{"id":59858,"date":"2019-10-24T21:54:09","date_gmt":"2019-10-24T18:54:09","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=59858"},"modified":"2019-10-24T21:54:09","modified_gmt":"2019-10-24T18:54:09","slug":"ciidama-amisom-oo-dad-shacab-ah-ku-dilay-gobolka-shabellaha-dhexe","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2019\/10\/ciidama-amisom-oo-dad-shacab-ah-ku-dilay-gobolka-shabellaha-dhexe\/","title":{"rendered":"Ciidama Amisom Oo Dad Shacab Ah Ku Dilay Gobolka Shabellaha Dhexe."},"content":{"rendered":"<div class=\"td-post-header td-pb-padding-side\"><\/div>\n<div class=\"td-post-content td-pb-padding-side\">\n<p>Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (Amisom) ayaa waxay maanta dad shacab oo beeraley ah ay ku dileen Gobolka Shabellaha Dhexe, ka dib markii qarax lala beegsaday.<\/p>\n<p>Kolonyo ay la socdeen Ciidanka Midowga Afrika ayaa waxaa qaraxan lagula beegsaday Deegaanka Buurane ee duleedka Degmada Mahadaay, iyadoo uu qaraxaasi burbur ka soo gaaray mid ka mid ah kolonyadii ay wateen.<\/p>\n<p>Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa lagu aasay wado hareer marta beero halkaasi ku yaala. Ciidanka Amisom oo gawaarida ka daatay ayaa dilay dad beeraley ah oo halkaasi ku sugnaa.<\/p>\n<p>Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Amisom ay si ula kac ah u dileen laba ka mid ah beeraleyda Gobolka Shabellaha Dhexe, waxayna dib ugu laabteen xerada ay ku leeyihiin Buurane.<\/p>\n<p>Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe iyo Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaan ka hadlin labada qof ee ay sida bareerka ahi u dileen Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.<\/p>\n<p>Inkastoo Amisom ay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ka caawinayso amniga dalka iyo la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab ayaa waxay dhanka kale mararka qaarkood si bareer ah u dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Ma jirto cid si rasmi ah Xoogaga Amisom ugala xisaabtanta waxyeelada ay u gaysanayaan bulshada Soomaaliyeed, waxaana xitaa mucjiso ah in la cambaareeyo falalka ay ku kacayaan.<\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (Amisom) ayaa waxay maanta dad shacab oo beeraley ah ay ku dileen Gobolka Shabellaha Dhexe, ka dib markii qarax lala beegsaday. Kolonyo ay la socdeen Ciidanka Midowga Afrika ayaa waxaa qaraxan lagula beegsaday Deegaanka Buurane ee duleedka Degmada Mahadaay, iyadoo uu qaraxaasi burbur ka soo gaaray mid ka mid ah [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":26443,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-59858","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/59858","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=59858"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/59858\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":59859,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/59858\/revisions\/59859"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/26443"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=59858"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=59858"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=59858"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}