{"id":5435,"date":"2012-04-04T12:10:49","date_gmt":"2012-04-04T12:10:49","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=5435"},"modified":"2012-04-04T12:10:49","modified_gmt":"2012-04-04T12:10:49","slug":"xarakada-al-shabaab-oo-gacanta-ku-dhigay-degmada-ceel-berde-ee-gobolka-bakool","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2012\/04\/xarakada-al-shabaab-oo-gacanta-ku-dhigay-degmada-ceel-berde-ee-gobolka-bakool\/","title":{"rendered":"Xarakada Al-shabaab oo Gacanta Ku Dhigay Degmada Ceel-Berde Ee Gobolka Bakool"},"content":{"rendered":"<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Dagaal ayaa goor hore oo saaka ah ka dhacay degmada Ceel-Berde ee gobolka Bakool isla markaana aad ugu dhaw xadka aan la aqoonsanayn ee Soomaaliya la wadaagto Itoobiya<\/p>\n<p>Dagaalka oo u dhexeeyey ciidamada Dowlada TFG-daah iyo Xarakada Al-shabaab ayaa bilowday kadib markii xoogag ka tirsan Shabaabku ay magaaladaas soo weerareen.<\/p>\n<p>Iska hor imaadkaas oo ahaa mid xooggan islamarkaana socdey mudo saacad ka badan ayaa sababay in deegaankaas ay Shabaabku qabsadaan.<\/p>\n<p>Saraakiil ka tarsan Al-shabaab oo la hadlay qaar kamid ah warbaahinta afka ururkaas ku hadasha ayaa sheegay in xiligan Ceel-Berde ay iyagu gacanta ku hayaan.<\/p>\n<p>Dhinaca kale ma jiro wax war ah oo dagaalka saaka degmadaas ka dhacay ku aadan oo kasoo baxay Dowlada TFG-da ah ee Soomaaliya lamana oga ilaa iyo hadda khasaaraha kala gaarey dhinacyadii uu dhex maray.<\/p>\n<p>Qabsashada Al-shabaab ee degmada Ceel-Berde oo ay mudooyinkii u danbeeyey ciidamada Dowlada TFG_da Soomaaliya joogeen ayaa kusoo beegmeysa xilli dhowaan Al-shabaab laga soo saaray xarunta gobolka Bakool ee Xudur.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>&nbsp; Dagaal ayaa goor hore oo saaka ah ka dhacay degmada Ceel-Berde ee gobolka Bakool isla markaana aad ugu dhaw xadka aan la aqoonsanayn ee Soomaaliya la wadaagto Itoobiya Dagaalka oo u dhexeeyey ciidamada Dowlada TFG-daah iyo Xarakada Al-shabaab ayaa bilowday kadib markii xoogag ka tirsan Shabaabku ay magaaladaas soo weerareen. Iska hor imaadkaas oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[49],"class_list":["post-5435","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka","tag-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5435","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=5435"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5435\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":5439,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5435\/revisions\/5439"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=5435"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=5435"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=5435"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}