{"id":58911,"date":"2019-09-13T00:54:51","date_gmt":"2019-09-12T21:54:51","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=58911"},"modified":"2019-09-13T00:55:21","modified_gmt":"2019-09-12T21:55:21","slug":"axmed-madoobe-oo-dawladda-federaka-ku-eedeeyey-danbiyo-ka-dhan-ah-xuquuqda-aadanaha","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2019\/09\/axmed-madoobe-oo-dawladda-federaka-ku-eedeeyey-danbiyo-ka-dhan-ah-xuquuqda-aadanaha\/","title":{"rendered":"Axmed Madoobe oo Dawladda Federaka Ku eedeeyey Danbiyo Ka Dhan ah Xuquuqda Aadanaha."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\">Madax-weynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo maanta jeediyay khudbad soctay ku dhawaad 28 daqiiqo ayaa si adag u weeraray siyaasadda madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya.<\/p>\n<p>Axmed Madoobe ayaa si gaar ah isku dultaagay xayiraadii dowladda Soomaaliya ay ku soo rogtay diyaaradihii tagi jiray magaalada Kismaayo iyo deegaannada kala duwan ee Jubbaland iyo xarigga Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan \u00a0oo u xiran dowladda Soomaaliya.<\/p>\n<p align=\"justify\">Wuxuu sheegay in madaxda sare ee dowladda Soomaaliya ka rabeen doorashada Jubbaland wixii ay ka sameeyeen oo kale magaalada Bedhabo ee gobolka Baay, isaga oo sheegay in sababta ay doorashada ugu biyo diideen tahay \u00a0in dowladda ka weysay musharax sidey rabto uga sameyn kara Jubaland, si lamid ah doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo dhamaadka sanadkii hore 2018.<\/p>\n<p>&#8221;Markii aan Kismaayo soo galeynay dhaawac iyo Meyd ayaa \u00a0wadanay, dadka hada hadlaya Stursbucks ayay Coffee ku cabayeen&#8221; isaga oo ula jeeday in nabada iyo hormarka ka jira Kismaayo iyo deegaannadda Jubbaland dhiig badan loo soo daadiyay.<\/p>\n<p align=\"justify\">Dhinaca kale mar uu soo hadal qaaday xayiraada duulimaadyada oo ay dowladda ku soo rogtay Jubbaland ayuu sheegay in shaqsi ahaan isaga aysan arintaa wax saameyn ah ku yeelan doonin balse, waxa la dhibayo oo kaliya yihiin dad shacabka ee dhibaateysan.<\/p>\n<p align=\"justify\">Wuxuu sheegay in xayiraadaasi ay ka dhalatay gabood falo-waaweyn iyo dabi sida uu hadalka u dhigay ay hadda gacanta ku heyso Xeer Ilaalinta Jubbaland, dhawaan la soo bandhiggi doono, iyadoo ay jiraan ayuu yiri dad xitaa ku dhintay in ay ku jireen safarkaa saacadaha badan qaadanaya.<\/p>\n<p align=\"justify\">Mar uu soo hadal qaaday xariga Wasiir Janan, wuxuu sheegay in Janan u xiran yahay diidmo uu kala horyimid \u00a0madaxda dowladda inuu bur buriyo maamulkii Jubaland ee uu markiisii hore \u00a0gacantiisa ku dhisay, isagoo iska diiday balanqaadyo dhowr ah oo ay u sameeyeen madaxda dalka.<\/p>\n<p align=\"justify\">Axmed Madoobe ayaa sheegay in Odayaal u tagay madaxweyne Farmaajo oo ka \u00a0socday gobolka Gedo iyo kuwo ku heyb ah Wasiirka xiran ayuu shaaciyay \u00a0in Af cad loogu sheegay in Wasiirkooda la sii deynayo hadii ay \u00a0ogolaadaan iney iska diidaan doorashadii Axmed Madoobe uu ku soo baxay, \u00a0mid cusubna ay ku diyaariyaan gobolka Gedo.<\/p>\n<p align=\"justify\">Waxa uu soo hadal qaaday eeda Amnesty International ee Wasiir Janan, isagoo Su\u2019aal iska weydiiyay sababta hay\u2019adaasi aysan uga hadal askartii dowladda ka leysay C\/raxmaan C\/Shakuur, dadkii Ciidanka dowladda ay ku laayeen Baydhabo sanadkii hore iyo Taliyihii holwgalkaasi wax ka waday ee loo dalacsiiyay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya.<\/p>\n<p align=\"justify\">&#8221;Amnesty International maxey dalkan ka qaban kartaa, haddii ay Amnesty wax qabaneyso waa in ay wax ka qabataa dhibaatada ay geysteen inta xukunka hayeen madaxda hadda dalka hoggaamisa&#8221; ayuu yiri Axmed Madoobe.<\/p>\n<p align=\"justify\">Madaxweynaha maamulka \u00a0Jubaland Axmed Madoobe ayaa ugu danbeyntii ku hanjabay in uu talaabo ka \u00a0dhan ah dowladda qaadi doono, hadii madaxda dowladda aysan la iman Siyaasad ka duwan mida haatan lagu cuna qabateynayo maamulkiisa \u00a0Jubaland isaga oo yiri&#8221; Maxaa Somaliland loola yaabayaa, haddii uu dhaqanku sidan yahay&#8221;<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-57894\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madax-weynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo maanta jeediyay khudbad soctay ku dhawaad 28 daqiiqo ayaa si adag u weeraray siyaasadda madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya. Axmed Madoobe ayaa si gaar ah isku dultaagay xayiraadii dowladda Soomaaliya ay ku soo rogtay diyaaradihii tagi jiray magaalada Kismaayo iyo deegaannada kala duwan ee Jubbaland [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":58912,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-58911","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58911","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=58911"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58911\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":58913,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58911\/revisions\/58913"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/58912"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=58911"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=58911"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=58911"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}