{"id":57163,"date":"2019-06-25T20:45:46","date_gmt":"2019-06-25T17:45:46","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=57163"},"modified":"2019-06-25T22:00:35","modified_gmt":"2019-06-25T19:00:35","slug":"reccep-tayyip-erdogan-oo-sheegay-in-turkey-ay-bisha-july-heli-doonto-habka-difaaca-gantaalaha","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2019\/06\/reccep-tayyip-erdogan-oo-sheegay-in-turkey-ay-bisha-july-heli-doonto-habka-difaaca-gantaalaha\/","title":{"rendered":"Reccep Tayyip Erdogan Oo Sheegay In Turkey Ay Bisha July Heli Doonto Habka Difaaca Gantaalaha"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Turkiga, Reccep Tayyip Erdogan ayaa maanta sheegay in Turkey ay bisha July heli doonto habka difaaca gantaalaha S-400 ee Ruushka uu sameeyo, taasi oo xiisad ka dhex abuurtay dalkiisa iyo Mareykanka oo ay ka wada tirsan yihiin NATO.<\/p>\n<p>\u201cArrinta ku saabsan S-400 waa arrin si toos ah ula xiriirta madaxa-banaanideena kamana laaban doonno\u201d ayuu Erdogan ku sheegay khudbad laga sii daayey taleefishinka.<\/p>\n<p>\u201cInsha Allah, keenista S-400 waxay billaaban doontaa July\u201d ayuu yiri.<\/p>\n<p>\u201cSi ay uga gudubto baahideeda amni, Turkey cidna fasax ugama baahna, iskaba daa inay u hoggaansato cadaadis.\u201d<\/p>\n<p>Madaxweyne Erdogan ayaa wacad ku maray inuu xiriirka wanaagsan ee uu la leeyahay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump u adeegsan doono inuu yareeyo xiisadda labada dal, marka uu kula kulmo shirka G-20 ee magaalada Osaka ee dalka Japan, toddobaadkan.<\/p>\n<p>Mareykanka ayaa Turkiga u qabtay ilaa 31-ka July si ay uga laabato soo iibsashada S-400, ama haddii kale ay wajihi doonto cunaqabateyn islamarkaana laga saari doono ka qeyb-galka barnaamijka diyaaradaha F-35 ee Mareykanka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Turkiga, Reccep Tayyip Erdogan ayaa maanta sheegay in Turkey ay bisha July heli doonto habka difaaca gantaalaha S-400 ee Ruushka uu sameeyo, taasi oo xiisad ka dhex abuurtay dalkiisa iyo Mareykanka oo ay ka wada tirsan yihiin NATO. \u201cArrinta ku saabsan S-400 waa arrin si toos ah ula xiriirta madaxa-banaanideena kamana laaban doonno\u201d ayuu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":51187,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-57163","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/57163","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=57163"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/57163\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":57180,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/57163\/revisions\/57180"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/51187"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=57163"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=57163"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=57163"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}