{"id":56844,"date":"2019-06-15T02:50:35","date_gmt":"2019-06-14T23:50:35","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=56844"},"modified":"2019-06-15T02:50:35","modified_gmt":"2019-06-14T23:50:35","slug":"somalia-oo-noqotay-suuqa-kaliya-ee-la-geeyo-khaatka-ugu-badan-ee-kenya-ay-soo-saarto","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2019\/06\/somalia-oo-noqotay-suuqa-kaliya-ee-la-geeyo-khaatka-ugu-badan-ee-kenya-ay-soo-saarto\/","title":{"rendered":"Somalia Oo Noqotay Suuqa Kaliya Ee La Geeyo Khaatka Ugu Badan Ee Kenya Ay Soo Saarto."},"content":{"rendered":"<h1 class=\"story-body__h1\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"js-image-replace\" style=\"font-size: 16px;\" src=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/660\/cpsprodpb\/66FE\/production\/_107366362_ff74a4c3-3b1c-4d7b-acd6-d46c8ee6a09e.jpg\" alt=\"Nin saaran geedka Khatka\" width=\"976\" height=\"549\" data-highest-encountered-width=\"660\" \/><\/h1>\n<div class=\"story-body__inner\">\n<p class=\"story-body__introduction\">Beeraleyda Khaatka ee Kenya ayaa helaya miisaaniyad lacageed oo lagu horumariyo wax soo saarka beerahooda.<\/p>\n<p>Dadka leh beeraha khaatka uu ka baxo ayaa ku mideysan urur u dooda xuquuqdooda, waxaana markii uu xirmay suuqii Yurub ay dowladda Kenya ku caddaadiyeen sidii ay ugu raadin lahayd meelo kale oo loo iib-geeyo jaadka ama ay wadahadal ula gali lahaayeen dalalka Yurub.<\/p>\n<p>Madaxwenaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa u sheegay inay kala shaqeyn doonaan sidii sare loogu qaadi lahaa wax soo saarkooda.<\/p>\n<p>Miisaaniyad sanadeedkii shalay la horgeeyay baarlamaanka Kenya ayaa waxaa ku jiray lacag dhan hal bilyan oo shilling, taas oo loo qoondeeyay hormarinta beeraleyda khaatka.<\/p>\n<p>Khaatka ayaa ka mid ah waxyaabaha uu dalkan Kenya u dhoofiyo caalamka intiisa kale, oo dhaqaalaha ka soo baxa ay ku tiirsan yihiin tobonnaan kun oo qof.<\/p>\n<p>Dowladda ayaa sidoo kale canshuur badan ka hesha khaatka dhoofa iyo midka gudaha Kenya laga cuno.<span class=\"image-and-copyright-container\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"responsive-image__img js-image-replace\" src=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/624\/cpsprodpb\/18DE\/production\/_107366360_2a229df8-fc61-4277-a31e-cbfa69b852b0.jpg\" alt=\"Khatka ugu badan wuxuu ka baxaa Kenya, Yaman iyo Itoobiya\" width=\"624\" height=\"351\" data-highest-encountered-width=\"624\" \/><\/span><\/p>\n<figure class=\"media-landscape has-caption full-width\">Qaar ka mid ah culimada Muslimiinta ee Kenya ayaa sheegay in ay &#8220;aad u qoonsadeen tallaabada dowladda Kenya ay ku taageereyso beeraleyda jaadka.<\/figure>\n<p>&#8220;Arrinta aan aad iyo aad uga xumaanay oo aan u aragnay in dowladda ay qalad weyn ku tahay waa in lacagtan meesha lagu soo daray ay tahay canshuurteena&#8221;, ayuu yiri Sheekh Cabdisalaam Maxamed oo ka mid ah culimada Kenya.<\/p>\n<p>&#8220;Waa lacag anaga naga la qaaday oo lagu kobcinaayo khaatka, oo aan ognahay dhibka uu u keenayo shacabka,&#8221; ayuu raaciyay.<\/p>\n<p>Britain waxay ka mid ahayd suuqyada ugu waaweyn ee khaatka la geyn jiray, balse waxaa laga mamnuucay dalkaas sannadkii 2014kii, kadib markii dowladdu ay ogaatay in uu yahay daroogo.<\/p>\n<p>Wixii xilligaa ka dambeeyay Soomaaliya oo keli ah ayaa noqotay suuqa la geeyo khaatka ugu badan ee Kenya ay soo saarto.<\/p>\n<p>Sida lagu sheegay cilmi baaris caafimaad oo la xiriirtay Khaatka, &#8220;waa wax la qabatimo oo halis ku ah caafimaadka maskaxda&#8221;.<span class=\"image-and-copyright-container\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"responsive-image__img js-image-replace\" src=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/624\/cpsprodpb\/B51E\/production\/_107366364_d1f6e72e-0f0c-436e-a68a-1b98a70b1514.jpg\" alt=\"Khat\" width=\"976\" height=\"549\" data-highest-encountered-width=\"624\" \/><\/span><\/p>\n<p>Hasa yeeshee markii UK ay mamnuucday, mid ka mid ah beeraleyda ayaa sheegay in &#8220;waxaa iska cad ay tahay in tallaabadan ay ganacsigeyga oo dhan baabi&#8217;ineyso.&#8221;<\/p>\n<p>&#8220;Ma ahayn in aan ka mid noqoto malaayiinka qof ee shaqa la&#8217;aantu hayso ee weli shaqa doonka ah&#8221;.<\/p>\n<p>Balse, maalgelintan cusub ayay dad badan u arkaan in gudaha Kenya ay dhibaato ku tahay.<\/p>\n<p>&#8220;Waxkasta ayaa ganacsi noqon kara, mukhaadaraad xitaa ganacsi waad dhihi kartaa, laakiin waa ganacsi khaldan, waa ganacsi umadda dhib u keenaya,&#8221; ayuu yiri Sheekh Cabdisalaam Maxamed.<\/p>\n<p>Wuxuu intaa ku daray: &#8220;Ganacsigaan (khaatka) waa mid dhib u keenayo bulshada, dhib u geysanayo qoysaska, dhib ku ah dhallinyaradeena. Waa ganacsi aan dhibkiisa lasoo koobi Karin&#8221;.<\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Beeraleyda Khaatka ee Kenya ayaa helaya miisaaniyad lacageed oo lagu horumariyo wax soo saarka beerahooda. Dadka leh beeraha khaatka uu ka baxo ayaa ku mideysan urur u dooda xuquuqdooda, waxaana markii uu xirmay suuqii Yurub ay dowladda Kenya ku caddaadiyeen sidii ay ugu raadin lahayd meelo kale oo loo iib-geeyo jaadka ama ay wadahadal ula [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":28201,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-56844","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/56844","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=56844"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/56844\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":56845,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/56844\/revisions\/56845"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/28201"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=56844"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=56844"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=56844"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}