{"id":60725,"date":"2019-11-21T20:13:03","date_gmt":"2019-11-21T17:13:03","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=60725"},"modified":"2019-11-21T20:50:48","modified_gmt":"2019-11-21T17:50:48","slug":"taliska-boliska-somaliya-iyo-amisom-oo-ka-wada-hadley-amniga-doorashooyinka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2019\/11\/taliska-boliska-somaliya-iyo-amisom-oo-ka-wada-hadley-amniga-doorashooyinka\/","title":{"rendered":"Taliska Boliska Somaliya iyo Amisom oo Ka Wada Hadley Amniga Doorashooyinka."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\">Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneral Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa waxaa uu la kulmay Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM \u00a0Amb, Francisco Madeira, iyaga oo ka wada hadlay arrimo la xiriira doorashada la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya iyo sidii amniga loo adkeyn lahaa.<\/p>\n<p>Kulan oo ka dhacay Muqdisho oo ay ka qeybgaleen saraakiil sare oo ka tirsan AMISOM iyo saraakiisha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, ayaa taliyaha ciidanka Booliska Jeneraal\u00a0 Xijaar wuxuu ka warbixiyay guddiga \u00a0Amniga ee dhowaan la sameeyay iyo sida ay AMISOM u taageeri karto howl-wadeenada iyaga oo sugaya amniga doorashada labada baarlamaan iyo doorashada madaxweynaha, oo la rajeynayo in dhacdo ama la qabto 2020\/2021.<\/p>\n<p align=\"justify\">Isaga oo faahfaahin ka bixinaya diyaarinta ilaa iyo hadda laga \u00a0sameeyay dhinaca Amniga ayaa\u00a0 Janeraal Xijaar, wuxuu kulanka ka sheegay \u00a0in weli wax badan loo baahan yahay in la qabto, balse horumar ballaaran \u00a0ay sameeysay \u00a0dowladda Federaalka Soomaaliya DFS, iyadoo la \u00a0kaashaneysa la-hawlgalayaasha caalamiga ah, si kor loogu qaado amniga \u00a0Muqdisho , magaalooyinka kale iyo tuulooyinka dalka oo dhan.<\/p>\n<p align=\"justify\">Taliyaha Ciidanka Booliiska, oo ay wehelinayeen Taliye kuxigeenka Booliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guud Zakia Hussein Ahmed iyo saraakiil kale, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ogaado meelaha ay doorashadu ka dhici doonto, tirada dadka ka qeyb qaadan doona doorashooyinka. iyo sidoo kale in la tababaro Ciidamo dheeri ah si ay gacan uga geystaan \u200b\u200bsugidda amniga doorashooyinka.<\/p>\n<p align=\"justify\">Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Amb, Francisco Madeira ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in AMISOM iyo ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ay wada shaqeeyaan si loo ilaaliyo amniga loogana hortago weerarada ay Al-Shabaab ka geystaan Muqdisho.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cWaxaan u baahanahay inaan eegno dhowr arimood oo u dhaxeeya ilaha jira, sida aan u sugi karno doorashooyinka, gaar ahaan waxaan kasoo qaadaneynaa khibradeena hore iyo arinta xasaasiga ah ee tilmaamida meelaha ay doorashadu ka dhici doonto \u201d ayuu yiri Danjire Francisco Madeira.<\/p>\n<p align=\"justify\">Saraakiisha sarsare ee AMISOM ee goob joog ka ahaa kulanka waxaa ka mid ahaa Taliyaha cusub ee Booliska AMISOM, Kuxigeenka Kormeeraha Guud ee Booliska (AIG) Augustine Magnus Kailie; Lt. Gen. Osman Noor Soubagleh, oo ah La-Taliyaha Gaarka ah ee Wakiilka Gaarka ah ee Arrimaha Militariga; Maj. Gen. Fidza Dludlu, Madaxa Howlgalka AMISOM; Babatunde Taiwo, Madaxa Arimaha Siyaasadda ee AMISOM iyo Rex Dundun, Taliyaha Boliska AMISOM.<\/p>\n<p align=\"justify\"><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-57894\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneral Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa waxaa uu la kulmay Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM \u00a0Amb, Francisco Madeira, iyaga oo ka wada hadlay arrimo la xiriira doorashada la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya iyo sidii amniga loo adkeyn lahaa. Kulan oo ka dhacay Muqdisho oo ay ka qeybgaleen saraakiil [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":60726,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-60725","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/60725","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=60725"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/60725\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":60732,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/60725\/revisions\/60732"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/60726"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=60725"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=60725"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=60725"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}