{"id":59891,"date":"2019-10-27T08:36:31","date_gmt":"2019-10-27T05:36:31","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=59891"},"modified":"2019-10-27T08:37:07","modified_gmt":"2019-10-27T05:37:07","slug":"xubnaha-barlamaanka-puntland-oo-suaalo-kaga-careysiiyey-m-weyne-saciid-c-llaahi-deni","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2019\/10\/xubnaha-barlamaanka-puntland-oo-suaalo-kaga-careysiiyey-m-weyne-saciid-c-llaahi-deni\/","title":{"rendered":"Xubnaha Barlamaanka Puntland oo Su&#8217;aalo Kaga Careysiiyey M\/weyne Saciid C\/llaahi Deni."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\">Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland ayaa isaga baxay Kalfdhiggii 45aad ee Baarlamaanka Puntland oo maanta furmay kaddib markii su&#8217;aalo adag lagu weydiiyay.<\/p>\n<p>Xildhibaan\u00a0Cawil Daad oo ka tirsan mudanayaasha \u00a0Baarlamaanka \u00a0Puntland ayaa weydiiyay madaxweyne Deni su&#8217;aal u dhaceysay in madaxweynuhu ku fashilmay hoggaaminta Puntland, sidaa daraadeed looga baahan yahay isaga iyo madaxweyne ku-xigeenka intaba in ay banneeyaan xafiiska.<\/p>\n<p align=\"justify\">&#8221;Waxaad xilka haysay sagaal bilood, wejiga dhabta ah ee xukuumadda aad hoggaamisana waxaa la moodaa in uu ku jiro maalmihii ugu dambeeyay ee \u00a0muddo xileedkaaga, sidoo kale waxaa batay is qabqabsiga adiga iyo madaxweyne ku-xigeenkaaga, xaalada meel khatar ah ayeey mareysaa Puntland ilaa heer la gaaro in Masaajida laga Alla Baryo, sidaa daraadeed miyeeysan kula aheyn in aad xafiiska banneeysaan madaama aad ku fashilanteed hoggaankii la idiin dhiibay&#8221; ayuu su&#8217;aashiisa ku billaabay Xildhibaan Cawil.<\/p>\n<p align=\"justify\">Ka hor inta uusan ka jawaabin madaxweynaha su&#8217;aasha uu weydiiyay xildhibaan Cawil waxaa hadalka qaatay guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo yiri&#8221;\u00a0Idinkoo sharfan, madaxweynuhu waa madaxweynihiinii, su&#8217;aalahana ha ahaadeen su&#8217;aalo hufan oo sharfan oo aan weerar ku ahayn shaqsi, dalka iyo dadkana maslaxaddiisa ah. Sidaas ayaan codsanayaa&#8221;.<\/p>\n<p align=\"justify\">Madaxweyne Deni oo su&#8217;aasha ka jawaabayay ayaa yiri: &#8220;Xaqiiqda marka loo hadlo, dadka dalka xogtiisa \u00a0haya ma&#8217;ahan Baarlamaanka oo keli ah. Dalka xogtiisa waxaa haya dadka \u00a0reer Puntland oo dhan&#8221;.<\/p>\n<p align=\"justify\">&#8220;Markaan xilka qabannay meesha uu dalka joogay waad ogtihiin. Maanta waxa aan sheegeyno ma ahan warqado hadallo ku qoran; Waa wax xaqiiq dhab ah oo jira&#8221;, ayuu yiri Madaxweynaha.<\/p>\n<p align=\"justify\">&#8220;Amniga, meelihii ugu darnaa waxaa ka mid ah Boosaaso, waxaan filayaa in dad badan oo mas&#8217;uuliyiin ah ay Boosaaso ka yimaaddeen. Waxaan ka rabaa Cawil inuu caddeyn dhab ah keeno meesha amni darro darteed looga qanuuday&#8221;, ayuu yiri Deni.<\/p>\n<p align=\"justify\">Wuxuu intaa ku daray: &#8220;Gobolka Sanaag oo dhan, marka laga reebo magaalada Yubbe iyo inyar oo la mid ah, gacanta Puntland ayay soo gashay muddadii aan xilka haynay&#8221;. Kadib waxaa u sacbiyay tageerayaashiisii fadhiyaey kulanka.<\/p>\n<p align=\"justify\">Markii uu halkaa hadalka marinayo madaxweyne Deni waxaa ka soo dhaxgalay xildhibaan Cawil oo guddoonka Baarlamaanka weydiisata yin madaxweynuhu uusan wali ka jawaabin su&#8217;aashiisii islamarkaana uu meel kale ku warwareegayo, hasse ahaatee madaxweyne Deni oo aad u careysay ayaa ku jawaabay&#8221;\u00a0Waad aamuseysaa nidaamka \u00a0dowladnimda haddadan raacinna, adiga ayaa mas&#8217;uuliyaddeeda qaadaya&#8221;.<\/p>\n<p align=\"justify\">&#8220;Ma ahi nin lagu cabsiin karo in an waajibkeyga garan waayay, mana ahi nin loo sheegi karo danta iyo dawga dowladdani ay dooratay&#8221;, ayuu hadalka ku sii daray.<\/p>\n<p align=\"justify\">intaa kaddibna madaxweynaha ayaa isaga baxay hoolka shirka Baarlamaanka, isaga oo u muuqday in uu siweyn uga carooday su&#8217;aalaha la weydiiyay, maalmihii ugu danbeeyayba waxaa jiray hadal heyn ku saabsaneyd in uu soconayo mooshin ka dhan ah madaxweynaha oo la horgeynayo Baarlamaanka Puntland.<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-57894\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland ayaa isaga baxay Kalfdhiggii 45aad ee Baarlamaanka Puntland oo maanta furmay kaddib markii su&#8217;aalo adag lagu weydiiyay. Xildhibaan\u00a0Cawil Daad oo ka tirsan mudanayaasha \u00a0Baarlamaanka \u00a0Puntland ayaa weydiiyay madaxweyne Deni su&#8217;aal u dhaceysay in madaxweynuhu ku fashilmay hoggaaminta Puntland, sidaa daraadeed looga baahan yahay isaga iyo madaxweyne ku-xigeenka intaba in ay banneeyaan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":59892,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-59891","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/59891","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=59891"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/59891\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":59894,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/59891\/revisions\/59894"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/59892"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=59891"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=59891"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=59891"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}