soo jiidan karaan maalgashi dheeri ah,\u201d ayuu yiri wasiirka.<\/p>\n<p align=\"justify\">Ugu dambeyntii wasiirka ayaa u mahadceliyay Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Siyaasaddan; wasaaradaha isgaarsiinta ee dawlad-goboleedyada, daneeyeyaasha kale ee fikirkooda ka soo dhiibtay muddadii wada-tashiyada iyo Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU) oo taageero farsamo ku caawisay sidii loo heli lahaa siyaasad casri ah.<\/p>\n<p align=\"justify\">Ra\u2019iisul-Wasaare Xasan Cali Kheyre, oo shirka guddoominayay ayaa ugu baaqay wasaaradaha iyo hay\u2019adaha kale ee dawladeed, shirkadaha ganacsiga, iyo hay\u2019adaha ka shaqeeya horumarinta inay gacan ka geystaan fulinta siyaasaddan, iyadoo hawlahooda dhinaca isgaarsiinta iyo teknolojiyada ku saleynaya siyaasaddan.<\/p>\n<p align=\"justify\"><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-57894\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta &amp; Tiknoolajiyadda ayaa soo dhoweysay ansixinta Golaha Wasiirrada ee Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta &amp; Teknolojiyada, taas oo ah middii ugu horreysay ee uu dalku yeesho. Siyaasaddan ayaa looga gol leeyahay in lagu taageero sidii loo xaqiijin lahaa yoolasha ugu waaweyn ee Qorshaha Horumarinta Qaranka, tubaha qaranka iyo Hiigsiga Fog ee Xukuumadda ee [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":60950,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-60949","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/60949","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=60949"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/60949\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":60971,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/60949\/revisions\/60971"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/60950"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=60949"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=60949"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=60949"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}