{"id":59682,"date":"2019-10-18T21:07:13","date_gmt":"2019-10-18T18:07:13","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=59682"},"modified":"2019-10-18T21:23:19","modified_gmt":"2019-10-18T18:23:19","slug":"hawlgal-lagu-baacsanayo-al-shabaab-oo-laga-sameeyay-shabellaha-dhexe","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2019\/10\/hawlgal-lagu-baacsanayo-al-shabaab-oo-laga-sameeyay-shabellaha-dhexe\/","title":{"rendered":"Hawlgal Lagu Baacsanayo Al-Shabaab Oo Laga Sameeyay Shabellaha Dhexe."},"content":{"rendered":"<div class=\"td-post-header td-pb-padding-side\">Hawlgal ballaaran oo ka dhan ah maleeshiyada Ururka Al Shabaab ayaa waxaa laga sameeyay qaybo ka mid ah Gobolka Shabellaha Dhee, iyadoona gacanta lagu dhigay xubno ka tirsan maleeshiyadaasi.<\/div>\n<div class=\"td-post-content td-pb-padding-side\">\n<p>Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Booliska ee Maamulka Hirshabelle ayaa la sheegay in hawlgal muddo laba maalmood qaatay ay ka sameeyeen tuulooyinka hoos-yimaada Jowhar iyo Balcad.<\/p>\n<p>Xasan C\/qaadir Muudey, La taliyaha Qaybta Warbaahinta ee Madaxweynaha Hirshabelle oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa xaqiijiyay in hawlgalka uu ahaa mid ay si wadajira u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska Hirshabelle.<\/p>\n<p>\u201cGuul ayay noogu soo dhammaatay hawlgalo ay Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Booliska Hirshabelle ka sameeyeen Magaalada Jowhar, tuulooyinka hoos-yimaada illaa tuulooyinka kale ee hoos-tagga Degmada Balcad. Hawlgalada oo muddo laba maalmood qaatay ayaa ahaa kuwo lagu baacsanaayay maleeshiyada Shabaab ee ka soo hayaamay Gobolka Shabellaha Hoose. Gulufkii ay Ciidanka Xoogga Dalka qaybahooda kala duwan ku qaadeen gobolkaasi ayaa sababtay in ay soo aadaan Gobolka Shabellaha Dhexe.\u201d Ayuu yiri Xasan C\/qaadir Muudey.<\/p>\n<p>Xasan C\/qaadir Muudey ayaa yiri \u201cCiidamadeena oo taasi ka jawaabaya ayaa waxay hawlgalada ku soo qab qabteen dad fara-badan oo ay ku jiraan ugu yaraan toban ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab, kuwaa oo hadda ku jira gacanta laamaha amniga.\u201d<\/p>\n<p>Sida uu sheegay Xasan C\/qaadir waxaa hawlgalkan hormuud u ahaa Taliyaha Booliska Hirshabelle iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana uu yiri \u201cHawlgalada guuleystay ee ka dhanka ahaa Khawaariijta ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Korneyl Xasan Dhicisow iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe, Axmed Mayre Makaraan.\u201d<\/p>\n<p>Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamadu ay diyaar u yihiin inay gaaraan goob kasta oo laga soo sheego in ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan dagaal-yahanada mayalka adag ee Al Shabaab.<\/p>\n<p>\u201cCiidamada waxay markasta diyaar u yihiin inay sii wadaan hawlgalada kooxaha nabadiidka looga sifeynayo Gobolka Shabellaha Dhexe, meel kasta oo lagu soo sheegana waxay diyaar u yihiin inay ku baxaan.\u201d Ayuu yiri Muudey.<\/p>\n<p>Muudey ayaa dhanka kale Dowladda Somaliya ku eedeeyay qorshe xumida ay ku weerartay Shabaabka Gobolka Shabellaha Hoose uu keenay in ay u soo wareegaan Gobolka Shabellaha Dhexe.<\/p>\n<p>\u201cDowladda Federaalka ayaan qorshe dhameystiran u dejin labada Shabelle oo argagixisada si wadajir ah looga wada saarayo, taasoo sababtay inay fursad u hellaan in ay soo gaaraan Gobolka Shabellaha Dhexe.\u201d Ayuu yiri Muudey.<\/p>\n<p>Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa billihii ugu dambeeyay qalqal amni laga dareemay, ka dib markii Shabaabkii laga soo saaray Gobolka Shabellaha Hoose ay soo saldhigteen inta u dhaxeyso Jowhar iyo Balcad.<br \/>\n<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-57894\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a>\u00a0<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a>\u00a0<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hawlgal ballaaran oo ka dhan ah maleeshiyada Ururka Al Shabaab ayaa waxaa laga sameeyay qaybo ka mid ah Gobolka Shabellaha Dhee, iyadoona gacanta lagu dhigay xubno ka tirsan maleeshiyadaasi. Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Booliska ee Maamulka Hirshabelle ayaa la sheegay in hawlgal muddo laba maalmood qaatay ay ka sameeyeen tuulooyinka hoos-yimaada Jowhar iyo Balcad. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":59591,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-59682","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/59682","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=59682"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/59682\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":59689,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/59682\/revisions\/59689"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/59591"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=59682"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=59682"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=59682"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}