{"id":58335,"date":"2019-08-23T14:42:15","date_gmt":"2019-08-23T11:42:15","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=58335"},"modified":"2019-08-23T14:42:49","modified_gmt":"2019-08-23T11:42:49","slug":"c-naasir-seeraar-jubbaland-waxay-u-baahantahay-qof-aniga-oo-kale-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2019\/08\/c-naasir-seeraar-jubbaland-waxay-u-baahantahay-qof-aniga-oo-kale-ah\/","title":{"rendered":"C\/naasir Seeraar:-&#8220;Jubbaland Waxay U Baahantahay Qof Aniga Oo Kale Ah&#8221;!!."},"content":{"rendered":"<div class=\"story-body__inner\">\n<p class=\"story-body__introduction\">Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa manta sheegay in isaga loo &#8220;doortay madaxweynaha maamulka Jubbaland.&#8221;<\/p>\n<p>Seeraar wuxuu ka mid ahaa musharrixiintii mucaaradka ee isku magacaabay &#8220;isbedel doonka&#8221; kuwaas oo hadda u muuqdo in ay kala jabeen.<\/p>\n<p>&#8220;Waxay u bahan tahay qof anigoo kale ah oo badbaadiya Jubbaland. Waxaan u arkay in marxaladdas ay maanta taagan tahay&#8221;, ayuu yiri Seeraar oo la hadlay BBC Somali.<\/p>\n<p>Wuxuu intaa ku daray: &#8220;Waxaa igu dhaliyay in isbedel caafimaad qaba ay Jubbaland hesho, waana rajeynayaa in maanta ay heshay&#8221;.<\/p>\n<p>Cabdirashiid Xidig oo isku koox ay ahaayeen Seeraar ayaa shalay sheegay in isaga loo doortay xilka madaxweynaha Jubbaland uuna &#8220;yahay midka sharciga ah&#8221;.<\/p>\n<p>Musharrixiinta qaar ayaa dhaliilay hannaanka lagu soo xulay baarlamaankii shalay doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).<\/p>\n<p>Balse Seeraar wuxuu sheegayaa in iyagu aysan &#8220;fowdo u socon&#8221;, wuxuuna intaa ku daray &#8220;in markii hore aysan u socon doorashooyiinka la kala sheegtay, balse ay noqotay mid lagam maarman ah&#8221;, Wuxuu ka hadlayay madaxtinimada uu sheegtay Cabdirashiid Xidig.<\/p>\n<p>&#8220;Xalku wuxuu ku iman doonaa sida umadda Jubbaland isla qaadato. Anigu kuma lihi in qof kasta meel istaago madaxweynaan ah, runtii ma ahan wax xal lagu gaarayo, laakiin wax kasta wuxuu leeyahay meel uu ka qaldamo,&#8221; ayuu yiri.<span class=\"image-and-copyright-container\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"responsive-image__img js-image-replace\" src=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/624\/cpsprodpb\/185F3\/production\/_108472899_29fb2a0c-7ab5-46e1-8ee1-a4f2018cef5a.jpg\" alt=\"Cabdirashiid Xidig ayaa shalay sheegtay in la doortay\" width=\"976\" height=\"549\" data-highest-encountered-width=\"624\" \/><\/span><\/p>\n<p>Cabdirashiid Xidig oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya aya dhankiisa shalay BBC Somali u sheegay: &#8220;Aniga ayaa madaxweyne ka ah Jubbaland waxaana la ii doortay si sharci ah&#8221; ayuu yiri Cabdirashiid Xidig oo la hadlayay BBC.<\/p>\n<p>Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda ka soo horjeesatay hannaanka doorashada, waxayna tilmaamtay in aysan aqoonsaneyn natiijo kaste oo ka soo baxda.<\/p>\n<p>War saxaafadeed shalay ay soo saartay wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda aysan &#8220;aqoonsanayn is-caleemo saarada ka dhacay magaalada Kismaayo&#8221;.<\/p>\n<p>Axmed Madoobe iyo madaxda dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ka dhexeeyo khilaaf ay beesha caalamka isku deyeen in ay xalliyan<\/p>\n<p>Waxaa muuqata in mucaaradka ay hadda kala jabeen iyadoo Sheekh Maxamed Shakuul oo kamid ah musharraxiinta mucaaradka uu ka soo horjeestay doorashada maanta dib loogu doortay Axmed Madoobe iyo midda kale ay mucaaradka ku doorteen Cabdirashiid Maxamed Xidig.<span class=\"image-and-copyright-container\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"responsive-image__img js-image-replace\" src=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/624\/cpsprodpb\/2AAF\/production\/_108472901_0f52ddbd-4ef7-40fc-98d8-15e422a66561.jpg\" alt=\"Baarlamaanka Jubbaland aya shalay markale xilka u doortay Axmed Madoobe\" width=\"976\" height=\"549\" data-highest-encountered-width=\"624\" \/><\/span>&#8220;Maanta sey wax u dhaceen aad ayaa uga xunahay, in maanta Kismaayo ay kasoo baxeen labo madaxweyne runtii arrin aad u fool xun weeye&#8230;.anagu kuma faraxsanin arrinkaa isaga ah tan lagu doortay madaxweyne Axmed in hannaanka ay ku socotay uusan dastuurka waafaqsaneyn&#8230;tan kale waa ay kasii daran tahay&#8221; ayuu yiri Sheekh Shakuul.<\/p>\n<p>Waxaa uu ku baaqay in wadahadallo lagu dhameeyo khilaafka ka dhashay doorashada Jubbaland.<\/p>\n<p>Hadalka Maxamed Shakuul ayaa imaanaya xilli maanta magaalada Kismaayo lagu doortay Axmed Maxamed Islaam halka musharraxiinta mucaaradka ay sheegeen inay iyagana ay madaxweyne u doorteen Cabdirashiid Xidig.<\/p>\n<p>.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-57894\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco-300x156.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/beco.jpg 578w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"156\" \/><\/a>\u00a0<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a>\u00a0<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a>\u00a0<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a>\u00a0<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a>\u00a0<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a>\u00a0<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa manta sheegay in isaga loo &#8220;doortay madaxweynaha maamulka Jubbaland.&#8221; Seeraar wuxuu ka mid ahaa musharrixiintii mucaaradka ee isku magacaabay &#8220;isbedel doonka&#8221; kuwaas oo hadda u muuqdo in ay kala jabeen. &#8220;Waxay u bahan tahay qof anigoo kale ah oo badbaadiya Jubbaland. Waxaan u arkay in marxaladdas ay maanta taagan tahay&#8221;, ayuu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":58336,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-58335","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58335","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=58335"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58335\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":58338,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58335\/revisions\/58338"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/58336"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=58335"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=58335"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=58335"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}