{"id":56098,"date":"2019-05-18T23:05:45","date_gmt":"2019-05-18T20:05:45","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=56098"},"modified":"2019-05-19T00:13:57","modified_gmt":"2019-05-18T21:13:57","slug":"imaaraatiga-iyo-sacuudiga-oo-ogolaaday-in-ciidamo-maraykan-ah-la-geeyo-dalalkooda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2019\/05\/imaaraatiga-iyo-sacuudiga-oo-ogolaaday-in-ciidamo-maraykan-ah-la-geeyo-dalalkooda\/","title":{"rendered":"Imaaraatiga Iyo Sacuudiga Oo Ogolaaday In Ciidamo Maraykan Ah La Geeyo Dalalkooda."},"content":{"rendered":"<header class=\"entry-header\">\n<div class=\"shared-counts-wrap before_content style-fancy\"><img decoding=\"async\" class=\"wp-image-315636\" src=\"https:\/\/horseedmedia.net\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/Us-Sacuudi-militari1-740x385.jpg\" sizes=\"(max-width: 740px) 100vw, 740px\" srcset=\"https:\/\/horseedmedia.net\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/Us-Sacuudi-militari1-740x385.jpg 740w, https:\/\/horseedmedia.net\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/Us-Sacuudi-militari1-400x208.jpg 400w, https:\/\/horseedmedia.net\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/Us-Sacuudi-militari1-768x400.jpg 768w, https:\/\/horseedmedia.net\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/Us-Sacuudi-militari1.jpg 1600w\" alt=\"\" \/><\/div>\n<\/header>\n<div class=\"entry-content\">\n<p><strong>Warbaahinta Sacuudiga ayaa shaacisay in Boqortooyada dalkaasi iyo wadamada xulafada la ah ay ogolaadeen in wadankooda la keeno ciidamo Maraykan ah si looga hortago weerar uga yimaada dalka Iran.<\/strong><\/p>\n<p>Heshiisyada dhexmaray Xulafada Sacuudiga iyo Maraykanka ayaa kusoo beegmaya xili ay dalalkaasi sare u qaadeen cadaadiska ay ku hayaan dowlada Iran oo iyadu sheegtay inaysan diyaar u ahayn dagaal.<img decoding=\"async\" class=\"wp-image-315637\" src=\"https:\/\/horseedmedia.net\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/Us-Sacuudi-militari2.jpg\" sizes=\"(max-width: 640px) 100vw, 640px\" srcset=\"https:\/\/horseedmedia.net\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/Us-Sacuudi-militari2.jpg 640w, https:\/\/horseedmedia.net\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/Us-Sacuudi-militari2-400x268.jpg 400w\" alt=\"\" \/><\/p>\n<p>Maraykanka oo horey saldhigyo militari ugu lahaan jiray Sacuudiga ayaa halkaasi ciidamadiisa kala baxay sanadkii 2003, walow ay dalkaasi weli u joogaan koox tababarayaal ah oo gacan siiya militariga Sacuudiga.<\/p>\n<p>Dalalka Khaliijka oo u arka Iran iyo kooxaha ay taageerto kuwo khatar ku ah amnigooda ayaa wada hada qorshaha xeryo cusub dalalkooda looga sameenayo ciidamada Maraykanka oo horey saldhigyo ku lahaa qaar kamid ah dalalkaasi.<br \/>\n<img decoding=\"async\" class=\"wp-image-315638\" src=\"https:\/\/horseedmedia.net\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/Us-Sacuudi-militari3.jpg\" sizes=\"(max-width: 633px) 100vw, 633px\" srcset=\"https:\/\/horseedmedia.net\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/Us-Sacuudi-militari3.jpg 633w, https:\/\/horseedmedia.net\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/Us-Sacuudi-militari3-400x392.jpg 400w\" alt=\"\" \/><\/p>\n<p>Maraykanka ayaa horaantii todobaadkan qaar kamid ah diblumaasiyiintiisa kala baxay Safaarada uu ku leeyahay magaalada Baqdaad xili ay sii xumaaneyso xiisada ka taagan gobalka ee u dhaxeysa Maraykanka iyo Iran. Dalka Ciraaq ayaa kamid ah wadamada ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka la sheego inay ka amar qaataan Iran.<\/p>\n<p>Go\u2019aanka Maraykanka diblumaasiyiintiisa Ciraaq uu kula baxay ayaa yimid kadib markii Axadii hore la sheegay in weeraro lagu qaaday afar markab oo laga kala lahaa dalalka Sacuudiga, Imaaraatiga iyo\u00a0Norway oo marayey xeebta dalka Imaaraadka.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" class=\"wp-image-315639\" src=\"https:\/\/horseedmedia.net\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/Us-Sacuudi-militari5-555x740.jpg\" sizes=\"(max-width: 555px) 100vw, 555px\" srcset=\"https:\/\/horseedmedia.net\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/Us-Sacuudi-militari5-555x740.jpg 555w, https:\/\/horseedmedia.net\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/Us-Sacuudi-militari5-300x400.jpg 300w, https:\/\/horseedmedia.net\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/Us-Sacuudi-militari5.jpg 600w\" alt=\"\" \/><\/p>\n<p>Waxaan weli aan la shaacin cida ka danbeysay weeraradaasi la sheegay in lagu doonayey in lagu dajiyo maraakiibta shidaalka qaada, inkastoo weeraradaasi la sheegay inaysan ka dhalan wax khasaaro ah marka laga reebo dhaawacyo kooban oo gaaray Maraakiibtaasi.<\/p>\n<p>Xulafada Israel ee awooda ku dhexleh dowlada Maraykanka sida John Bolton la taliyaha Amniga ee Madaxweynaha Maraykanka ayaa si weyn ugu ololeenaya in weerar militari lagu qaado dalka Iran, arrintaasi oo ay sidoo kale taageersan yihiin Sacuudiga iyo Imaaraatiga.<img decoding=\"async\" class=\"wp-image-315640\" src=\"https:\/\/horseedmedia.net\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/Us-Sacuudi-militari4-740x493.jpg\" sizes=\"(max-width: 740px) 100vw, 740px\" srcset=\"https:\/\/horseedmedia.net\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/Us-Sacuudi-militari4-740x493.jpg 740w, https:\/\/horseedmedia.net\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/Us-Sacuudi-militari4-400x267.jpg 400w, https:\/\/horseedmedia.net\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/Us-Sacuudi-militari4-768x512.jpg 768w, https:\/\/horseedmedia.net\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/Us-Sacuudi-militari4-600x400.jpg 600w, https:\/\/horseedmedia.net\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/Us-Sacuudi-militari4.jpg 1160w\" alt=\"\" \/><\/p>\n<p>Wasiirka Arrimaha Dibada ee Iran Java Zarif ayaa sheegay in kooxda ay u bixiyeen\u00a0<strong>B- Team<\/strong>\u00a0oo kala ah (Bolton, Benjamin, Bin Salman iyo Bin Zayid) ay doonayaan inay abuuraan xaalad dagaal oo ku khasbeysa Donald Trump inuu lugaha la galo dagaal khasaaro badan ka dhasha.<\/p>\n<p>Xiisadan ayaa kasoo bilaabatay kadib markii sanadkii tagay uu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ka baxay heshiiskii Iran la gashay Beesha Caalamka ee la saxiixay sanadkii 2015, kaasi oo lagu joojiyey barnaamijkii Nukliyeerka ee Iran isla markaana wadankaasi looga qaaday cunaqabateyntii dhaqaale ee saarneyd.<\/p>\n<p>Maraykanka ayaa hada cunaqabateyn horleh kusoo rogay ganacsiga Iran iyo waliba ciidamada Jamhuuriga ee dalkaasi, Washington ayaa sidoo kale u hanjabtay dalalka xiriirka ganacsi laleh Iran arrintaasi oo ay doonayaan in ay ku cadaadiyaan Xukuumada Iran oo ay filayaan in cadaadiskan uu ku khasbi doono inay wadahadal la galaan Trump ama la iska horkeeno shacabka dalkaasi &amp; Dowladooda.<\/p>\n<div>.<\/div>\n<div><\/div>\n<div><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/beco-sax.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-55847\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/beco-sax-300x215.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/beco-sax-300x215.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/beco-sax-768x550.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/beco-sax.jpg 866w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"215\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-55851\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-55846\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-55848\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-55849\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-55850\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-55845\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Warbaahinta Sacuudiga ayaa shaacisay in Boqortooyada dalkaasi iyo wadamada xulafada la ah ay ogolaadeen in wadankooda la keeno ciidamo Maraykan ah si looga hortago weerar uga yimaada dalka Iran. Heshiisyada dhexmaray Xulafada Sacuudiga iyo Maraykanka ayaa kusoo beegmaya xili ay dalalkaasi sare u qaadeen cadaadiska ay ku hayaan dowlada Iran oo iyadu sheegtay inaysan diyaar [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":56099,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-56098","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/56098","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=56098"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/56098\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":56115,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/56098\/revisions\/56115"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/56099"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=56098"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=56098"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=56098"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}