{"id":54394,"date":"2019-03-21T02:28:57","date_gmt":"2019-03-20T23:28:57","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=54394"},"modified":"2019-03-21T02:29:30","modified_gmt":"2019-03-20T23:29:30","slug":"dawladda-fedralka-soomaaliya-oo-walaac-ka-muujineysa-ciidamo-kasoo-baxaya-furimaha-dagaalka-iyo-deegaano-dawladdu-maamuleysey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2019\/03\/dawladda-fedralka-soomaaliya-oo-walaac-ka-muujineysa-ciidamo-kasoo-baxaya-furimaha-dagaalka-iyo-deegaano-dawladdu-maamuleysey\/","title":{"rendered":"Dawladda Fedralka Soomaaliya oo Walaac Ka Muujineysa Ciidamo Kasoo Baxaya Furimaha Dagaalka iyo Deegaano Dawladdu Maamuleysey."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/walaac-ciidamo.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-54395\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/walaac-ciidamo-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"863\" height=\"575\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/walaac-ciidamo-300x200.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/walaac-ciidamo.jpg 630w\" sizes=\"auto, (max-width: 863px) 100vw, 863px\" \/><\/a><\/p>\n<p align=\"justify\">Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa bilaabay in ay si is daba joog ah uga soo baxaan deegaannadii ay kaga sugnaayeen qeybo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya iyo Agaggii dagaalka ay isku hor fadhiyeen Al-shabaab, iyaga oo ka cabanaya mishaar la\u2019aan baahsan oo la soo daristay.<\/p>\n<p>Tallaabadii ugu danbeysay ciidamadu waxaa ay ku soo faarujiyeen deegaanno iyo degmooyin dhowr ah oo ka tirsan labada Shabeelle, qeybo ka mid ah deegaannada ay ka soo baxeen ciidamada waxaa la wareegay markiiba xoogagga Al-shabaab.<\/p>\n<p align=\"justify\">Arintan ayaa markiiba saameyn ku yeelatay madaxda ugu sareysa dalka oo bilaabay in ay wafdi Wasiirro iyo saraakiil isugu jira u diraan ciidamadan si wada xaajood loola furo looguna qanciyo in ay dib ugu laabtaan deegaannadii ay ka soo baxeen.<\/p>\n<p align=\"justify\">Degmada Balcad waxaa gaaray wafdi isugu jira Wasiirro iyo saraakiil ciidan oo la filayo in ay halkaa kula hadlaan ciidamadii isaga soo baxay aagagii ay uga sugnaayeen gobolka Shabeellaha dhexe.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u00a0<img decoding=\"async\" id=\"imageuploader1_Image1\" src=\"https:\/\/www.hiiraan.com\/images\/2019\/Mar\/2019320636886801609699077indhaqarshe-696x468.png\" alt=\"\" \/><\/p>\n<p align=\"justify\">Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jen Daahir Aadan Cilmi Idhaqarshe oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in la kordhiyo miisaaniyada ku baxda ciidamada xoogga dalka, si taasi loo hirgeliyana loo baahan yahay in la ogaado tirada saxda ah ee ciidamada.<\/p>\n<p align=\"justify\">Waxa uu tilmaamay in askari xanuunsan ama tababar iyo fasax ku maqan maahee askarta kale looga baahan yahay in ay xaadir ku ahaadaan goobta dawladda ay ku ogtahay, isaggoo xusay in khalad ay tahay in fasax la\u2019aan laga maqnaado tiro koobka ciidanka lagu wado.<\/p>\n<p align=\"justify\">Ciidamada gadoodka ka sameeyay gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegay in ay ka mid yihiin ciidamada u diiwaangashay Wasaarradda Gaashaandhigga islamarkaana aan helin xaquuqdii ay ku lahaayeen dowladda iyaga oo u muuqda in ay ka jawaabayeen hadalka ra\u2019iisal wasaaraha ee ahaa in Askari kasta oo diiwaangashay mishaarkiisa si toos ah loo siiyo.<\/p>\n<p align=\"justify\">Xildhibaanno iyagana arintan ka hadlay ayaa sheegay in madaxda Qaranku fashilmeen xaq siinta ciidamada, halka qaarkoodna ay ku baaqeen in ay xilka iska casilo ra\u2019iisal wasaare Xassan Cali Kheyre.<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/syl-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-53948\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/syl-1.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/taaj-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-53820\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/taaj-2-300x38.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/taaj-2-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/taaj-2.jpg 468w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/hormuud-logo-1.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-53819\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/hormuud-logo-1.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/som-tell-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-53818\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/som-tell-1-300x111.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/som-tell-1-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/som-tell-1-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/som-tell-1.jpg 850w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/salaam-1-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-53817\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/salaam-1-1-252x300.jpg\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/salaam-1-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/salaam-1-1.jpg 450w\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/beco-sax-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-53816\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/beco-sax-1-300x215.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"215\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/beco-sax-1-300x215.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/beco-sax-1-768x550.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/beco-sax-1.jpg 866w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/Xayeysii-Warsom-1.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-53815\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/Xayeysii-Warsom-1-300x91.png\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/Xayeysii-Warsom-1-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/Xayeysii-Warsom-1-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/Xayeysii-Warsom-1-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/Xayeysii-Warsom-1.png 1722w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa bilaabay in ay si is daba joog ah uga soo baxaan deegaannadii ay kaga sugnaayeen qeybo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya iyo Agaggii dagaalka ay isku hor fadhiyeen Al-shabaab, iyaga oo ka cabanaya mishaar la\u2019aan baahsan oo la soo daristay. Tallaabadii ugu danbeysay ciidamadu waxaa ay ku soo faarujiyeen deegaanno [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":54395,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-54394","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/54394","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=54394"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/54394\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":54397,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/54394\/revisions\/54397"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/54395"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=54394"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=54394"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=54394"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}