{"id":5454,"date":"2012-04-07T13:35:07","date_gmt":"2012-04-07T13:35:07","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=5454"},"modified":"2012-04-07T13:37:46","modified_gmt":"2012-04-07T13:37:46","slug":"xiisad-dagaal-iyo-dhaqdhaqaaq-ciidan-oo-xoog-leh-ayaa-laga-dareemayaa-deegaano-ka-tirsan-gobolka-baay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2012\/04\/xiisad-dagaal-iyo-dhaqdhaqaaq-ciidan-oo-xoog-leh-ayaa-laga-dareemayaa-deegaano-ka-tirsan-gobolka-baay\/","title":{"rendered":"Xiisad Dagaal Iyo Dhaqdhaqaaq Ciidan Oo Laga Dareemayaa Deegaano Ka Tirsan Gobolka Baay."},"content":{"rendered":"<p><strong>Wararka Soomaaliyeed (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom<\/strong>)<\/p>\n<p>Ciidamada Dowlada TFG-da Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo isgarabsanaya ayaana ku wajahan qaar kamid ah degmooyinka ay Xarakada Al-shabaab ka arimiyaan ee gobolka Baay.<\/p>\n<p>Degmada <strong>Ufurow<\/strong> oo Baydhabo <strong>120km<\/strong> dhinaca Koonfurta kaga beegan ayaana ka mid ah degmooyinka ay xiisadda aadka u darani ka taagan tahay isalamarkaana ay dadka degen ay ka baqanayaan inay sii kororto xiisadaha haatan taagan.<\/p>\n<p>Qaar kamid ah qoysaskii Degmada Ufurow ku dhaqnaa ayaa bilaabay inay barakacaan kadib markii ay ciidamada huwanta ahi habeen nimadii xalay degmadaas gaareen iyagoo wata dubaadaha dagaalka.<\/p>\n<p>Waxaana jirta cabsi xooggan oo ay dadka rayidka ahi ka qabaan in lagu kor dagaalamo iyadoo degmada Ufurowna ay tahay degmadii 4-aad ee ka tirsan gobolka Baay ee ay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya tagaan.<\/p>\n<p>Arintan ayaa kusoo beegmeysa xilli shalay dagaal xoogan uu ka dhacay duleedka degmada <strong>Qansax dheere<\/strong>, dagaalkaas oo markii danbe keenay in ciidamada huwantu ay magaaladaas qabsadaan.<\/p>\n<p>Ciidamada dowladda TFG-da ah ee Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa mudo 45-maalmood gudahood ah qabsaday 4-degmo ee kamid ah 6-degmo ee uu gobolka Baay ka kooban yahay.<\/p>\n<p><strong>Wararka Soomaaliyeed (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom<\/strong>)<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wararka Soomaaliyeed (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom) Ciidamada Dowlada TFG-da Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo isgarabsanaya ayaana ku wajahan qaar kamid ah degmooyinka ay Xarakada Al-shabaab ka arimiyaan ee gobolka Baay. Degmada Ufurow oo Baydhabo 120km dhinaca Koonfurta kaga beegan ayaana ka mid ah degmooyinka ay xiisadda aadka u darani ka taagan tahay isalamarkaana ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[49],"class_list":["post-5454","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka","tag-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5454","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=5454"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5454\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":5458,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5454\/revisions\/5458"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=5454"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=5454"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=5454"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}