{"id":59255,"date":"2019-09-28T23:16:00","date_gmt":"2019-09-28T20:16:00","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=59255"},"modified":"2019-09-28T23:18:27","modified_gmt":"2019-09-28T20:18:27","slug":"magaalada-burco-ee-gobolka-togdheer-oo-xisbiga-waddani-shirweynihiisii-labaad-ku-qabsadey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2019\/09\/magaalada-burco-ee-gobolka-togdheer-oo-xisbiga-waddani-shirweynihiisii-labaad-ku-qabsadey\/","title":{"rendered":"Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer oo Xisbiga Waddani Shirweynihiisii Labaad Ku Qabsadey."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\">Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa maanta shirkii weynihii labaad ee xisbigiisa ku qabsaday magaalada Burco, waxaana ka soo qaybgallay xubnaha golaha dhexe iyo masuuliyiinta ugu saraysa xisbiga.<\/p>\n<p>Shirweynahan labaad xisbiga WADDANI waxa ka soo qaybgallay gudoomiye ku xigeenka xisbiga kulmiye Axmed Cabdi Dheere, xoghayaha Arrimaha gudaha ee xisbiga UCID Ramaax, hogaamiyaha khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo siyaasiyiin kale, kuwaas oo dhamaantooda u hambalyeeyey shirweynaha xisbiga.<\/p>\n<p align=\"justify\">Hogaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna madasha ka hadlay ayaa hadalkiisa ku bilaabay \u201cReer WADDANI waxaan ugu baaqaya midnimo iyo wada jirka Somaliland maaddaama aynu hal ku dhiggeena ka dhiganay isku haynta dalka iyo dadka, Horumar waxa lagu gaadhaa nabad, degaansho siyaasadeed iyo hoggaamiye aragti dheer leh\u2026.\u201d.<\/p>\n<p align=\"justify\">Waxaanu intaas ku daray \u201cMaanta haddii la arkay hoggaankii kulmiye in ay ka dhalatay Xukumad liidata, haddii madaxweynuhu ururin waayay dadweynaha oo uu noqday firdhiye, haddii intii Kulmiye ee dooratay fartooda eedeen, intii aan doorana ay cadow u arkeen waxaan leeyahay mucaaradka yaynaan noqon kuwo ku kaalmeeya in dalku dumo, waxa la inooga baahan yahay siyaasad luxdan oo hiigsi leh, waxa laga yaaba in dadka qaar ay cadho ka keento oo yidhaahdan wixii \u201c Kulmiye Samayn jiray aan samayno, waar anaga shalay Kulmiye ahayn oo wax walba oo kulmiye sameeyay muu saxsanayn, waxa la inooga baahan yahay aragti qiimo leh, aragti isbedel,\u201d<\/p>\n<p align=\"justify\">Gudoomiyaha xisbiga WADDANI C\/raxmaan Maxamed C\/laahi Cirro ayaa dhaliillay xukuumadda iyo madaxweyne Biixi, waxaanu sheegay inay ku fashilmeen arrimihii loo igmaday.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cMudadii ay xukuumadani jirtay hoos baynu u soconaa ee kor uma soconno, shacabku rajo kama qabaan in mushkiladaha waaweyn ee ina hor yaalla inuu madaxweyne Muuse wax ka qabto, taas bedelkeeda waxay ka warwarsan yihiin badbaadada Somaliland iyo waxa ka dhalan kara hogaaminta madaxweyne Muuse.\u201dayuu yidhi CIrro.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cwaxyaabaha inagu cusub ee madaxweyneyaashii hore ee Somaliland samayn jirin ee madaxweynaha hadda samaynayaa waxa ka mid ah wadatashi la\u2019aan iyo kalitalsnimo, tanaasul la\u2019aan iyo dulqad la;aan oo isagu dulqaadka waxa uu u yaqaana doqonimo, iyo fulin la\u2019aanta heshiishkii khaatumo lala gallay\u201dayuu raaciyey hadalkiisa.<\/p>\n<p align=\"justify\">Shirweynaha xisbiga WADDANI ayaa la filayaa in maalinta Barri la soo gabogabeeyo,isla markaana dib la iskugu qiimeeyo xisbigu sidii uu hadafkiisa u gaadhi lahaa.<\/p>\n<p align=\"justify\">Sidoo kale, waxa maanta ku biirey siyaasi Cabdilaahi Geel jiro oo muddo dheer ahaa xisbiga KULMIYE, xilal kala duwanna ka soo qabtay xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo, waxaanu maanta sheegay inuu si rasmiya ugu biirey xisbiga WADDANI.<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-57894\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa maanta shirkii weynihii labaad ee xisbigiisa ku qabsaday magaalada Burco, waxaana ka soo qaybgallay xubnaha golaha dhexe iyo masuuliyiinta ugu saraysa xisbiga. Shirweynahan labaad xisbiga WADDANI waxa ka soo qaybgallay gudoomiye ku xigeenka xisbiga kulmiye Axmed Cabdi Dheere, xoghayaha Arrimaha gudaha ee xisbiga UCID Ramaax, hogaamiyaha khaatumo Cali Khaliif [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":59256,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-59255","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/59255","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=59255"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/59255\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":59257,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/59255\/revisions\/59257"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/59256"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=59255"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=59255"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=59255"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}