{"id":60480,"date":"2019-11-15T16:16:55","date_gmt":"2019-11-15T13:16:55","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=60480"},"modified":"2019-11-15T16:21:08","modified_gmt":"2019-11-15T13:21:08","slug":"ciidamo-kumaandoos-oo-lagu-soo-tababaray-turkiga-oo-soo-gaaray-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2019\/11\/ciidamo-kumaandoos-oo-lagu-soo-tababaray-turkiga-oo-soo-gaaray-muqdisho\/","title":{"rendered":"Ciidamo Kumaandoos Oo Lagu Soo Tababaray Turkiga Oo Soo Gaaray Muqdisho."},"content":{"rendered":"<p>Ciidamo cusub oo ka tirsan Kumaandooska Somaliya ayaa waxay gelinkii dambe ee Khamiistii soo gaareen Magaalada Muqdisho, ka dib markii ay tababaro ku soo qaateen Dalka Turkiga.<\/p>\n<p>Ciidankan oo dhalinyaro u badan ayaa waxaa loo soo tababaray inay ka qayb qaataan dagaalka ay Dowladda Federaalka Somaliya kula jirto maleeshiyada Ururka Al Shabaab.<\/p>\n<p>Kumaandooskan ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha Hawlgalka Ciidamada Turkiga, General Varmeyez.<\/p>\n<p>General Maxamed Cali Bariise, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga Dalka oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Kumaandooskan ay ka tirsan yihiin Ururka 3aad ee Guutada Gorgor.<\/p>\n<p>Taliye Kuxigeenka oo sheegay in lagu diirsaday soo laabashada ciidankan ayaa waxaa uu ka dhawaajiyay in loo diyaariyay la dagaalanka maleeshiyada Ururka Al Shabaab, si ay uga saaraan dhulka ay dalka kaga sugan yihiin.<\/p>\n<p>Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe), Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya oo hadal ka jeediyay goobta lagu soo dhaweeyay Ciidanka Kumaandooska Soomaaliyeed ayaa Dowladda Turkiga kaga mahadceliyay taageerada ay markasta la garab joogto Somaliya.<\/p>\n<p>Wasiir Amar Dambe ayaa wuxuu ciidanka kula dardaarmay in ay u diyaargaroobaan ka qayb qaadashada dagaalka ka dhanka ah dagaal-yahanada Al Shabaab.<\/p>\n<p>Turkiga waa saaxiibka ugu weyn ee maanta Somaliya leedahay, iyadoo uu ka caawiyo tababarada ciidamada, dib u dhiska dalka iyo kaabayaasha dhaqaalaha.<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-57894\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ciidamo cusub oo ka tirsan Kumaandooska Somaliya ayaa waxay gelinkii dambe ee Khamiistii soo gaareen Magaalada Muqdisho, ka dib markii ay tababaro ku soo qaateen Dalka Turkiga. Ciidankan oo dhalinyaro u badan ayaa waxaa loo soo tababaray inay ka qayb qaataan dagaalka ay Dowladda Federaalka Somaliya kula jirto maleeshiyada Ururka Al Shabaab. Kumaandooskan ayaa waxaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":60481,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-60480","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/60480","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=60480"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/60480\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":60483,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/60480\/revisions\/60483"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/60481"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=60480"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=60480"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=60480"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}