{"id":60536,"date":"2019-11-17T10:34:20","date_gmt":"2019-11-17T07:34:20","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=60536"},"modified":"2019-11-19T00:59:50","modified_gmt":"2019-11-18T21:59:50","slug":"xisbiyada-mucaaradka-iyo-madaxda-qaranka-oo-dhawaan-lagu-wado-inay-kulmaan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2019\/11\/xisbiyada-mucaaradka-iyo-madaxda-qaranka-oo-dhawaan-lagu-wado-inay-kulmaan\/","title":{"rendered":"Xisbiyada Mucaaradka Iyo Madaxda Qaranka Oo Dhawaan Lagu Wado Inay Kulmaan."},"content":{"rendered":"<div class=\"td-header-wrap td-header-container td-header-style-7\">\n<div class=\"td-header-menu-wrap\">\n<div class=\"td-header-row td-header-border td-header-main-menu\">\n<div id=\"td-header-menu\" role=\"navigation\">Madaxda Dowladda Somaliya iyo Siyaasiyiinta Xisbiyada ayaa waxaa lagu wadaa inay kulan ku yeeshaan Magaalada Muqdisho, si loo dejiyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.<\/div>\n<div role=\"navigation\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"td-container td-post-template-default\">\n<div class=\"td-container-border\">\n<div class=\"td-pb-row\">\n<div class=\"td-pb-span8 td-main-content\" role=\"main\">\n<div class=\"td-ss-main-content\">\n<article id=\"post-114286\" class=\"post-114286 post type-post status-publish format-standard has-post-thumbnail hentry category-wararka-maanta\">\n<div class=\"td-post-content td-pb-padding-side\">\n<p>Toddobaadkii hore ayaa waxaa dalka laga dareemay xasarad siyaasadeed, ka dib markii Garoonka Aadan Cadde lagu xanibay wafdi uu hoggaaminayay Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran oo ku wajahnaa Magaalada Baledweyne iyo jawaabtii adkeyd ee Shariifka uu ka bixiyay.<\/p>\n<p>Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Taliyaha Hay\u2019adda Nabad Suggida &amp; Sirdoonka Qaranka (NISA) oo habeenkii Jimcaha Shariif Sheekh Axmed ku booqday hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ayaa kala hadlay, sidii loo qaboojin lahaa xiisadda siyaasadeed ee dalka.<\/p>\n<p>Ilo muhiim ah ayaa ku waramaya in Taliyaha NISA uu Shariif Sheekh Axmed ka raaligeliyay xayiraaddii lagu sameeyay diyaaraddii ay wafdigiisa ku taggeen Magaalada Baledweyne, isagoona ballanqaaday in markale aanay taasi dhici doonin.<\/p>\n<p>Wararka ayaa sheegaya in Fahad Yaasiin uu xilligaa Shariif Sheekh Axmed u soo bandhigay in iyagoo ah Madasha Xisbiyada Qaran ay la kulmaan Madaxweyne Farmaajo, si labada dhinac isaga soo dhawaadaan arrimaha siyaasadda, Shariifkuna uu ka aqbalay.<\/p>\n<p>Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in toddobaadkan ay Magaalada Muqdisho ku kulmi doonaan Madaxda Qaranka iyo Siyaasiyiinta Madasha Xisbiyada Qaran, iyagoo bulshada Soomaaliyeed u muujinaya in laga gudbay waxyaabihii walaaca ku dhaliyay.<\/p>\n<p>Hadalhayn xoogan ayaa ka dhalatay xayiraadda marka labaad lagu sameeyay diyaaradihii uu safarka ku geli lahaa Shariif Sheekh Axmed iyo hanjabaadiisii ahayd in ay Magaalada Muqdisho ka saari doonaan dowladda, haddii aanay joojin sida khalafsan, ee ay kula dhaqmayso.<\/p>\n<p>Dadka badankii ayaan jecleysan in Madaxdii hore ee dalka laga hor istaaggo safaro ay uga amba bixi lahaayen Magaalada Muqdisho, sidoo kalena ay wax laga xumaado ku tilmaameen farriintii dhiilada xambaarsaneyd ee ka soo yeertay Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Somaliya.<\/p>\n<p>Haddii ay toddobaadkan kulmaan Madaxda Qaranka iyo Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa waxaa la dhihi karaa Fahad Yaasiin waxaa uu ka hortagey inay dowladda iyo mucaaradka ku sii kala fogaadaan siyaasadda dalka.<\/p>\n<\/div>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-57894\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a>\u00a0<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a>\u00a0<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><\/p>\n<\/article>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxda Dowladda Somaliya iyo Siyaasiyiinta Xisbiyada ayaa waxaa lagu wadaa inay kulan ku yeeshaan Magaalada Muqdisho, si loo dejiyo xaaladda siyaasadeed ee dalka. Toddobaadkii hore ayaa waxaa dalka laga dareemay xasarad siyaasadeed, ka dib markii Garoonka Aadan Cadde lagu xanibay wafdi uu hoggaaminayay Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran oo ku wajahnaa Magaalada Baledweyne [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":60538,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-60536","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/60536","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=60536"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/60536\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":60594,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/60536\/revisions\/60594"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/60538"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=60536"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=60536"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=60536"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}