{"id":58816,"date":"2019-09-10T06:02:46","date_gmt":"2019-09-10T03:02:46","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=58816"},"modified":"2019-09-10T06:33:48","modified_gmt":"2019-09-10T03:33:48","slug":"ku-dhawaad-1500-ruux-oo-kulayl-owgeed-ugu-dhintay-faransiiska","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2019\/09\/ku-dhawaad-1500-ruux-oo-kulayl-owgeed-ugu-dhintay-faransiiska\/","title":{"rendered":"Ku Dhawaad 1,500-Ruux Oo Kulayl Owgeed Ugu Dhintay Faransiiska."},"content":{"rendered":"<h1 class=\"story-body__h1\"><span class=\"image-and-copyright-container\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"js-image-replace\" src=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/660\/cpsprodpb\/99B2\/production\/_108664393_4874a8c8-55fe-4b50-809b-2e330e9c51a9.jpg\" alt=\"Kulayl daran ayaa ku dhuftay Faransiiska iyo dalal ku yaalla galbeedka Yurub\" width=\"976\" height=\"549\" data-highest-encountered-width=\"660\" \/><\/span><\/h1>\n<div class=\"story-body__inner\">\n<p class=\"story-body__introduction\">Kulayl heerkii ugu sarreeyay gaaray oo Faransiiska ku dhuftay bilihii Juunyo iyo Luulyo ee sannadkan ayaa dilay 1,435, sida ay shaacisay wasiirka caafimaadka ee dalkaas.<\/p>\n<p>Agn\u00e8s Buzyn oo la hadashay Idaacad Faransiis ah ayaa sheegtay in kala bar dadka dhintay ay da&#8217;doodu ka waynayd 75 sano.<\/p>\n<p>Balse Buzyn ayaa sheegtay in tallaabooyin ka hortag ah oo la qaaday ay horseedeen in 10 jibaar hoos loo dhigo dhimashada marka la barbar dhigo kulaylkii darnaa ee sannadkii 2013 ku dhuftay Yurub.<\/p>\n<p>Faransiiska ayaa bishii Juunyo diiwaan galiyay kulaylkii ugu darnaa ee abid soo mara, kaas oo ahaa 46C.<\/p>\n<p>Magaalada Paris ayaa iyadana laga diiwaan galiyay kulaylkii ugu darnaa ee abid soo mara, bishii Luulyo ayuuna kulaylku gaaray 42.6C.<\/p>\n<p>Wasaaradda caafimaadka ee Faransiiska ayaa sheegtay in kulalkii koobaad ee sannadkan ku dhufta dalka uu dhacay 24 Juunyo ilaa 9 Luulyo ayna ku dhinteen 567 ruux. Kulaylkii labaad ayaa dhacay 21 ilaa 27 Luulyo waxaana ku dhintay 868.<\/p>\n<p>Agn\u00e8s ayaa sheegtay in ay dhinteen 10 ruux oo shaqo ku jiray.<\/p>\n<p>Xilligaas dawladda ayaa meelo kala duwan oo Faransiiska ka soo saartay digniinta ugu sarraysa ee kulaylka.<\/p>\n<p>Wakhtigaas waxaa la xiray iskuullo badan, waxaana la baajiyay kulammo ay dad isugu iman lahaayeen, si loo dhimo dadka uu kulaylku ku dhacayo.<\/p>\n<p>Beeraha nasashada iyo goobaha lagu dabaasho ee magaalooyinka qaar ayaa la furay si dadku ay isugu qaboojiyaan, masuuliyiinta magaalada Paris ayaa sameeyay talleefoono xaalladda degdegga ah lagaga jawaabo, xafiisyada dawladda hoosana waxaa lagu diyaaray &#8220;qolol qabow&#8221; oo si ku meel gaar ah loo isticmaalo.<\/p>\n<p>Kulaylkaas ayaa dab ka kiciyay dalka ay Faransiiska dariska yihiin ee Spain, gobolka Catalonia ayuuna dabku ka gaystay dhibaataddii ugu baaxadda waynayd ee soo wajahda muddo 20 sano ah.<\/p>\n<p>Dalal badan oo Yurub ku yaalla ayaa laga diiwaan galiyay kulayladii ugu badnaa, kuwaas oo ay ka mid yihiin UK, Belgium, Germany, Luxembourg iyo Netherlands.<\/p>\n<p>Ma jiro dal kale oo baahiyay macluumaadka rasmiga ah ee dadka ku dhintay kulaylkii darnaa ee sannadkan.<br \/>\n<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-57894\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a>\u00a0<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a>\u00a0<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Kulayl heerkii ugu sarreeyay gaaray oo Faransiiska ku dhuftay bilihii Juunyo iyo Luulyo ee sannadkan ayaa dilay 1,435, sida ay shaacisay wasiirka caafimaadka ee dalkaas. Agn\u00e8s Buzyn oo la hadashay Idaacad Faransiis ah ayaa sheegtay in kala bar dadka dhintay ay da&#8217;doodu ka waynayd 75 sano. Balse Buzyn ayaa sheegtay in tallaabooyin ka hortag ah [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":58818,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-58816","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58816","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=58816"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58816\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":58834,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58816\/revisions\/58834"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/58818"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=58816"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=58816"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=58816"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}