{"id":59449,"date":"2019-10-09T16:59:35","date_gmt":"2019-10-09T13:59:35","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=59449"},"modified":"2019-10-09T20:27:28","modified_gmt":"2019-10-09T17:27:28","slug":"maxaa-ka-jira-in-ammaanka-soomaaliya-uu-soo-hagaagay-sanadihii-dhawaa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2019\/10\/maxaa-ka-jira-in-ammaanka-soomaaliya-uu-soo-hagaagay-sanadihii-dhawaa\/","title":{"rendered":"Maxaa Ka Jira In Ammaanka Soomaaliya Uu Soo Hagaagay Sanadihii Dhawaa?"},"content":{"rendered":"<div class=\"with-extracted-share-icons\">\n<div class=\"story-body__mini-info-list-and-share\">\n<div class=\"story-body__mini-info-list-and-share-row\">\n<div class=\"mini-info-list-wrap\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"story-body__inner\">\n<p class=\"story-body__introduction\">Dowladda Maraykanka ayaa dhawaan ku dhawaaqday in ay dib u furtay safaaradeedii Soomaaliya muddo 28 sanno kadib, iyada oo ku sababaysay in uu soo hagaagay ammaanka Soomaaliya oo muddo sanooyin ay dagaalo ka jireen.<\/p>\n<p>Arrintan ayaa timid maalmo uun kadib markii la weeraray saldhig ciidamada Maraykanka ku leeyihiin meel Muqdisho u jirta 90KM iyo weerar kale oo lagu qaaday kolonyo saraakiil reer Yurub ay la socdeen magaalada Muqdisho dhexdeeda, waxaana weerarka sheegtay ururka Alshabaab.<\/p>\n<h2 class=\"story-body__sub-heading\">Haddaba xaaladda Soomaaliya masoo hagaagtay?<\/h2>\n<div class=\"idt2\">\n<div data-idt-uuid=\"3aca08fb-9b2f-4272-bc8c-0e2b758616f4\">\n<div class=\"PicContainer-iky41v-0 dkfFzK renderReady\" data-graphicuuid=\"3aca08fb-9b2f-4272-bc8c-0e2b758616f4\">\n<div class=\"Img__PicImage-s1jp862x-1 dtAYqF\" data-graphicpic=\"true\"><img decoding=\"async\" class=\"Img__Image-s1jp862x-0 lmLsXj\" src=\"https:\/\/news.files.bbci.co.uk\/include\/idt2\/assets\/050bacfb-ccfe-4101-afa5-5d555859ba3c\" alt=\"Donald Yamamoto, US ambassador to Somalia \" \/><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<p>Maamulka Trump ayaa si xoog ah u kordhiyay taageerada ciidan ee uu siinayo Soomaaliya laga soo bilaabo sanadkii 2017-kii. Waxaana muhiimadda koowaad laga dhigay la dagaalanka kooxaha argagaxisada ee caalamiga ah, iyada oo aad loo kordhiyay duqeymaha lagu hayo Alshabaab.<\/p>\n<p>Hawlgalkan ayaa yimid kadib markii wax laga badelay heerka astmaaha amni ee qeybo ka mid ah Soomaaliya, lagana dhigay meelo taliyeyaasha ay samayn karaan hawlgalo iyaga oo aanan amar weeydiisan masuuliyiinta ka sareeya.<\/p>\n<p>&#8220;Kadib taageero iyo dhiirogalin aan ka helnay dowladda Soomaaliya, duqeymaha waxa ay gacan siinayaan dadka bah-wadaagta nala ah si aan bulshada Soomaalida oga badbaadino argagixisada&#8221; ayay saraakiisha militariga Maraykanka u sheegeen BBC-da.<\/p>\n<div class=\"idt2\">\n<div data-idt-uuid=\"906db9a4-be9d-4400-82b3-7eb838e9685e\">\n<div class=\"VegaGraphic__GraphicContainer-hdlj7c-0 hTNBbR renderReady\" dir=\"ltr\" data-graphicuuid=\"906db9a4-be9d-4400-82b3-7eb838e9685e\">\n<div>Xigasho: Data compiled by the Bureau of Investigative Journalism<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<p>Maraykanka ayaa sanadkan gaystay duqeymo ka badan kuwii sanadkii hore.<\/p>\n<p>Inkasta oo aan la ogeyn saamaynta duqeymahan, haddane kooxo madaxbanaan iyo warbaahintaba waxa ay tabinayaan in gacan ku haynta Alshabaab ee meelaha ay ka taliyaan ay weli tahay mid xooggan.<\/p>\n<p>Waxaa sidoo kale jira welwel laga qabo in dad rayid ah ay ku waxyeeloobaan duqeymaha Maraykanka.<\/p>\n<div class=\"idt2\">\n<div data-idt-uuid=\"e801fdd5-b1b9-4d1e-bcf7-28f89a7833a4\">\n<div class=\"VegaGraphic__GraphicContainer-hdlj7c-0 hTNBbR renderReady\" dir=\"ltr\" data-graphicuuid=\"e801fdd5-b1b9-4d1e-bcf7-28f89a7833a4\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<p>Hay&#8217;adda Amnesty ayaa daabacday natiijada baaritaan ay ku samaysay duqeymaha Maraykanka iyo waxyeelada rayidka kasoo gaarta, hase yeeshee Maraykanka ayaa ku adkaysanaya in bartilmaameedka ay yihiin dagaalamayaasha Alshabaab.<\/p>\n<p>Dadka wax falanqeeya ayaa sheegay in shacabka oo markii hore taageero u hayay duqeymaha ayaa hadda deyro ka wada.<\/p>\n<h2 class=\"story-body__sub-heading\">Hawlgalada Maraykanka ma noqdeen kuwa waxtar leh?<\/h2>\n<p>Alshabaab weli waxa ay mamushaa meelo badan oo Soomaaliya ka tirsan, gaar ahaan dhanka miyiga, halkaas oo ay weerarada kasoo qaadaan.<\/p>\n<p>Weeraradan inta badan waxa ay ka dhacaan caasimadda iyo Shabeelaha hoose.<\/p>\n<p>Weerarada ka dhaca waqooyiga dalka waa ay koobanyihiin, inkasta oo Waqooyi Bari dalka ay ka jiraan kooxda Daacish.<\/p>\n<p>Waxa ay Alshabaab canshuuro badan ka uruursataa beelaha, iyada oo maxkamado ka samaysatay meelo banaanka ka ah goobaha ay dowladda ka taliso, halkaas oo ay dadka u xukun doontaan.<\/p>\n<p>&#8220;Alshabaab waa laga saaray inta badan meelaha shacabka badan ay ku noolyihiin, balse weli magaalooyinka saamayntooda waa jirtaa&#8221; ayuu yiri Michael Keating oo ah ergeygii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya.<\/p>\n<p>Dowladda Soomaaliya ma aysan shaacin tirakoobka dadka laga dilay kooxaha xagjirka.<\/p>\n<p>Barnaamijka lagu magacaabo (ACLED) ayaa ah mid lagu uruuriyo xogta weerarada Alshabaab, iyada oo la isticmaaayo illo caalami ah.<\/p>\n<div class=\"idt2\">\n<div data-idt-uuid=\"02a55ab3-527f-4835-a207-a9133c1806a6\">\n<div class=\"VegaGraphic__GraphicContainer-hdlj7c-0 hTNBbR renderReady\" dir=\"ltr\" data-graphicuuid=\"02a55ab3-527f-4835-a207-a9133c1806a6\">\n<h2 class=\"components__EditorialTitle-s4q8aoa-4 bCwWpe\">Weerarada Shabaabka ee Soomaaliya<\/h2>\n<p><span class=\"components__EditorialFooterDiv-s4q8aoa-0 kKlRIM\">Sanaddii 2017-kii, in ka badan 500 oo qof ayaa lagu dilay hal weerar oo dhacay. Qiyaasaha 2019, waa inta ilaa iyo hadda la ogyahay waxaana ku jira khasaaraha soo gaaray rayidka iyo milatariga<\/span><\/p>\n<div>Xigasho: Armed Conflict Location &amp; Event Data Project<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<p>Sanadkan 2019 waxa uu noqday kii qasaarihii ugu badnaa ay geysteen Alshabaab.<\/p>\n<p>Waxyar ayay tiradan ka yartahay tii sanadkii 2017-dii, xiligaas oo gaari weyn oo ku qarxay caasimadda ay markaliya ku dhinteen 500 qof<\/p>\n<p>Xeeldheerayaasha BBC Monitoring oo la socda dhaqdhaqaaqa Alshabaab ayaa tirada dagaalamayaasha ururka ku qiyaasay inta u dhaxaysa 5,000 illaa 7,000.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-57894\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Maraykanka ayaa dhawaan ku dhawaaqday in ay dib u furtay safaaradeedii Soomaaliya muddo 28 sanno kadib, iyada oo ku sababaysay in uu soo hagaagay ammaanka Soomaaliya oo muddo sanooyin ay dagaalo ka jireen. Arrintan ayaa timid maalmo uun kadib markii la weeraray saldhig ciidamada Maraykanka ku leeyihiin meel Muqdisho u jirta 90KM iyo weerar [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":59450,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-59449","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/59449","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=59449"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/59449\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":59473,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/59449\/revisions\/59473"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/59450"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=59449"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=59449"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=59449"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}