{"id":55144,"date":"2019-04-11T10:54:53","date_gmt":"2019-04-11T07:54:53","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=55144"},"modified":"2019-04-11T20:58:02","modified_gmt":"2019-04-11T17:58:02","slug":"maraykanka-oo-dib-u-bilaabay-duqeynta-ay-ka-geesan-jireen-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2019\/04\/maraykanka-oo-dib-u-bilaabay-duqeynta-ay-ka-geesan-jireen-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Maraykanka Oo Dib U Bilaabay Duqeynta Ay Ka Geesan Jireen Gudaha iyo Gobolada Soomaaliya."},"content":{"rendered":"<header class=\"entry-header\">\n<h1 class=\"entry-title\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"wp-image-312703\" style=\"font-size: 16px;\" src=\"https:\/\/horseedmedia.net\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/Drones-Somalia-US-740x416.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 740px) 100vw, 740px\" srcset=\"https:\/\/horseedmedia.net\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/Drones-Somalia-US-740x416.jpg 740w, https:\/\/horseedmedia.net\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/Drones-Somalia-US-400x225.jpg 400w, https:\/\/horseedmedia.net\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/Drones-Somalia-US-768x432.jpg 768w, https:\/\/horseedmedia.net\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/Drones-Somalia-US.jpg 980w\" alt=\"\" width=\"1025\" height=\"576\" \/><\/h1>\n<\/header>\n<div class=\"entry-content\">\n<p>Militariga Maraykanka ayaa dib u bilaabay duqeynta ay ka wadaan Soomaaliya, duqeyntan cirka oo ay la beegsadaan Al Shabaab ayaa la hakiyey todobaadyadii lasoo dhaafay kadib markii warbixin ay soo saartay Hay\u2019ada xaquuqul Insaanka ee Amnesty International lagu sheegay in Maraykanka dad badan oo rayid ah sanadihii lasoo dhaafay ku dilay duqeynta uu ka wado Koonfurta Soomaaliya.<\/p>\n<p>Dalka Soomaaliya ayaa kamid ah 7da wadan ee uu duqeynta ka wado Maraykanka, waana dalka kaliya ee uusan wax xog ka bixin tirada dadka rayidka ah ee ku dhinta duqeynta dhanka cirka ah oo ay la beegsadaan deegaanada ay ku sugan yihiin xoogaga Al Shabaab.<\/p>\n<p>Xukuumada Donald Trump ayaa dhawaan sheegtay inay gebi ahaan wax xog ah kasoo saari doonin tirada dadka shacabka ah oo ay ku dilaan duqeynta ay la beegsadaan Soomaaliya. Trump ayaa sanadkii 2017 awood dheeraad ah siiyey militarigiisa inay sii kordhiyaan duqeynta ay ka wadaan wadanka Soomaaliya.<\/p>\n<p>18kii bishii Maarso ayey warbixin ay soo saartay\u00a0<a href=\"https:\/\/www.amnesty.org\/en\/latest\/news\/2019\/03\/usa-somalia-shroud-of-secrecy-around-civilian-deaths-masks-possible-war-crimes\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"Amnesty International (opens in a new tab)\">Amnesty International<\/a>\u00a0ku sheegtay inay jiraan tiro dad shacab ah oo ku dhintay duqeynta Maraykanka ka wado Soomaaliya.<\/p>\n<p>Warbixintan la shaaciyey ayaa keentay in markii ugu horeysay taariikhda ciidamada Maraykanka qiraan inay jiraan dhimasho dad rayid ah, Taliska Militariga Maraykanka ayaa ku dooday inay duqeyn ku dileen\u00a0<a href=\"https:\/\/horseedmedia.net\/2019\/04\/08\/us-navy-evaluate-reveals-civilian-deaths-in-somalia-strike\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"hooyo iyo cunug ay dhashay (opens in a new tab)\">hooyo iyo cunug ay dhashay\u00a0<\/a>oo kaliya .<\/p>\n<p>Balse baaritaanka ay sameysay Amnesty International iyo wareysiyo ay ka qaadaan dad goobjogayaal ah shan goobood oo ay ka dhaceen duqeynta Maraykanka ayaa sheegtay in shantaasi weerar oo dhacay intii u dhaxeysay 2017 \u2013 2018 lagu dilay ugu yaraan 14 qof oo rayid ah, dilalkan oo ay qariyeen militariga Maraykanka.<\/p>\n<p>Maraykanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay hakad geliyey duqeynta uu ka waday Soomaaliya, wuxuuna dib u bilaabay Salaasadii, kadib duqeyn ka dhacday nawaaxiga magaalada Jilib ayaa lagu sheegay in lagu dilay xubin ka tirsan Al Shabaab.<\/p>\n<p>Dowlada Soomaaliya ayaa iyadu ka hadal shacabka ku dhinta duqeynta Maraykanka oo isagu sheego inuu hawlgaladan gacan ku siinayo ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/beco-sax.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-54512\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/beco-sax-300x215.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"215\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/beco-sax-300x215.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/beco-sax-768x550.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/beco-sax.jpg 866w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/syl-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-54517\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/syl-2.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-54516\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/som-tell-300x111.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/som-tell.jpg 850w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/Xayeysii-Warsom-1.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-54511\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/Xayeysii-Warsom-1-300x91.png\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/Xayeysii-Warsom-1-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/Xayeysii-Warsom-1-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/Xayeysii-Warsom-1-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/Xayeysii-Warsom-1.png 1722w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-54510\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/taaj-300x38.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/taaj.jpg 468w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-54514\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-54515\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/salaam-1-252x300.jpg\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/salaam-1.jpg 450w\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" \/><\/a><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<\/div>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Militariga Maraykanka ayaa dib u bilaabay duqeynta ay ka wadaan Soomaaliya, duqeyntan cirka oo ay la beegsadaan Al Shabaab ayaa la hakiyey todobaadyadii lasoo dhaafay kadib markii warbixin ay soo saartay Hay\u2019ada xaquuqul Insaanka ee Amnesty International lagu sheegay in Maraykanka dad badan oo rayid ah sanadihii lasoo dhaafay ku dilay duqeynta uu ka wado [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":55146,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-55144","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/55144","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=55144"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/55144\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":55156,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/55144\/revisions\/55156"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/55146"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=55144"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=55144"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=55144"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}