{"id":58768,"date":"2019-09-07T23:32:48","date_gmt":"2019-09-07T20:32:48","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=58768"},"modified":"2019-09-07T23:33:17","modified_gmt":"2019-09-07T20:33:17","slug":"abaalmarinta-caalamiga-ah-ee-ay-ku-guuleysatey-xawaaladda-taaj-oo-dawladda-soomaaliya-soo-dhaweysay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2019\/09\/abaalmarinta-caalamiga-ah-ee-ay-ku-guuleysatey-xawaaladda-taaj-oo-dawladda-soomaaliya-soo-dhaweysay\/","title":{"rendered":"Abaalmarinta Caalamiga ah ee ay Ku Guuleysatey Xawaaladda TAAJ oo Dawladda Soomaaliya Soo Dhaweysay."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\">Munaasabad lagu soo bandhigay Abaal-Marinta Xawaaladda ugu fiican ku shaqeynta shuruucda Caalamiga ah ee maaliyadda sanadka 2019, oo la guddoonsiiyey Xawaaladda Taaj ayaa maanta lagu qabtay Hotel-ka Jazeera ee Magaalada Muqdisho,<\/p>\n<p>Munaasabada waxaa ka qeybgalay oo joogay Gudddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golaha Shacabka, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka\u00a0 Warfaafinta, Wsiirka Boosatada, Isgaarsiinta &amp; Technology-yada Soomaaliya, Maamulka Sare ee Shirkadda Hormuud iyo masuuliyiin kale ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p align=\"justify\">Abaal marinta waxaa Xawaaladda Taaj guddoonsiiyey hey\u2019adda ACCPA oo ah mid ka mid ah sadexda \u00a0hey\u2019adood ee ugu weyn dunida ee ka shaqeeya hubinta hufnaanta Maaliyadda.<\/p>\n<p align=\"justify\">Maamulaha Xawaalada Taaj Cali Maxamuud Guuleed ayaa sharraxay sida abaalmarintaan ay ku heleen \u201cWaxaan abaalmarintaan uga guuleysanay\u00a0 waddamo naga hormarsan, waxaana ku gaarnay dadaallada &amp; garab istaagga Bangiga dhexe ee habka xawaaladuhu u shaqeeyaan\u201d ayuu yiri Cali Maxamuud Guuleed (Cali Mahad).<\/p>\n<p align=\"justify\">Guddoomiyaha Shirkadda isgaarsiinta ee hormuud Axmed Maxamuud yuusuf oo isna\u00a0 ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in abaalmarintan ay usoo galeen dadaal wayn sidii ay u noqon lahaayeen xawaalada ugu fiican qaarada Afrika ayaa yiri \u201cMeel hoose ayay ka soo bilaabeen waxayna marayaan heer ay ku guuleysteen xawaaladda ugu fiican qaaradda Afrika, Taaj hadii ay fiican tahay waxaa weeye Hormuud baa fiican waa hooyada Taaj iyo shirkaddo kale\u201d ayuu yiri Axmed Maxamuud Yuusuf<\/p>\n<p align=\"justify\">Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa hambalyo iyo bogaadin uu ujeediyey Maamulka xawaalada Taaj kadib waxa uu tilmaamay in guusha ay gaareen ay astaan u tahay halka ay\u00a0Soomaaliya ka taagan tahay Hufnaanta Maaliyadda Dalka \u201dIn nala aaminay waxaa astaan u ah guusha maanta ay gaartay xawaaladda Taaj, Xawaalada iyo bangigaba lama ilaawi karo waxaana ka shaqaynaynaa inaan u fududeyno wax walba oo ay u baahan yihiin\u201d Ayuu yiri wasiir beyle.<\/p>\n<p align=\"justify\">Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa isna yiri \u201cHambalyo ayaan leenahay shirkadda Taaj guusheeda waxaa sabab u ah maamulkeeda waana\u00a0ku amaanayaa\u201d<\/p>\n<p align=\"justify\">Wasiirka Boosatada, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada\u00a0Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan\u00a0 ayaa waxa uu\u00a0sheegay in Abaalmarintaan ay tahay \u00a0guul wayn oo ay u soo hoyeen dhammaan shirkadaha Soomaaliyeed, Taasina ay dhiira galin u noqonayso\u00a0 shirkadaha kale ee dalka.<\/p>\n<p align=\"justify\">Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Muudeey oo Taaj ku dhiirrigeliyay guusha ay gaartay ayaa ku baaqay in wax laga qabto dhibaatooyinka haysta shirkadaha isgaariisiinta iyo xawilaadaha, wuxuuna Madaxda Dowladda Somalia ugu baaqay in ay xil iska saaraan Difaaca hantida Shacabka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cXawaaladaha Soomaaliyeed (Taaj) maanta waxay keeneen abaalmarintaan oo marqaati ka\u00a0ah inay si sharci ah u shaqeeyaan, dowladda waxaan leenahay masuuliyad iska saara ka jawaabidda dhibaatada ay ka cabanayaan shirkadaha maadaama ay tahay dhibaato u baahan in xil la iska saaro\u201d ayuu yiri Gudoomiye Cabdiwali ibraahim muudeey.<\/p>\n<p align=\"justify\">Sidoo kale masuuliyiin ka socotay Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliya oo goobjoog ka ahaa munaasabada ayaa iyana \u00a0bogaadiyey guusha ay gaareen shirkada xawaalada ee Taaj.<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-57894\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Munaasabad lagu soo bandhigay Abaal-Marinta Xawaaladda ugu fiican ku shaqeynta shuruucda Caalamiga ah ee maaliyadda sanadka 2019, oo la guddoonsiiyey Xawaaladda Taaj ayaa maanta lagu qabtay Hotel-ka Jazeera ee Magaalada Muqdisho, Munaasabada waxaa ka qeybgalay oo joogay Gudddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golaha Shacabka, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka\u00a0 Warfaafinta, Wsiirka Boosatada, Isgaarsiinta &amp; Technology-yada Soomaaliya, Maamulka Sare [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":58769,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-58768","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58768","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=58768"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58768\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":58771,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58768\/revisions\/58771"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/58769"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=58768"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=58768"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=58768"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}