{"id":60014,"date":"2019-11-01T02:22:31","date_gmt":"2019-10-31T23:22:31","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=60014"},"modified":"2019-11-01T03:45:55","modified_gmt":"2019-11-01T00:45:55","slug":"dowlada-turkiga-oo-si-cara-leh-ugu-jawaabtay-faransiiska","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2019\/11\/dowlada-turkiga-oo-si-cara-leh-ugu-jawaabtay-faransiiska\/","title":{"rendered":"Dowlada Turkiga Oo Si Cara Leh Ugu Jawaabtay Faransiiska"},"content":{"rendered":"<div class=\"story-body__inner\">\n<p class=\"story-body__introduction\">Dowladda Turkiga ayaa si weyn uga carootay go&#8217;aan kasoo baxay Faransiiska oo ku aaddan howlgalka uu Turkiga ka wado gudaha Suuriya.<\/p>\n<p>Sharci dajiyeyaasha Faransiiska ayaa sheegay inaysan wax taageero ah u heynin tallaabada uu Turkiga qaaday.<\/p>\n<p>War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa lagu cambaareeyay go&#8217;aanka ay labada aqal ee Baarlamaanka Faransiiska kasoo saareen mowqifkooda ku aaddan howlgalka ay xukuumadda Ankara ka waddo gudaha dalka Suuriya.<\/p>\n<div id=\"bbccom_mpu_1_2\" class=\"bbccom_slot mpu-ad bbccom_standard_slot bbccom_visible\" aria-hidden=\"true\">\n<div id=\"bbccom_mpu\" class=\"bbccom_advert \" data-google-query-id=\"CNXypPvQx-UCFYRkwQodJx8E9Q\"><\/div>\n<\/div>\n<p>&#8220;Waxaan si adag u cambaareyneynaa go&#8217;aanka ay aqallada senete-ta iyo baarlamaanka Faransiiska ku diideen howlgalka dhulka nabadda ah lagu sameynayo ee ka socda Waqooyiga Suuriya&#8221;, ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Wasaaradda.<\/p>\n<p>Waxaa bayaanka sidoo kale lagu yidhi: &#8220;Waa wax aan lala yaabeynin in Faransiisku uu qaato go&#8217;aankaas ka dib markii uu ku guul darreystay isku daygii uu ku doonayay inuu maamul argagixiso ah uga dhiso waddanka Suuriya&#8221;.<\/p>\n<p>&#8220;Dowladda Faransiiska iyo baarlamaankeeduba waxay mar kale xaqiijiyeen inay la safan yihiin kooxda PYD\/YPG, kuwaasoo ah garabka Suuriya u jooga kooxda PKK, taasoo ay liiska argagixisada ku dareen Turkiga, Mareykanka iyo midowga Yurub intuba&#8221;, ayaa lagu yiri qormada bayaanka.<\/p>\n<p>Waxaa kale oo lagu qeexay inuusan jirin waddan adduunka ku yaalla oo Turkiga uga badan dagaalka lagula jiro kooxda Daacish, oo sidoo kale loo yaqaanno ISIS.<span class=\"image-and-copyright-container\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"responsive-image__img js-image-replace\" src=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/375\/cpsprodpb\/124EB\/production\/_109478947_f673b2b5-995e-4f8e-bacf-30350f7bf989.jpg\" alt=\".\" width=\"976\" height=\"549\" data-highest-encountered-width=\"375\" \/><\/span><\/p>\n<p>Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa dhinaca kale Faransiiska ku eedeysay inuuxal u waayay muwaadiniintiisa xubnaha ka ah kooxda IS ee ku sugan gudaha Suuriya, waxayna sheegeen in xukuumadda Paris aysan Turkiga ku eedeyn karin howlgalka uu Suuriya ka wado.<\/p>\n<p>Labada aqal ee baarlamaanka Faransiiska ayaa Arbacadii ansixiyay qaraar lagu cambaareynayo isla markaana looga soo horjeedo go&#8217;aankii uu Turkiga ku billaabay howlgalkiisa Milatari ee ka socda Waqooyiga Suuriya, kaasoo ay mas&#8217;uuliyiinta waddankaas ujeeddadiisa ku sheegeen mid aag nabdoon looga sameynayo halkaas.<\/p>\n<p>9-kii bishan October ayey Milatariga Turkigu u tallaabeen xadka Suuriya, iyagoo garab ka helaya maleyshiyaad kusii sugnaa Suuriya.<\/p>\n<p>Qorshahaas oo in muddo ahba socday ayuu madaxweyne Racep Tayyib Erdogan ku sheegay mid lagu abuurayo goob ay dagaan qaxootiga reer Suuriya.<\/p>\n<p>22-kii bishan, Turkiga iyo Ruushka ayaa galay heshiis dhigaya in xoogagga YPG ay xuduudda dib uga gurtaan ilaa 30km.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-57894\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Turkiga ayaa si weyn uga carootay go&#8217;aan kasoo baxay Faransiiska oo ku aaddan howlgalka uu Turkiga ka wado gudaha Suuriya. Sharci dajiyeyaasha Faransiiska ayaa sheegay inaysan wax taageero ah u heynin tallaabada uu Turkiga qaaday. War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa lagu cambaareeyay go&#8217;aanka ay labada aqal ee [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":59723,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-60014","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/60014","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=60014"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/60014\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":60039,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/60014\/revisions\/60039"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/59723"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=60014"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=60014"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=60014"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}