{"id":57366,"date":"2019-07-02T20:45:02","date_gmt":"2019-07-02T17:45:02","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=57366"},"modified":"2019-07-02T20:45:02","modified_gmt":"2019-07-02T17:45:02","slug":"axmed-madoobe-ma-waagii-ayaa-ku-baryay-isaga-oo-kaligii-ahwar-bixin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2019\/07\/axmed-madoobe-ma-waagii-ayaa-ku-baryay-isaga-oo-kaligii-ahwar-bixin\/","title":{"rendered":"Axmed Madoobe, Ma Waagii Ayaa Ku Baryay Isaga oo Kaligii Ah?(War-Bixin)"},"content":{"rendered":"<div class=\"with-extracted-share-icons\">\n<div class=\"story-body__mini-info-list-and-share\">\n<div class=\"story-body__mini-info-list-and-share-row\">\n<div class=\"mini-info-list-wrap\">\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"js-image-replace\" src=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/660\/cpsprodpb\/1509F\/production\/_107657168_axmedmadoobe.jpg\" alt=\"Axmed Madoobe bes ah miyaa ka haray raggii iskaashiga dowlad goboleedyada\" width=\"976\" height=\"549\" data-highest-encountered-width=\"660\" \/>Xaaf ayaa shalay ka degey magaalada Muqdisho, wuxuuna Villa Somalia kula kulmay madaxweynaha federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyada oo labada masuul ay si kal iyo laab ah isugu marxabeeyeen.<\/p>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"story-body__inner\">\n<p>Hase yeeshee waxaa muuqata in weli uusan dhamaannin dagaalka siyaasadeed ee ka dhex aloosnaa madaxweynayaasha dowlad goboleedyada awoodda badnaa iyo dowladda federaalka , islamarkaasna aysan weli kala adkaan, ama aysan dhinac isu raacin dowladda iyo maamulka Jubbaland ee uu madaxda ka yahay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).<\/p>\n<p>Horey waxaa siyaabo kala xilka ku baneeyay ama dowladda la heshiyaay inta badan madaxdii dowlad goboleedyada, kuwaas oo mar samaystay Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada.<\/p>\n<h2 class=\"story-body__sub-heading\">Xaaf<\/h2>\n<p>Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa todobaadkii hore heshiis la gaaray dowladda federaalka kadib xarig jiid siyaasadeed oo soo socday muddo 2 sanno ku dhow.<\/p>\n<p>Xaaf ayaa shalay ka degey magaalada Muqdisho, wuxuuna Villa Somalia kula kulmay madaxweynaha federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyada oo labada nin si kal iyo laab ay isu marxabeeyeen.<\/p>\n<p>Bil ka hor ma ahayn muuqaal laga fikiri karay sawirkan ay ka wada muuqdaan Xaaf iyo Farmaajo, iyada oo madaxweyne Xaaf uu sheegay in uu xiriirka u jaray federaalka, muddo sannad ahna uusan tagin gurigiisii Muqdisho, dagaalna uu ka xigay in waxa ay dowladda rabto ka socdaan Galmudug.<\/p>\n<p>Xaaf ayaa ahaa siyaasigii ugu dambeeyay ee xulafada la ahaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe marka laga hadlayo maamul goboleedyada.<\/p>\n<h2 class=\"story-body__sub-heading\">Axmed Madoobe<\/h2>\n<p>Hadda indhaha oo dhan waxa ay usoo wada jeedsadeen dhanka Kismaayo, halkaas oo 15-ka bisha Agoosto la qorsheeyay in lagu qabto doorashada madaxtinimo ee Jubbaland.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa hoggaanka soo hayay laga soo bilaabo sannadkii 2012-kii, xilligaas oo ciidammo uu isaga hoggaaminayo oo ay la socdaan kuwa Kenya ay Alshabaab ka saareen magaalada Kismaayo.<\/p>\n<p>Tan iyo xilligaas oo ay labo jeer doorashooyin dhaceen, waa markii koobaad uu wajoho culays intan la eg oo dhanka siyaasadda ah, waxaana jirta in uu meel xun marayo xiriirka kala dhaxeeya dowladda federaalka.<\/p>\n<p>Haddaba sida uu qabo Maxamed Caalin oo ah falanqeeye siyaasadeed, Jubbaland waxaa kasoo baxa tirada afraad ee ugu badan ee xildhibaano heer federaal ah, marka la gaaro doorashada sannadka dambena madaxda dowladda federaalka waxa ay doonayaan in sida ay u doonayaan doorashada ay u dhacdo, taas oo uu Axmed diidanyahay.<\/p>\n<p>Sidoo kale waxa uu Caalin sheegay in kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya iyo xaqiiqda ah in ciidama Kenya ay illaalinayaan magaalada Kismaayo iyo guud ahaan maamulka Jubbaland , dowladda federaalkana u aragto in arrintaas ay halis ku tahay in dowlad Soomaaliyeed ay cagaheeda isku taagto.<\/p>\n<p>Balse Axmed waxa uu heystaa fursado uu kusoo laaban karo, wuxuuna Maxamed Caalim yiri &#8220;Axmed waxa uu heystaa fursad boqolkiiba 50% ah, dowladda federaalkana inta kale, Axmed waxaa raasimaal u ah dowladda Kenya oo u aragta in uu difaac u yahay, beesha caalamka oo sidoo kale u aragta in dagaalkii Alshabaab ee uu markii horeba meesha ku yimid uusan dhammaanin, iyo waliba qodobka ah in beelaha gobolka ay weli kala shakisanyihiin&#8221;.<\/p>\n<h2 class=\"story-body__sub-heading\">Dagaalka Baraha Bulshada<\/h2>\n<p>Inkasta oo mowqif ahaan la ogyahay halka ay labada dhinac kala taaganyihiin, haddane ma jiraan warar rasmi ah oo ay saxaafadda siinayaan labada dhinac.<\/p>\n<p>Dowladda federaalka waxa ay soo saartay jadwalka ay doonayso in ay doorashada u dhacdo, halka Jubbaland ay ku adkaysanayso in aysan federaalka waxbo ka galin qaabka ay wax u dhacayaan, hawshana uu maamuli doono guddiga doorashooyinka jubbaland.<\/p>\n<p>Qodobka kale oo la&#8217;isku hayo ayaa ah sugista amniga goobta codeynta, iyo waliba waxyaabaha kale ee doorashada la xiriira.<\/p>\n<p>Hase yeeshee dagaalka ugu weyn waxa uu ka aloosanyahay baraha bulshada.<\/p>\n<p>Waxaa ka mid ah qoraalkan uu Facebook soo dhigay Cali Yare oo ah shaqsi ku caan baxay taageerada madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo.<\/p>\n<div class=\"social-embed\">\n<div class=\"social-embed-post social-embed-facebook\">\n<div class=\"embed embed-facebook\">\n<div class=\"embed-region facebook-wrap\" role=\"region\" aria-label=\"Facebook waxaa daabacay Cali Yare\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<p>Sidoo kale dadka ku kala aragti duwan arrimaha Jubbaland ayaa sidoo kale aad u adeegsanaya baraha bulshada, iyaga soo dhigaya qoraalo , sawirro iyo muuqaalo ay ku cabirayaan fikirkooda.<\/p>\n<p align=\"justify\">.<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/06\/beco-sax.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-56910\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/06\/beco-sax-300x215.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/06\/beco-sax-300x215.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/06\/beco-sax-768x550.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/06\/beco-sax.jpg 866w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"215\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/06\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-56909\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/06\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/06\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-56912\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/06\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/06\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-56911\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/06\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/06\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/06\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/06\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-56907\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/06\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/06\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/06\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/06\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-56908\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/06\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/06\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/06\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/06\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xaaf ayaa shalay ka degey magaalada Muqdisho, wuxuuna Villa Somalia kula kulmay madaxweynaha federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyada oo labada masuul ay si kal iyo laab ah isugu marxabeeyeen. Hase yeeshee waxaa muuqata in weli uusan dhamaannin dagaalka siyaasadeed ee ka dhex aloosnaa madaxweynayaasha dowlad goboleedyada awoodda badnaa iyo dowladda federaalka , islamarkaasna aysan weli [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":57367,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-57366","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/57366","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=57366"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/57366\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":57368,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/57366\/revisions\/57368"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/57367"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=57366"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=57366"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=57366"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}