{"id":60287,"date":"2019-11-09T19:03:11","date_gmt":"2019-11-09T16:03:11","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=60287"},"modified":"2019-11-10T03:10:02","modified_gmt":"2019-11-10T00:10:02","slug":"isbaheysi-ay-ku-midoobeen-24-xisbiyo-siyaasadeed-oo-maanta-muqdisho-looga-dhawaaqay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2019\/11\/isbaheysi-ay-ku-midoobeen-24-xisbiyo-siyaasadeed-oo-maanta-muqdisho-looga-dhawaaqay\/","title":{"rendered":"Isbaheysi Ay Ku Midoobeen 24-Xisbiyo Siyaasadeed Oo Maanta Muqdisho Looga Dhawaaqay."},"content":{"rendered":"<div class=\"td-post-header\">Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan weyne uu soo qabanqaabiyay Isbaheysiga xisbiyada siyaasadda, iyadoo siyaabo kala duwan looga hadlay guud ahaan xaaladda uu dalku marayo, waxayna xubnaha ka qeyb galay kulankaasi si kulul uga hadleen Madal dhowaan looga dhawaaqay Muqdisho isla markaana Guddoomiye loogu doortay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.<\/div>\n<div class=\"td-post-content\">\n<div class=\"mceTemp\"><\/div>\n<p>Xubnaha halkaasi khudbadaha kala duwan ka jeediyay ayaa iyagu ahaa guddoomiyeyaasha qaar ka mid ah xisbiyada ku bahoobay isbaheysigaasiga Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya, waxayna ujeedkoodu ahaa sidii dalka looga saari lahaa dhibaatada uu xilligaan ku jiro oo ay ugu horeyso ka shaqeynta nabadda iyo sidii ay shacabku u heli lahaayeen xuquuqaadka ay ku leeyihiin dowladda iyo kuwa iyaga lagu leeyahay.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/6.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"wp-image-60289 alignleft\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/6-300x225.jpg\" alt=\"\" width=\"244\" height=\"183\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/6-300x225.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/6-80x60.jpg 80w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/6-160x120.jpg 160w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/6-265x198.jpg 265w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/6-530x396.jpg 530w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/6-560x420.jpg 560w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/6.jpg 640w\" sizes=\"auto, (max-width: 244px) 100vw, 244px\" \/><\/a><\/p>\n<p>\u201c4-5 xisbi ma noqon karaan madal Qaran,Madasha Xisbiyadu Waxey Kawada Dhaxeysaa Xisbiyada Shahaadada Kmg Haysta Xisbiyo Qarana Waa Talaabo Dhiman oo ay Ka Hor Dhacayaan Una Muuqata In La Boobayo Masiirkii Xisbiyada Dalka, waxaanan Arkeynaa inay socoto cagajugleyn iyo xubno sheeganaya inay Dadka Muqdisho Qaxinayaan,Hadii Kale ay maroorsadaan masiirka dalka, kuwaasi oo ay ku jiraan madax dalka horay xilal uga soo qabtay\u201d ayuu yiri Cali Maxamed Nuux (TIma Jilic) oo ah Guddoomiyaha xisbiga midnimada Jamhuuriga ahna xiriiriyaha xisbiyada siyaasadda.<\/p>\n<p>Guddoomiye Tima Jilic waxa uu sheegay in muddo saddex maalin ah kulamo adag ka lahaayeen ajandayaal ay ka mid yihiin:-<\/p>\n<ol>\n<li>Sidii loo abuuri lahaa guddi ka qeyb qaata taakuleynta dadka fatahaaduhu saameeyeen.<\/li>\n<li>Xaaladda siyaasadeed ee uu dalku marayo<\/li>\n<li>Doorasho dalka ka dhacda xilliga loo asteeyay.<\/li>\n<\/ol>\n<p>Guddoomiyaha dalladda isbaheysiga xisbiyada siyaasadda Timajilic ayaa hoosta ka xariiqay in Madaxweynayaashii hore ee dalka sida Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sh. Maxamuud ay hormuud u yihiin arrimo dib u dhac ku ah dalka.<\/p>\n<p>Sidoo Kale Waxaa Goobta Ka Hadashey Marwo Khadiijo Cali Qaasim oo ah Guddoomiye Kuxigeenka 1&#8217;aad ee Xisbiga Sinnaanta Midnimada Nabadda Iyadoo Ugu Horeyn Soo Gudbisay Salaan ay Ka Siddey Gudoomiyaha Xisbiga SMN C\/maalik Xasan Taxi oo Hawl Debedda Ugu Maqnaa,Isla Markaasna Ku Boorisey Xubnihii Kulanka Maanta Fadhiyey In Wax Lagu Noqon Karo Cabsida Alle Sinaan,Midnimo Iyo Nabad.<\/p>\n<figure id=\"attachment_60298\" aria-describedby=\"caption-attachment-60298\" style=\"width: 300px\" class=\"wp-caption alignnone\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/8.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"size-medium wp-image-60298\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/8-300x225.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"225\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/8-300x225.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/8-80x60.jpg 80w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/8-160x120.jpg 160w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/8-265x198.jpg 265w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/8-530x396.jpg 530w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/8-560x420.jpg 560w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/8.jpg 640w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><figcaption id=\"caption-attachment-60298\" class=\"wp-caption-text\">OLYMPUS DIGITAL CAMERA<\/figcaption><\/figure>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/11.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"size-medium wp-image-60290 alignleft\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/11-300x225.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"225\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/11-300x225.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/11-80x60.jpg 80w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/11-160x120.jpg 160w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/11-265x198.jpg 265w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/11-530x396.jpg 530w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/11-560x420.jpg 560w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/11.jpg 640w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a>C\/llaahi Sheekh Xasan Guddoomiyaha xisbiga Midawga Nabadda iyo Dimoqoraadiyadda ayaa jawaab kulul waxa uu ka bixiyay hadal ka soo yeeray Xildhibaan C\/qaadir Cosoble oo ahaa inuu ku hanjabyo sidii dalkaan dib loogu celin lahaa haddii aan tiisa la yeelin, taasina aanay la gudbooneyn in qof Xildhibaan Qaran ah.<\/p>\n<p>\u201cMa aqbaleyno in ceelasha biyaha loo laabto nabadgelyo xumo darteed, anigoo ka xun ereyga afkiisa ka soo baxay Xildhibaankaas waxaan ugu baaqayaa inuu ka laabto\u201d ayuu yiri C\/llaahi Sheekh Xasan oo tilmaamay in xubnaha ugu sareeya madasha dhowaan lagu dhawaaqay ay ka shaqeynayaan xasilooni darro siyaasadeed oo dalka ka dhacda.<\/p>\n<p>Tallaabada Dowladda Federaalka Soomaaliya mushaarka ugu kordhisay ciidamada Dowladda Soomaaliya ayuu Guddoomiye C\/llaahi Sheekh sheegay inay ka hambalyeynayaan 24-ka xisbi ee ku midoobay isbaheysiga xisbiyada, wuxuuna ka digay in ciidamada dalka loo adeegsado qaab qabiil, koox iyo cid gaar ah.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"size-medium wp-image-60291\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/1-300x225.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"225\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/1-300x225.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/1-80x60.jpg 80w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/1-160x120.jpg 160w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/1-265x198.jpg 265w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/1-530x396.jpg 530w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/1-560x420.jpg 560w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/1.jpg 640w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/3.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"size-medium wp-image-60293\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/3-300x225.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"225\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/3-300x225.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/3-80x60.jpg 80w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/3-160x120.jpg 160w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/3-265x198.jpg 265w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/3-530x396.jpg 530w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/3-560x420.jpg 560w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/3.jpg 640w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/5.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"size-medium wp-image-60295\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/5-300x225.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"225\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/5-300x225.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/5-80x60.jpg 80w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/5-160x120.jpg 160w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/5-265x198.jpg 265w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/5-530x396.jpg 530w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/5-560x420.jpg 560w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/5.jpg 640w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/7.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"size-medium wp-image-60297\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/7-300x225.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"225\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/7-300x225.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/7-80x60.jpg 80w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/7-160x120.jpg 160w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/7-265x198.jpg 265w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/7-530x396.jpg 530w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/7-560x420.jpg 560w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/7.jpg 640w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/10.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"size-medium wp-image-60299\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/10-300x225.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"225\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/10-300x225.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/10-80x60.jpg 80w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/10-160x120.jpg 160w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/10-265x198.jpg 265w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/10-530x396.jpg 530w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/10-560x420.jpg 560w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/10.jpg 640w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-57894\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/12.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\" wp-image-60302\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/12-300x225.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"225\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/12-300x225.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/12-80x60.jpg 80w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/12-160x120.jpg 160w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/12-265x198.jpg 265w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/12-530x396.jpg 530w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/12-560x420.jpg 560w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/11\/12.jpg 640w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan weyne uu soo qabanqaabiyay Isbaheysiga xisbiyada siyaasadda, iyadoo siyaabo kala duwan looga hadlay guud ahaan xaaladda uu dalku marayo, waxayna xubnaha ka qeyb galay kulankaasi si kulul uga hadleen Madal dhowaan looga dhawaaqay Muqdisho isla markaana Guddoomiye loogu doortay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed. Xubnaha halkaasi khudbadaha kala [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":60302,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-60287","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/60287","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=60287"}],"version-history":[{"count":6,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/60287\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":60308,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/60287\/revisions\/60308"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/60302"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=60287"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=60287"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=60287"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}