{"id":5808,"date":"2012-05-07T20:48:31","date_gmt":"2012-05-07T20:48:31","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=5808"},"modified":"2012-05-07T20:48:31","modified_gmt":"2012-05-07T20:48:31","slug":"wasiirka-cusub-ee-beeraha-ahna-ra%e2%80%99iisul-wasaare-ku-xigeenka-tfg-da-oo-xilka-la-wareegey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2012\/05\/wasiirka-cusub-ee-beeraha-ahna-ra%e2%80%99iisul-wasaare-ku-xigeenka-tfg-da-oo-xilka-la-wareegey\/","title":{"rendered":"Wasiirka Cusub Ee Beeraha Ahna Ra\u2019iisul Wasaare Ku Xigeenka TFG-da Oo Xilka La Wareegey"},"content":{"rendered":"<p>&nbsp;<\/p>\n<p><strong>Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)<\/strong><\/p>\n<p>Munaasabada ay xilalka kula kala<br \/>\nwareegayeen wasiirkii hore ee beeraha, xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa iyo<br \/>\nwasiirka cusub ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>Xafaladan oo lagu qabtay xarunta<br \/>\nwasaaradda beeraha xanaanadda xoolaha dhirta iyo daaqa ayna kasoo qayb galeen<br \/>\nxubno ka tirsan golaha wasiiradda, xildhibaano iyo mas\u2019uuliyiin ayaa waxaa si<br \/>\nrasmi ah maanta xilka ugula wareegay Ra\u2019iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka<br \/>\nbeeraha xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa Xuseen Sheeekh Maxamuud Xuseen.<\/p>\n<p><strong>Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahin<\/strong> Wasiirkii hore ee beeraha oo hadal ka jeediyay munaasabadda<br \/>\nayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu xilka ku wareejiyo wasiirka<br \/>\ncusub, waxa uuna ALLE ugu baryay in uu u fududeeyo xilka.<\/p>\n<p>R\/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka<br \/>\nxanaanadda xoolaha dhirta iyo daaqa oo sidoo kale saxaafadda la hadlay ayaa u<br \/>\nmahad celiyay wasiirkii hore waxa uuna shaqaalaha ka codsaday in ay si<br \/>\nwanaagsan ula shaqeeyaan maadaama ay tahay wasaaraddu mid magaceedu uu ku<br \/>\nqotamota kheyraadka dalka si loo soo celiyo wax soo saarkii ay laheyd.<\/p>\n<p><strong>Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>&nbsp; Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom) Munaasabada ay xilalka kula kala wareegayeen wasiirkii hore ee beeraha, xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa iyo wasiirka cusub ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho. Xafaladan oo lagu qabtay xarunta wasaaradda beeraha xanaanadda xoolaha dhirta iyo daaqa ayna kasoo qayb galeen xubno ka tirsan golaha wasiiradda, xildhibaano iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[49],"class_list":["post-5808","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka","tag-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5808","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=5808"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5808\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":5812,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5808\/revisions\/5812"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=5808"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=5808"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=5808"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}