{"id":60053,"date":"2019-11-01T20:43:17","date_gmt":"2019-11-01T17:43:17","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=60053"},"modified":"2019-11-01T21:28:00","modified_gmt":"2019-11-01T18:28:00","slug":"gudiga-wadajirka-ah-ee-dhaqaalaha-turkiga-iyo-soomaaliya-oo-kulan-ku-yeeshay-magaalada-ankara-ee-dalka-turkiga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2019\/11\/gudiga-wadajirka-ah-ee-dhaqaalaha-turkiga-iyo-soomaaliya-oo-kulan-ku-yeeshay-magaalada-ankara-ee-dalka-turkiga\/","title":{"rendered":"Gudiga Wadajirka ah ee Dhaqaalaha Turkiga iyo Soomaaliya oo  Kulan Ku Yeeshay Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\">Waxaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga ka dhacay kulan ay yeesheen guddiga Wadajirka Dhaqaalaha ee dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo looga hadlay iskaashiga dhaqaalaha iyo waliba wixii ka qabsoomay qoddobadii ka soo baxay kulankii kan ka horeeyay.<\/p>\n<p>Wafdiga dowladda Soomaaliya ee shirka ka qeybgalay waxaa hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta \u00a0jaamaal Maxamed Xassan iyadoo dhinaca Turkigana uu kulanka ku matalayay wafdi uu horkacayay Wasiirka Difaaca.<\/p>\n<p align=\"justify\">Kulanka ayaa intii uu socday sidoo kale waxaa lagu bandhigay horumarradii dhaqaale ee \u00a0la gaaray iyo xariirrada dhaqaale, ganacsi, farsamo, dhaqan ee ka dhexeeya labada dowladood, waxaana la isla qiray in ay muhiim tahay in \u00a0lasii adkeeyo iskaashiga.<\/p>\n<p align=\"justify\">Waxaa kulanka dhinac socda kulamo gaargaar ah oo ay Wasiirrada Dowladda Federaalka iyo xubnaha kale ee guddiga la yeesheen mas&#8217;uuliyiinta dhiggooda ah ee dalka Turkiga.<\/p>\n<p align=\"justify\">Guddiga wadajirka ah ee dhaqaalaha Turkiga iyo Soomaaliya oo lagu \u00a0aasaasay qodobka 7aad ee heshiiskii ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaalaha \u00a0ee labada dowladood saxiixeen 22, 02, 2016, ayaa kulankii ugu horreeyay \u00a0waxa ay January 11-12, 2018 ku yeesheen isla magaalada Ankara.<\/p>\n<div align=\"justify\">Wafdiga dowladda Soomaaliya ayaa waxaa marka laga soo tago Wasiir Jamaal sidoo kale ka mid ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha,Wasiirka Beeraha iyo Waraabka,Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, Wasiirka dekadaha iyo gadiidka badda, Wasiiru Dowlaha arrimaha dibadda, gudoomiyaha Bankiga dhexe,Iyo Gudoomiyaha Somali Airline.<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-57894\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waxaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga ka dhacay kulan ay yeesheen guddiga Wadajirka Dhaqaalaha ee dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo looga hadlay iskaashiga dhaqaalaha iyo waliba wixii ka qabsoomay qoddobadii ka soo baxay kulankii kan ka horeeyay. Wafdiga dowladda Soomaaliya ee shirka ka qeybgalay waxaa hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta \u00a0jaamaal Maxamed Xassan iyadoo dhinaca Turkigana [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":60054,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-60053","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/60053","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=60053"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/60053\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":60055,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/60053\/revisions\/60055"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/60054"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=60053"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=60053"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=60053"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}