{"id":55299,"date":"2019-04-17T02:13:21","date_gmt":"2019-04-16T23:13:21","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=55299"},"modified":"2019-04-17T02:35:58","modified_gmt":"2019-04-16T23:35:58","slug":"wasaaradda-boostada-iyo-isgaarsiinta-federalka-iyo-dawlad-goboleedyada-oo-shir-wadatashi-uga-furmey-mudisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2019\/04\/wasaaradda-boostada-iyo-isgaarsiinta-federalka-iyo-dawlad-goboleedyada-oo-shir-wadatashi-uga-furmey-mudisho\/","title":{"rendered":"Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Federalka iyo Dawlad Goboleedyada oo Shir Wadatashi uga Furmey Muqdisho."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/bootada-federalka.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-55300\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/bootada-federalka-300x206.jpg\" alt=\"\" width=\"1034\" height=\"710\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/bootada-federalka-300x206.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/bootada-federalka.jpg 612w\" sizes=\"auto, (max-width: 1034px) 100vw, 1034px\" \/><\/a><\/p>\n<p align=\"justify\">Shirka wada-tashiga wasaaradaha boostada iyo isgaarsiinta ee federaalka iyo dawlad-goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada, Md. C\/casiis Duwane Isaaq, oo soo dhoweeyay ka-soo-qeybgalayaasha ayaa sheegay in shirkan oo ah kii 3aad ee ay isugu yimaadaan wasaaradahan looga hadli doono ajandayaal ay ka mid yihiin waxqabadkii wasaaradaha ee heer federaal iyo heer dawlad-goboleed, in laga tashado waxyaabaha ay ka wada shaqeyn karaan wasaaradaha, sidoo kalena in la soo bandhigo waxqabadka Mashruucii Taakuleynta ICT iyo sida loogu diyaar garoobi karo wajiyada kale ee soo socda mustaqbalka.<\/p>\n<p align=\"justify\">Wasiirrada Boostada iyo Isgaarsiinta ee Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, GalMudug, iyo HirShabeelle oo hadallo kooban jeediyay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay ka soo qeyb galaan kulankan, iyagoo ballanqaaday inay diyaar u yihiin wada-shaqeyn ballaaran dhex marta wasaaradaha heer dawlad-goboleed iyo heer federaalba.<\/p>\n<p align=\"justify\">Senator Deeqa Xasan Xuseen oo mataleysay Guddiga qaabilsan isgaarsiinta ee Golaha Aqalka Sare ayaa sheegtay inay aad u soo dhoweynayso ka-qeybgalka kulamada noocan oo kale ah maadaama ay yihiin aqalkii wakiilka ka ahaa dawlad-goboleedyada.<\/p>\n<p align=\"justify\">Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Md. C\/laahi Bile Nuur, ayaa sheegay in Wasaaraddu ku xisaabtameyso talada iyo taageerada wasaaradaha dawlad-goboleedyada si horumarka la gaaray loo sii kordhiyo, isagoo ka rajeeyay in 5ta wasiir ee ka socota dawlad-goboleedyada oo dhammaantood cusub ay dardar cusub ku soo kordhin doonaan hawlaha horyaalla wasaaradaha.<\/p>\n<p align=\"justify\">Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta &amp; Teknolojiyada, Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa si faahfaahsan uga hadlay waxyaabihii u qabsoomay wasaaradda labadii sano ee la soo dhaafay oo ay ugu waaweynaayeen ansixinta Sharciga Isgaarsiinta, dhismaha Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka, soo-celinta Astaantii dotSO, soo-celinta xubinnimadii ITU iyo UPU, iyadoo hawlaha socda ay ugu waaweyn yihiin soo-nooleynta boostada, dib-u-dhiska machadka, isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta, dajinta siyaasadda qaran ee isgaarsiinta qaranka iyo soo-celinta hantidii ma-guurtada ee Wasaaradda, iyo hawlo kale.<\/p>\n<p align=\"justify\">Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in wasaaraddu soo bandhigi doonto qorshayaal wasaaraddu ku baahineyso hawlaheeda, lalana kaashanayo wasaaradaha heer dawlad-goboleed si adeegyada ay wasaaraddu bixiso ay u gaaraan dalka oo dhan.<\/p>\n<p align=\"justify\">Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa u mahadceliyay dhammaan ka-soo-qeybgalayaasha shirka oo ay ugu horreeyaan wasiirrada dawlad-goboleedyada iyo wafdigooda oo shaqooyinkooda muhiimka ah ka soo tagay; mas\u2019uuliyiinta Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta oo fududeeyay shirkan iyo hawlo badan oo ay wasaaraddu qabatay sanadihii la soo dhaafay iyo Ururka Jaamacadaha ee Somali REN,\u201d ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Wasiirku.<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/beco-sax.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-54512\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/beco-sax-300x215.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"215\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/beco-sax-300x215.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/beco-sax-768x550.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/beco-sax.jpg 866w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/syl-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-54517\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/syl-2.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-54516\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/som-tell-300x111.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/som-tell.jpg 850w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-54515\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/salaam-1-252x300.jpg\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/salaam-1.jpg 450w\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-54514\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/Xayeysii-Warsom-1.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-54511\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/Xayeysii-Warsom-1-300x91.png\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/Xayeysii-Warsom-1-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/Xayeysii-Warsom-1-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/Xayeysii-Warsom-1-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/Xayeysii-Warsom-1.png 1722w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-54510\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/taaj-300x38.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/taaj.jpg 468w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Shirka wada-tashiga wasaaradaha boostada iyo isgaarsiinta ee federaalka iyo dawlad-goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada, Md. C\/casiis Duwane Isaaq, oo soo dhoweeyay ka-soo-qeybgalayaasha ayaa sheegay in shirkan oo ah kii 3aad ee ay isugu yimaadaan wasaaradahan looga hadli doono ajandayaal ay ka mid yihiin waxqabadkii wasaaradaha ee heer federaal [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":55300,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-55299","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/55299","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=55299"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/55299\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":55311,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/55299\/revisions\/55311"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/55300"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=55299"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=55299"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=55299"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}