{"id":59888,"date":"2019-10-27T08:25:59","date_gmt":"2019-10-27T05:25:59","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=59888"},"modified":"2019-10-27T08:27:14","modified_gmt":"2019-10-27T05:27:14","slug":"m-weyne-muuse-biixi-oo-dhagax-dhigay-xarun-lagu-kaydin-doono-taariikhda-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2019\/10\/m-weyne-muuse-biixi-oo-dhagax-dhigay-xarun-lagu-kaydin-doono-taariikhda-somaliland\/","title":{"rendered":"M\/weyne Muuse Biixi oo Dhagax Dhigay Xarun Lagu Kaydin Doono Taariikhda Somaliland."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\">Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta dhagax dhigay dhisme cusub oo loo binaynayo xarun lagu keydin doono keydka Taariikhda qaranka, kaas oo laga hirgelin doono goobtii ay ahaan jirtey Khayriyadii hore ee badhtamaha magaaladda Hargeysa.<\/p>\n<p>Dhismahan oo ay hirgelin doonto madaxtooyada Somaliland,isla markaana ay dhisi doonaan ciidanka Qaranku ayaa dhagax-dhiggeeda waxa hadallo ka jeediyey masuuliyiin, abwaanno iyo ganacsato kala duwan, kuwaas oo ku dheeraaday muhiimadda ay xaruntani qaranka u yeelan doonto iyo baahida loo qabo in dhammaanba wixii keyd ah bulshada manfac u leh loogu keydiyo si jiilka dambe ee dhalan doonaa u intifaacsadaan.<\/p>\n<p align=\"justify\">Madaxweyne Biixi ayaa dhinaciisa ku dheeraaday taariikhdii ay soo martay xarunta Khayriyada Hargeysa ee haatan laga dhisayo Keydka Taariikhda Qaranka, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay goobtaasi tahay xarun bulshada reer Somaliland Taariikh dheer u leh oo ku habboon in laga dhigo madal Taariikhda bulshada lagu keydiyo.<\/p>\n<p align=\"justify\">Madaxweynuhu waxa uu bulshada u sharraxay waxyaabaha la doonayo in lagu keydiyo xarunta cusub ee loo dhisayo keydka Taariikhda qaranka,\u201cHalkan waxaynnu ka doonaynaa in Taariikhdeenaa shanta kun ee sanno ah wixii ina soo maray ee jirey, talo haddii ay tahay, haddii ay dhaqan tahay iyo haddii ay Saynis iyo cilmi tahayba, lagu keydiyo, dad baynnu ahayn dhisan oo isku filan oo noloshoodu isu miisaaman tahay oo sida ay u noolaanayaan iyo waxa ay qabanayaan garanaya, wixii baynnu rabnaa inaynnu halkan kusoo ururinno oo ka faa\u2019iidaysanno,\u201d<\/p>\n<p align=\"justify\">Xarunta cusub ee uu madaxweynuhu maanta dhagax dhigay, ayaa noqonaya mid loo asteeyey in laga helo dhammaanba wixii taariikh iyo cilmi ah ee ay bulshada reer Somaliland lahayd, waxana uu madaxweynuhu ugu baaqay inay shacabku dhammaanba soo ururiyaan wixii Taariikh ah ee ay hayaan, si looga faa\u2019iidaysto.<\/p>\n<p align=\"justify\">Dhinaca kale, Madaxweynuhu wuxu xadhigga ka jaray dhismeyaal cusub oo xukuumaddu u dhistay guddida qandaraasyada qaranka iyo hay\u2019adda U diyaargarowga Aafooyinka iyo keydka Raashinka qaranka.<\/p>\n<p align=\"justify\">Ugu horrayn waxa uu madaxweynuhu saaka xadhigga ka jaray dhisme loo bineeyey guddida qandaraasyada qaranka, waxana munaasibadda xadhig-ka-jarista hadal kooban ka jeediyey guddoomiyaha guddidaas, Mudane Nuux Maxamed Xuseen, isaga oo madaxweynaha uga warbixiyey dedaalka qaranku geliyey inay guddidaasi yeelato dhisme gaar ah.<\/p>\n<p align=\"justify\">Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa ammaanay hawsha ay guddida qandaraasyada qaranku bulshada u hayaan iyo sida daah-furnaanta leh ee ay bulshada ugu adeegaan, isaga oo xusay inuu madaxweyne ahaan la dhacsan yahay shaqada guddidaas iyo adeegga ay bixiyaanba.<\/p>\n<p align=\"justify\">Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu uu xadhigga ka jaray dhismeyaal iyo bakhaar keydka Raashinka loogu talo galay oo loo dhisay hay\u2019adda u diyaar garowga Aafooyinka iyo keydka Raashinka qaranka, waxana xarunta kusoo dhaweeyey shaqaalaha hay\u2019addaas oo uu horkacayo guddoomiye Faysal Cali Sheekh.<\/p>\n<p align=\"justify\">Madaxweynuhu waxa kormeeray dhismayaasha cusub iyo Bakhaarka keydka Raashinka ee loo dhisay hay\u2019adda u diyaargarowga Aafooyinka iyo Keydka Raashinka qaranka, kadibna waxa uu xidhigga ka jaray dhismayaashaas xukuumaddu hirgelisay.<\/p>\n<p align=\"justify\">Guddoomiyaha Hay\u2019adda u diyaargarowga Aafooyinka iyo keydka Raashinka qaranka, Mudane Faysal Cali Sheekh oo munaasibadda ka hadlay, ayaa tilmaamay muhiimadda ay hay\u2019addaasi qaranka u leedahay iyo doorkii lama illaawaanka ahaa ee ay ka qaadatay masiibadii SAGAR ee dhawaan ka dhacday gobollo kamid ah dalka, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay ka hay\u2019ad ahaan xil weyn iska saareen sidii loo heli lahaa keyd Raashin oo qaranku kaga bixi karo xaaladaha adag ee soo waajaha.<\/p>\n<p align=\"justify\">Madaxweyne Biixi, ayaa bogaadiyey hay\u2019adda u diyaargarowga Aafooyinka qaranka iyo Keydka Raashinka, waxana uu bulshada usoo jeediyey inay garab galaan, waxaanu yidhi \u201cWaxannu hambalyeynaynayaa oo ku ammaanaynaa hawsha ay qaranka u qabteen hay\u2019adda u diyaargarowga Aafooyinka iyo keydka Raashinka qaranka, dad isku tashaday oo midoobay uun baa ka hortegi kara Aafooyinka iyo dhibaatooyinka, dad tafaraaruq ah oo is wada khilaafsani meel gaadhi maayo, hay\u2019addanina waannu ugu mahadnaqaynaa keydka yar ee ay sameeyeen, dhulka ay beereenna dedaalkoodu ma yara oo in lala shaqeeyo ayey u baahan yihiin,\u201d<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-57894\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta dhagax dhigay dhisme cusub oo loo binaynayo xarun lagu keydin doono keydka Taariikhda qaranka, kaas oo laga hirgelin doono goobtii ay ahaan jirtey Khayriyadii hore ee badhtamaha magaaladda Hargeysa. Dhismahan oo ay hirgelin doonto madaxtooyada Somaliland,isla markaana ay dhisi doonaan ciidanka Qaranku ayaa dhagax-dhiggeeda waxa hadallo ka jeediyey masuuliyiin, abwaanno [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":59889,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-59888","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/59888","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=59888"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/59888\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":59890,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/59888\/revisions\/59890"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/59889"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=59888"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=59888"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=59888"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}