{"id":55049,"date":"2019-04-09T13:32:09","date_gmt":"2019-04-09T10:32:09","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=55049"},"modified":"2019-04-09T18:42:57","modified_gmt":"2019-04-09T15:42:57","slug":"55049","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2019\/04\/55049\/","title":{"rendered":"Baarlamaanka Soomaaliya Ma Leeyahay Nidaam Lagu Xakameeyo Warbaahinta?"},"content":{"rendered":"<div class=\"with-extracted-share-icons\">\n<div class=\"story-body__mini-info-list-and-share\">\n<div class=\"story-body__mini-info-list-and-share-row\">\n<div class=\"share-tools--no-event-tag\">\n<div id=\"comp-pattern-library\" class=\"distinct-component-group container-twite\">\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"js-image-replace\" src=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/340\/cpsprodpb\/4A1E\/production\/_106347981_baarlamaanka-11.jpg\" alt=\"Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhanka warbaahinta uga duwan baarlamaannada kale\" width=\"976\" height=\"549\" data-highest-encountered-width=\"340\" \/><\/p>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"story-body__inner\">\n<p class=\"story-body__introduction\">Maalmo ka dib buuqii ka dhacay baarlamaanka Soomaaliya oo ku qotomay in warbaahinta gudaha loo oggolaado iyo in kale, ayaa waxaan qormadan ku eegeynaa xiriirka warbaahinta iyo qaar ka mid barlamaannada caalamka.<\/p>\n<p>Waxaa sii kordheysa saameynta dhibaatada baarlamaanka federaalka Soomaaliya uu kala kulmo warbaahinta xorta ah ee sida joogtada ah uga qeyb gasha kulamada aqalka.<\/p>\n<p>Mararka qaar waxaa dhacda in wariyeyaal aad u farobadan ay gudaha u galaan xarunta golaha shacabka, iyagoo cariiriya mudaneyaasha u xaadiray waajibaadkooda dastuuriga ah.<\/p>\n<p>Inta badan waddamada caalamka, baarlamaannada waxay leeyihiin hannaan ay iyagu ku duubaan doodaha ka socda gudaha baarlamaanka, ka dibna ay u sii gudbiyaan warbaahinta kale.<\/p>\n<p><strong>Baarlamaanka Kenya iyo warbaahinta<\/strong><\/p>\n<p>Warbaahinta dalka Kenya ayaa waxay inta badan tebinta tooska ah ka qaadataa TV-ga dowladda ee lagu magacaabo KBC, kaas oo isagana ka soo qaata laanta warbaahinta ee barlamaanka.<\/p>\n<p>Baarlamaanka ayaa dhowr jeer oo hore demiyay tebinta tooska ah, waa marka ay jiraan arrin xasaasi ah oo aan loo oggoleyn in ay warfaafinta gaaraan.<\/p>\n<p>Bishii Sebtembar ee sanadkii 2017-kii, baarlamaanka Kenya ayaa go&#8217;aansaday inuu joojiyo tebintii tooska ahayd ka dib markii uu buuq ka dhashay ansixintii isbaddelo lagu sameeyey sharciga doorashada ee Kenya.<\/p>\n<p>Mucaaradka ayaa arrintaasi si weyn uga soo horjeeday, waxay buuq ka abuureen gudaha baarlamaanka, taas oo u horseedday in baarlamaanka uu demiyo tebintii tooska ahayd, weriyayaashii ku sugnaa goobta martida ee baarlamaankana waxaa laga codsaday inay ka baxaan goobta, markii dambena waxay dadweynaha ka warheleen in sharcigii la ansixiyay.<\/p>\n<p><strong>Baarlamaanka UK iyo warbaahinta<\/strong><\/p>\n<p>Aqalka baarlamaanka ee waddanka Ingiriiska ayaa leh waax u qaabilsan dhinaca warbaahinta, taasoo si toos ah hawada u marsiisa doodaha kala duwan ee golaha.<\/p>\n<p>Inkastoo sannadkii 1978-kii la billaabay in qaab cod ahaan ah loo sii daayo shirarka baarlamaanka, haddana muddo sannado badan ah ayey ku qaadatay in goluhu uu aqbalo fikradda ku saabsan in qaab muuqaal ah telefishin looga baahiyo kulamadiisa.<\/p>\n<p>Sannadkii 1988-kii ayuu baarlamaanka Ingiriiska ansixiyay in shacabka si toos ah loogu baahiyo kulamada ka dhaca gudaha aqalka.<\/p>\n<p>Hase yeeshee waxaa si toos ah loo billaabay 21-kii bishii Nofembar ee sannadkii 1989-kii, xilligaas wixii ka dambeeyayna warbaahinta madaxa bannaan waxay dhaqdhaqaaqyada baarlamaanka kala socon jireen halkaas.<\/p>\n<p>Sidoo kale waxaa la mid ah aqalka wakiillada Mareykanka ee Koongareeska, kaasoo hab muuqaal la xakameeyay ah u soo gudbiya kalfadhiyada iyo doodda dhex marta mudaneyaasha.<\/p>\n<p>Sannadkii 1970-kii ayey markii ugu horreysay guddi ka tirsan Koongareeska aqbaleen in kulamadooda muuqaal ahaan loo baahiyo.<\/p>\n<p><strong>Baarlamaanka Hindiya<\/strong><\/p>\n<p>Hindiya oo leh mid ka mid ah baarlamaannada ugu ballaaran caalamka ayaa sidoo kale sameysay telefishin gaar ah oo ay warbaahinta kale kala socdaan kulamada aqalka.<\/p>\n<p>Mucaaradka ayaa mararka qaar dowladda ku eedeeya inay damiso telefishinka sida toos ah loogala socdo doodda baarlamaanka, inkastoo xukuumaddu ay iska fogeyso eedeymahaas.<\/p>\n<p>Dhammaan dalalka nidaamkan isticmaala ayaa dastuurkooda ku daray qodob sharci ah oo warbaahinta ka mamnuucaya inay u gudbaan baarlamaanka gudihiisa, iyagoo taas baddalkeeda la soconaya telefishinka qaranka ama midka baarlamaanka khaaska u ah.<\/p>\n<p>Balse baarlamaanka Soomaaliya ayaa u muuqda inuu caqabad weyn wajahayo, iyadoo mararka ay kulamada xasaasiga ah ka dhacayaan ama ay doorashooyinka ku guda jiraan dhibaato kala kulma saxmadda ay saxaafadda ka abuurto gudaha aqalka.<\/p>\n<\/div>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/beco-sax-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-54513\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/beco-sax-1-300x215.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"215\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/beco-sax-1-300x215.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/beco-sax-1-768x550.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/beco-sax-1.jpg 866w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/syl-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-54517\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/syl-2.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-54516\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/som-tell-300x111.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/som-tell.jpg 850w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-54515\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/salaam-1-252x300.jpg\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/salaam-1.jpg 450w\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-54514\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/Xayeysii-Warsom-1.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-54511\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/Xayeysii-Warsom-1-300x91.png\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/Xayeysii-Warsom-1-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/Xayeysii-Warsom-1-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/Xayeysii-Warsom-1-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/Xayeysii-Warsom-1.png 1722w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-54510\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/taaj-300x38.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/taaj.jpg 468w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maalmo ka dib buuqii ka dhacay baarlamaanka Soomaaliya oo ku qotomay in warbaahinta gudaha loo oggolaado iyo in kale, ayaa waxaan qormadan ku eegeynaa xiriirka warbaahinta iyo qaar ka mid barlamaannada caalamka. Waxaa sii kordheysa saameynta dhibaatada baarlamaanka federaalka Soomaaliya uu kala kulmo warbaahinta xorta ah ee sida joogtada ah uga qeyb gasha kulamada aqalka. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":54923,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-55049","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/55049","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=55049"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/55049\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":55062,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/55049\/revisions\/55062"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/54923"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=55049"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=55049"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=55049"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}