{"id":60256,"date":"2019-11-08T18:40:43","date_gmt":"2019-11-08T15:40:43","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=60256"},"modified":"2019-11-09T01:20:52","modified_gmt":"2019-11-08T22:20:52","slug":"dhalinyaro-shabaabka-u-qaabilsanaa-dilalka-qorshaysan-oo-maxkamad-la-horkeenay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2019\/11\/dhalinyaro-shabaabka-u-qaabilsanaa-dilalka-qorshaysan-oo-maxkamad-la-horkeenay\/","title":{"rendered":"Dhalinyaro Shabaabka U Qaabilsanaa Dilalka Qorshaysan Oo Maxkamad La Horkeenay."},"content":{"rendered":"<header class=\"entry-header\"><\/header>\n<div class=\"entry-content\">\n<p>Maxkamada Ciidamada federaalka ayaa maanta dhagaysatay dacwad loo haysto dhalinyaro ku eedaysanan inay ka tirsan yihiin Shabakad uruka Alshabaab u qaabilsan fulinta dilalka gaadmada ah oo ka howlgali jiray Galbeedka Magaaladda Muqdisho<\/p>\n<p>Eedaysanayaashan ayaa lagu kala magacaabaa Shucayb C\/laahi Max\u2019ed\u00a0 oo magiciisa afgarashadu yahay (Axmed) ,\u00a0 Maxamed Cismaan Axmed oo magacyadiisa afgarashadu yihiin (C\/weli, Atam, Bakistaan) Ismaaciil Max\u2019ed Aweys oo magiciisa afgarashadu yahay\u00a0 (Yaxye)<\/p>\n<p>Eedaysanayaasha ayaa laga soo kala qabtay bar ay ciidamada amniga ku hubiyaan dadka iyo gaadiidka oo ku taala waaxda Xaawa Taako ee degmada Wadajir iyo degmada deyniile gaar ahaan Jaamacada Gahayr .<\/p>\n<p>\u201cEedaysane Shucayb C\/laahi Max\u2019ed\u00a0 oo magiciisa afgarashadu yahay (Axmed) ayaa loo heystaa dilka Marxuum Ex- S\/X\/le X. Xuseen Macalin Cali Jilacow 28\/06\/2017, Marxuum Ex- G\/le Bol. Yuusuf C\/laahi Max\u2019ud 09\/12\/2017, Marxuum Ex- L\/x\/le Bol, C\/laahi Ibraahim Xasan (Gambar) 05\/05\/2018, 27\/11\/2018 Marxuum Cabdi Cali Max\u2019ud oo ahaa nin shacab ah oo ka ganacsanaayay hilibka (Kawaanle) halka\u00a0\u00a0 dhaawac xabadeed uu u\u00a0 gaysatay Dhibane C\/raxmaan Max\u2019ed Cali, waxa uu sidoo kale kala\u00a0 simanyahay Ismaaciil iyo Maxmed in ay qorsheynayeen dilka Baarliin Cabdi Warsame oo aheyd gabar ka ganacsato qaadka\u201d Sidaas waxaa lagu yiri Eedaynta xeeer ilaalinta oo lagu daabacay warbaahinta dowladda ee Sonna<\/p>\n<p>Sidoo kale, Xeer ilaalintu waxay Max\u2019ed Cismaan Axmed Cumar (C\/weli, Atam, Bakistaan),\u00a0 ku eedaysay inuu shabakada u qaabilsanaa adeega\u00a0 keenista iyo ka qaadista\u00a0 Bastooladaha lagu fuliyo Dilalka qorshaysan Alshabaab, sidoo kale waxaa lagu eedeeyay\u00a0 in 28\/02\/2019 uu qeyb \u00a0ka ahaa dil fashilmay ee lala damacsanaa Dhibane Baarliin Cabdi Warsame.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Ismaaciil Max\u2019ed Aweys (Yaxye) ayaa lagu soo eedeeyay lkamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in uu qeyb ka ahaa fashilka dil ay la damacsanaayeen Dhibane Baarliin Cabdi Warsame.<\/p>\n<p>\u201cSaadaq C\/jabaar Cumar Xuseen, waxaa si gaar ah loogu eedeeyay kamid ahaanshiyaha Alshabaab\u00a0 gaar ahaan Qeybta fulisa dilalka qorshaysan, waxaa si gaar ah loogu qabtay fulinta dilka\u00a0 Marxuum Ex D\/le X. Max\u2019ud Xasan Ibraahim 31\/03\/2019\u201d<\/p>\n<p>Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa weydiistay Maxkamadda in la siiyo fursad dheerad ah oo ay maxkamadda ku horkeenaan agab iyo markaatiyaasha qaarkooda oo safar kaga maqan magaalad<\/p>\n<p>Xafiiska Xeer Ilaalinta maxkamada Ciidamada waxaa maxkamada horkeentay Lix Markhaati oo uu ku giro dhibane, kuwaasi oo maxkamadi ay dhagaysay. Gabagabadii xeer ilaalintu waxay codsaday in fursad loo siiyay in ay Maxkamadda la yimaadaan cadeymaha kiiskan ay eedeysanaha kawada yihiin 4-ta eedeysane ee Maxkamadda hortaagan.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee CQS\u00a0 ayaa soo xiray fadhiga Maxkamadda, waxaana sii socon doonta dhageysiga dacwooyinka loo heysto eedeysanayaashaan.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-57894\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maxkamada Ciidamada federaalka ayaa maanta dhagaysatay dacwad loo haysto dhalinyaro ku eedaysanan inay ka tirsan yihiin Shabakad uruka Alshabaab u qaabilsan fulinta dilalka gaadmada ah oo ka howlgali jiray Galbeedka Magaaladda Muqdisho Eedaysanayaashan ayaa lagu kala magacaabaa Shucayb C\/laahi Max\u2019ed\u00a0 oo magiciisa afgarashadu yahay (Axmed) ,\u00a0 Maxamed Cismaan Axmed oo magacyadiisa afgarashadu yihiin (C\/weli, Atam, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":60257,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-60256","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/60256","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=60256"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/60256\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":60265,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/60256\/revisions\/60265"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/60257"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=60256"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=60256"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=60256"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}