{"id":58908,"date":"2019-09-13T00:40:35","date_gmt":"2019-09-12T21:40:35","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=58908"},"modified":"2019-09-13T00:40:48","modified_gmt":"2019-09-12T21:40:48","slug":"masuuliyiin-ka-socday-q-midoobay-iyo-bangiga-adduunka-oo-r-wasaare-khayre-kula-kulmay-baydhabo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2019\/09\/masuuliyiin-ka-socday-q-midoobay-iyo-bangiga-adduunka-oo-r-wasaare-khayre-kula-kulmay-baydhabo\/","title":{"rendered":"Masuuliyiin Ka Socday Q\/midoobay iyo Bangiga Adduunka oo R\/wasaare Khayre Kula Kulmay Baydhabo."},"content":{"rendered":"<div>Ra\u2019iiusul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya,\u00a0 Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay kaaliyaha xoghayaha guud ee qaramada Midoobay u qaabishan arrimaha bini\u2019aadninimada, Mark Lowcock, kaaliyaha xoghaha guud ee qaramada midoobay ee taageerada dhismaha nabadda, Oscar Fernandez-Taranco iyo madaxweyne ku-xigeenka sare ee Bangiga adduunka, Mahmoud Mohieldin oo Baydhabo booqasho ku yimid.<\/div>\n<div><\/div>\n<p>Kulanka dhex maray Ra\u2019iisul Wasaare Khayre, Mark Lowcock, Oscar Fernandez-Taranco iyo Mahmoud Mohieldin oo ay goob joog ka ahaayeen madaxweynaha Koonfur Galbeed, qaar kamid ah wasiirrada XFS iyo Koonfur Galbeed ayaa looga hadlay xaaladaha bini\u2019aadninimo ee dalka, dhismaha nabadda, qorshaha deynta looga cafinayo Soomaaliya iyo fulinta mashaariic horumarineed.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa mas\u2019uuliyiinta uu kulanka la qaatay waxa uu warbixin ka siiyay horumarradii dowladdu ka gaartay arrimaha dib-u-heshiisiinta, xaaladda deegaannada Koonfur Gableed ee socdaalka uu ku tegay, waxa uuna la wadaagay sida ay lagama maarmaanka u tahay in gargararka loo bedelo mashaariic horumarineed oo bulshada wax tar u leh, si loogu diyaar garoobo xalka waqtiga fog ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Dhammaan mas\u2019uuliyiinta kulanka la yeeshay Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay dadaallada dowladda federaalka ee dib-u-kabashada dalka, gaar ahaan arrimaha amniga, xaaladda bini\u2019aadninimo, dib-u-heshiisiinta, kobcinta dhaqaalaha iyo dowlad wanaagga, waxa ayna sheegeen in hey\u2019adaha qaramada midoobay iyo Bangiga adduunku ay Soomaaliya kala shaqeynayaan ka guul gaaridda himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale ku dhiirri geliyay hay\u2019adaha caalamiga ah in ay taageero deg deg ah iyo mashaariic horumarineed ay la gaaraan deegaannada laga xureeyo argagaxisada, si bulshadu ay uga soo kabsato dhibaatooyinka kasoo gaara ficillada iyo dhaqamada gurracan ee kooxaha nabad diidka ah.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-57894\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra\u2019iiusul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya,\u00a0 Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay kaaliyaha xoghayaha guud ee qaramada Midoobay u qaabishan arrimaha bini\u2019aadninimada, Mark Lowcock, kaaliyaha xoghaha guud ee qaramada midoobay ee taageerada dhismaha nabadda, Oscar Fernandez-Taranco iyo madaxweyne ku-xigeenka sare ee Bangiga adduunka, Mahmoud Mohieldin oo Baydhabo booqasho ku yimid. Kulanka dhex maray Ra\u2019iisul Wasaare [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":58909,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-58908","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58908","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=58908"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58908\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":58910,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58908\/revisions\/58910"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/58909"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=58908"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=58908"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=58908"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}