{"id":58556,"date":"2019-08-30T16:25:36","date_gmt":"2019-08-30T13:25:36","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=58556"},"modified":"2019-08-30T16:42:35","modified_gmt":"2019-08-30T13:42:35","slug":"xaaf-oo-dhaliil-ka-muujiyey-shaqada-dowladda-federaalka-ay-ka-wado-dhuusamareeb","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2019\/08\/xaaf-oo-dhaliil-ka-muujiyey-shaqada-dowladda-federaalka-ay-ka-wado-dhuusamareeb\/","title":{"rendered":"Xaaf Oo Dhaliil Ka Muujiyey Shaqada Dowladda Federaalka Ay Ka Wado Dhuusamareeb."},"content":{"rendered":"<div id=\"td-outer-wrap\">\n<div class=\"td-outer-container\">\n<div class=\"td-container td-post-template-default\">\n<div class=\"td-container-border\">\n<div class=\"td-pb-row\">\n<div class=\"td-pb-span8 td-main-content\" role=\"main\">\n<div class=\"td-ss-main-content\">\n<article id=\"post-109618\" class=\"post-109618 post type-post status-publish format-standard has-post-thumbnail hentry category-wararka-maanta\">\n<div class=\"td-post-header td-pb-padding-side\">Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxaa uu ka hadlay shaqada Dowladda Federaalka Somaliya ka wado Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.<\/div>\n<div class=\"td-post-content td-pb-padding-side\">\n<p>Madaxweynaha Galmudug oo maanta khudbad ka jeediyay shirka mid ka mid ah beelaha Galmudug uga socda Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayuu ku soo hadalqaaday khilaafka soo kala dhexgalay Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunada Galmudug.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa marka hore sheegay laba bilood ka hor in ay Dowladda Federaalka ku soo dhaweeyen Gobolada Dhexe, bal wixii ay qaban karto inay qabato, ka dib markii uu khilaafkii ku batay Galmudug.<\/p>\n<p>\u201cLaba bilood ka hor waa tii Dhuusamareeb markii aan ka soo tagnay Dowladda Federaalka la hadalnay, mar haddii aan arkay in Dhuusamareeb, Cadaado iyo caradii ay xoogaa tashwiish galay ayaa waxaan ku soo dhaweeyay Dowladda Federaalka shaqo ha qabato, bal wixii ay qaban karto ha qabato.\u201d Ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.<\/p>\n<p>Waxa kaloo uu yiri \u201cHadafkeygu wuxuu ahaa Xeraale iyo Hawshu isu geeyaan, Dhuusamareeb iyo Cadaado isu geeyaan, Ahlu Sunadii hore iyo Galmudug-ta cusub isu dhow, isu soo dhaweeyaan, wixii jira ka shaqeeyan. Maadaama anaga yabyabtii iyo dhibaatadii nagu badatay yaan bal niri aan u kaadino markaan aan ku eegno Dowladda Federaalka.\u201d<\/p>\n<p>Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha Galmudug ayaa tilmaamay shaqadii ay Dowladda Federaalka ka qabatay Galmudug in ay ka dhalatay saluug badan oo laga muujiyay.<\/p>\n<p>\u201cDowladda Federaalka howsha markii ay qabatay run ahaantii saluug badan baa jira maanta, oo uu ugu dambeeyay warkii shalay ka soo yeeray Wasiirka Arrimaha Gudaha.\u201d Ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.<\/p>\n<p>Waxa uu intaa ku daray \u201cGalmudug ma dhiman Madaxdiisii, Wasiiradii, Xildhibaanadii iyo Madaxweynihii waa jooggaan, cidlo maaha, waxaana rajeynaynaa haddii wax la dhisana inaan ka noqono udub dhexaad.\u201d<\/p>\n<p>Waxaa uu ka dhawaajiyay in soddonkii sano ee ugu dambeeyay sanadkiiba ay ku bixi jirtay soddon illaa afartan malyan oo dollar, wax la yiraahdo buu yiri dib u heshiisiin, balse aan dib u heshiis ahayn oo siminaar uu yahay.<\/p>\n<p>\u201cWaxaa kaloo aad iyo aad muhiim u ah Somaliya soddonkii sano ee la soo dhaafay waxaa dhici jirtay sanadkii 30 illaa 40 malyan oo dollar baa waxay ku baxdaa dib u heshiisiin wax la yiraahdo. Dib u heshiisiintaasi waa siminaar, workshop iyo NGO wada.\u201d Ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.<\/p>\n<p>Xaaf ayaa xusay inay bedelayan magaca dib u heshiisiin oo ay u bixinayan dhab u heshiisiin, inaysan dhalanteed noqonee ee buu yiri dhab noqoto.<\/p>\n<p>\u201cDib u heshiisiinta maanta waa ka bedeleynaa magacii, waxaan ka dhigeynaa dhab u heshiisiin, inaysan dhalanteed noqonee dhab noqoto, oo wax dhaba lagu heshiiyo.\u201d Ayuu yiri Xaaf.<\/p>\n<p>Hadalka Xaaf ka soo yeeray ayaa ku soo aadaya, xilli Ahlu Sunada Gobolada Dhexe ay Talaadadii ku dhawaaqday in uu burburay heshiiskii ay la gashay Dowladda Federaalka Somaliya.<\/p>\n<div class=\"td-post-content tagdiv-type\">\n<div class=\"entry-content\">\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-57894\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a>\u00a0<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a>\u00a0<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><\/p>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/article>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxaa uu ka hadlay shaqada Dowladda Federaalka Somaliya ka wado Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud. Madaxweynaha Galmudug oo maanta khudbad ka jeediyay shirka mid ka mid ah beelaha Galmudug uga socda Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayuu ku soo hadalqaaday khilaafka soo kala dhexgalay Dowladda Federaalka iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":50489,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-58556","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58556","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=58556"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58556\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":58561,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58556\/revisions\/58561"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/50489"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=58556"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=58556"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=58556"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}