{"id":56868,"date":"2019-06-15T22:47:39","date_gmt":"2019-06-15T19:47:39","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=56868"},"modified":"2019-06-15T22:50:12","modified_gmt":"2019-06-15T19:50:12","slug":"allaha-u-naxariistee-hargeysa-oo-uu-ku-geeryoodey-abwaan-saxardiid-jabiyoinnaa-lillaahi-wa-innaa-illeyhi-raajicuun","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2019\/06\/allaha-u-naxariistee-hargeysa-oo-uu-ku-geeryoodey-abwaan-saxardiid-jabiyoinnaa-lillaahi-wa-innaa-illeyhi-raajicuun\/","title":{"rendered":"Allaha U Naxariistee Hargeysa oo uu Ku Geeryoodey Abwaan Saxardiid Jabiyo(Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun)."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/06\/saxardiid.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-56869\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/06\/saxardiid-289x300.jpg\" alt=\"\" width=\"877\" height=\"910\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/06\/saxardiid-289x300.jpg 289w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/06\/saxardiid.jpg 660w\" sizes=\"auto, (max-width: 877px) 100vw, 877px\" \/><\/a><\/p>\n<p align=\"justify\">Alle Ha u Naxariisto Abwaan Saxardiid Maxamuud Jabiye oo ka mid ahaa Abwaanadii ka qaybqaatay halganka gumaysi diidka ee hal abuurkiisu sababay inuu xoriyadii lixdankii Soomaali ka heshay Ingiriiska ayaa maanta ku geeriyooday magaaladda Hargeysa.<\/p>\n<p>Abwaan Saxardiid Jabiye ayaa wuxuu hal abuurey heeso iyo suugaan badan oo caanka ka ah gayiga Soomaalida, waxaana lagu xasuustaa heesti caan baxday ee \u201caynu maalno hasheenna Maandeeq.<\/p>\n<p align=\"justify\">Sida ay sheegeen dadkii taariikhda Abwaanka ururiyey waxay sheegeen in Abwaan Saxardiid Maxamud Cilmi (Jebiye) uu ku dhashay magaalada Hargeysa xilli ku beegan soddomaadkii. Waxa uu yaraantiisii, caan ku ahaa kubbadda cagta, oo uu u ciyaari jirey koox la odhan jiray (kooxda Hargeysa). Sida uu Saxardiid sheegay, mar uu waraysi siiyey &#8220;kaydka suugaanta Somaliland&#8221;, heestiisii ugu horraysay ee laxan la saaray waxa la odhan jiray &#8220;Ka sara kaca&#8221; waxaana ku luuqayn jirtay Faadumo Cabdilaahi (Maandeeq). Sababtii ay ku dhalatay heestaasina waxa ay ahayd markii Ingiriisku bixiyey deegaankii loo yaqaanay &#8220;Reserve Area iyo Hawd&#8221; ee uu ku wareejiyey xukuumaddii Xayle Salaase 1954kii. Cadhadii ka dhalatay ayuu heestaa ka sameeyey Saxardiid. Rawaayaddii, ugu horraysay ee uu sameeyey, waxa ay ahayd GARDIID WAA ALLA DIID oo ku beegnayd 1959, kuna saabsanayd xorriyaddii oo soo dhawaatay. Heesaheeda waxa ka mid ahaa &#8220;Aan Maallo Hasheena Maandeeq.&#8221;<\/p>\n<p align=\"justify\">Saxardiid Maxamuud Cilmi (Jebiye) waxa uu ka mid ahaa Abwaanadii xilligaa suugaantooda ku dagaalamay, kuna tusay dadka in midaysnaan loo baahan yahay. Heesaha qiirada xanbaarsan, ee qofka soomaaliyeed ay xaaddu istaagi jirtay waxa ka mid ahaa: Kadabaa Kadabaa dhaha!. Heestan oo uu qaadi jirey IHN-tee heesaagii caanka ahaa Maxamed Yuusuf Cabdi, waxa ay ka mid ahayd heesaha aad ka loo dhegaysto maalmaha ku beegan xorriyaddii lixdankii.<\/p>\n<p align=\"justify\">&#8221; Waakii aynu rabnee, kifaaxiisa galnee, soomaalaay kulligaa, kulmiyaa la sudhee, kadabaa dhaha&#8217;ee. Korodhsiimo helloo, kaalinteenii galnee, soomaalaay kulligaa kulmiyaa la sudhee, kadabaa dhaha,ee. Gaajadii kuliliyo, kuududkii ka kacnee, soomaalaay kulligaa, kulmiyaa la sudhee, kadabaa dhaha&#8217;ee. Kunfacii la cadaab, kufrigii erinee, soomaalay kuligaa kulmiyaa la sudhee, kadabaa dhaha&#8217;ee.<\/p>\n<p align=\"justify\">Kadabaa, kadabaa, Kadabaa kadabaa&#8230;.<\/p>\n<p align=\"justify\">Waakii aynu rabnee, kifaaxiisa galnee, soomaalaay kulligaa, kulmiyaa la sudhee, kadabaa, kadabaa. &#8220;<\/p>\n<p align=\"justify\">Abwaan Saxardiid waxa uu ka mid ahaa, suugaan-yahannadii, xilligaas ugu caansanaa. Waxa uu mar la jaan-qaaday da&#8217;dii noqotay tiirarka fanka soomaalida, oo aan ka xusi karo IHN-tee Cabdilaahi Qarshe, Xuseen aw Faarax iyo Cali Sugulle oo xilligan nool ahna abwaanada taariikhda dheer ku leh soomaalida Geeska Afrika deggen oo dhan. Heesaaga, inta badan qaaday heesaha Saxardiid waxa ka mid ahaa, Axmed M Good (Shinbir), Maxamed Yuusuf Cabdi, Hibo Maxamed (Nuura) Cismaan (Gacanlow), Maxamed Axmed (Kuluc) iyo Faadumo Cabdilaahi (Maandeeq).<\/p>\n<p align=\"justify\">Dhaaxaan murugiyo, harraad mudannee, maantay curatoo, mataanaysee.<\/p>\n<p align=\"justify\">Ma gawdo Candhadii, gollaa marisee, aan maallo, hasheenna Maandeeq.<\/p>\n<p align=\"justify\">&#8220;Waa maalin murankiyo, makeeki hadhee, aan maallo hasheenna Maandeeq.<\/p>\n<p align=\"justify\">Waa maalin duco iyo bil mawliide, aan maallo hasheenna Maandeeqe.<\/p>\n<p align=\"justify\">Waxa heestan korka ku xusan qaaday, Maxamed Axmed (Kuluc) oo ay la jiibin jireen hablihii idaacaddii Hargeysa. Inbadan oo bulshada ka mid ah ayaa iiga markhaati kacaysa in heestani ku lammaan tahay, xasuusta maalmaha loo debbaaldego xorriyaddii lixdankii. Malaa haddaan la qaadin lamaba xusin xorriyaddii. Waa dhaxal uu ku saxeexanyahay Saxardiid Maxamed Cilmi,<\/p>\n<p align=\"justify\">Bahda Shabakadda Wararka Warsom waxay tacsi u direysa qoyskii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu Abwaanku ka geeriyooday, waxaanay ilaahay u waydiinaynaa inuu janno fardawsa ka waraabiyo, inaga samir iyo iimaan inaga siiyo.<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/beco-sax.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-55847\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/beco-sax-300x215.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"215\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/beco-sax-300x215.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/beco-sax-768x550.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/beco-sax.jpg 866w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-55851\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-55850\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/som-tell-300x111.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/som-tell.jpg 850w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-55849\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-55848\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/salaam-1-252x300.jpg\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/salaam-1.jpg 450w\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-55845\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-55846\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/taaj-300x38.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/taaj.jpg 468w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Alle Ha u Naxariisto Abwaan Saxardiid Maxamuud Jabiye oo ka mid ahaa Abwaanadii ka qaybqaatay halganka gumaysi diidka ee hal abuurkiisu sababay inuu xoriyadii lixdankii Soomaali ka heshay Ingiriiska ayaa maanta ku geeriyooday magaaladda Hargeysa. Abwaan Saxardiid Jabiye ayaa wuxuu hal abuurey heeso iyo suugaan badan oo caanka ka ah gayiga Soomaalida, waxaana lagu xasuustaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":56869,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-56868","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/56868","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=56868"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/56868\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":56871,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/56868\/revisions\/56871"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/56869"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=56868"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=56868"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=56868"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}