{"id":59276,"date":"2019-09-29T22:53:22","date_gmt":"2019-09-29T19:53:22","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=59276"},"modified":"2019-09-29T23:06:12","modified_gmt":"2019-09-29T20:06:12","slug":"shirkadda-hormuud-telcom-oo-abalmarin-la-gudoonsiiyey-iyo-xisbiyo-siyaasadeedoo-soo-dhaweeyey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2019\/09\/shirkadda-hormuud-telcom-oo-abalmarin-la-gudoonsiiyey-iyo-xisbiyo-siyaasadeedoo-soo-dhaweeyey\/","title":{"rendered":"Shirkadda Hormuud Telcom oo Abalmarin La Gudoonsiiyey iyo Xisbiyo Siyaasadeedoo Soo Dhaweeyey."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\">Munaasabad siweyn loo soo agaasimaya ayna ka soo qayb galeen mas&#8217;uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, aqoonyahanno, Culimaa\u2019udiin, ururka haweenka qaranka, ganacsato iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa shahaado sharaf lagu guddoonsiiyey Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom, waxaana kulankan soo qaban qaabiyey Madasha U Abaal-Gud oo matasha shacabka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p align=\"justify\">Abaar marinta oo aheyd Shahaada sharafta ay heshay shirkadda Hormuud ayaa waxaa u gartay \u00a0dadka Soomaaliyeed, \u00a0iyadoo ku \u00a0mutaysatay \u00a0garab istaagga dadka Soomaaliyeed iyo u gar-gaaridda dadka dhibaataysan.<\/p>\n<p align=\"justify\">Dhanka Kale Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Ahna Xiriiriyaha Xisbiyada Siyaasadda ayaa aad Usoo Dhaweeyey Garashada Iyo Garaadka Dadka Soomaaliyeed oo Maanta Gartey In La Abaalmariyo Shirkadaha iyo Shaqsiyaadka Bulshada Horumarkeeda Ka Shaqeeya Isagoo Intaas Raaciyey In Hantida Shirkadaha Soomaalidu ay Yihiin ay Tahey Hanti Soomaaliyeed Loona Baahanyahey In La Difaaco Hadii Weerar Uga Yimaad Gudaha Iyo Debedda,Hormuudna ay Tahey Horyaalka Qarankeena Soomaaliya.<\/p>\n<p align=\"justify\">Martidii sharaftii ka soo qayb gashay xafladda ayaa mid mid u dul istaagay waxqabadka muuqda ay shirkadda Hormuud u qabatay dadkeeda, waxayna dhammaantood isku raaceen in Hormuud Telecom la garab istaago mar waliba ay taageero u baahato.<\/p>\n<p align=\"justify\">Batuulo Sh. Axmed Gaballe Guddoomiyaha ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed ayaa ka dhawaajisay in Hormuud Telecom ay mudan tahay in shacabkeeda ay shahaado sharaf noocaan ah u gartaan ay tahay arrin ku dayasho mudan, waxayna dhinaca kale xustay in Hormuud dhibaatooyinka ay ku hayaan ciidamada Kenya ay tahay wax aan laga aamusi Karin.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cHormuud waa hanti Soomaaliyeed, marna kama aamusi doono in la bur buriyo Hantida Ummadda Soomaaliyeed, waa in aan garab istaagnaa markii ay inoo baahato\u201d ayay tiri guddoomiyaha Ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed Batuula Shiikh Axmed Gaballe.<\/p>\n<p align=\"justify\">Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa Sidoo kale madasha ka sheegay in Hormuud tahay shirkad u dhaxaysa ummadda Soomaaliyeed ayna u baahan in abaal-marinno sidaan oo kale ah ay shacabkeeda u gartaan.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cShirkad Soomaaliyeed oo aan aqaanno waxa ay qabatay marqaatina ay ka yihiin shacabka Soomaaliyeed waaye Hormuud Telecom, waxaana leenahay Hambalyo mar labaad iyo mar saddexdaad\u201d ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.<\/p>\n<p align=\"justify\">Wasiiru dowlaha waxbarashada dowladda federaalka ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle, ayaa dhinaca kale carrabka ku dhuftay in xukuumadda Soomaaliya ay marnaba raali ka noqon doonin bur-burinta lagu hayo xarumaha Isgaarsiinta Hormuud, isagoona dhinaca kale xusay in Hormuud ay tahay hanti qaran mar walbana loo baahan yahay in shacabka soomaaliyeed ay abaal-marin noocaan ah u gartaan dadka waxqbadkooda muuqdo sida Hormuud oo kale.<\/p>\n<p align=\"justify\">Ugu dambayn Cabdixakiim Xasan Idow oo ka mid ah maamulka sare ee shirkadda Hormuud Telecom oo guddoomay shahaado sharafta ayaa xusay in garashada Shacabka soomaaliyeed shahaado noocaan ah siiyaan Hormuud ay tallaabo wanaagsan, waxa uuna u mahad celiyey dadkii u gartay shahaadadaan, iyo sidoo kale madasha U abaal-Gud oo xafladda soo qaban qaabisay.<\/p>\n<p align=\"justify\">Guddoomiye Cabdixakiim Xasan ayaa dhinaca kale khubadiisa ku soo qaatay qaar ka mid ah waxqabadka shirkadda Hormuud isagoona yiri \u201cHormuud Telecom waxay qayb wayn ka qaadatay kobcinta dhaqaalaha, waxayna sidoo kale shaqo abuur u samaysay in ka badan 30,000 Kun shaqaale ah, waxaana ganacsiyada soomaaliyeed ku maal-galinnay in ka badan 15 Million dollar.&#8221;<\/p>\n<p align=\"justify\">Waa markii ugu horraysay ay dadka soomaaliyeed shahaahdo sharaf noocaan ah u gartaan shirkad ganacsi oo ka jirta gudaha dalka Soomaaliya, taas oo lagu abaal-mariyey kaalinta muuqata ay ka gaysatay garab istaagga dadka Soomaaliyeed, iyo u hiillinta dadka tabaalaysan ay xil iska saartay shirkadda Hormuud Telecom.<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-57894\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Munaasabad siweyn loo soo agaasimaya ayna ka soo qayb galeen mas&#8217;uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, aqoonyahanno, Culimaa\u2019udiin, ururka haweenka qaranka, ganacsato iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa shahaado sharaf lagu guddoonsiiyey Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom, waxaana kulankan soo qaban qaabiyey Madasha U Abaal-Gud oo matasha shacabka Soomaaliyeed. Abaar marinta oo aheyd Shahaada sharafta ay heshay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":59277,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-59276","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/59276","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=59276"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/59276\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":59278,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/59276\/revisions\/59278"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/59277"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=59276"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=59276"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=59276"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}