{"id":54062,"date":"2019-03-09T15:52:30","date_gmt":"2019-03-09T12:52:30","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=54062"},"modified":"2019-03-09T15:53:38","modified_gmt":"2019-03-09T12:53:38","slug":"madaxweynaha-uganda-oo-mar-kale-jeediyey-hadal-meel-ka-dhac-ku-ah-somaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2019\/03\/madaxweynaha-uganda-oo-mar-kale-jeediyey-hadal-meel-ka-dhac-ku-ah-somaliya\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Uganda Oo Mar Kale Jeediyey Hadal Meel Ka Dhac Ku Ah Somaliya."},"content":{"rendered":"<div class=\"td-post-header td-pb-padding-side\">\n<div class=\"entry-crumbs\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/Museveni-180x135.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-54058\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/Museveni-180x135.jpg\" alt=\"\" width=\"180\" height=\"135\" \/><\/a>Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni, ayaa mar kale jeediyay hadal meel ka dhac u ah Somaliya, kadib markii tusaaleyn xun uu u soo qaatay dalka Somaliya.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"td-post-content td-pb-padding-side\">\n<p>Warbaahinta dalka Uganda, gaar ahaan Baraha Bulshada ayaa lagu faafiyay askari u dhashay dalkaasi oo dhirbaaxaya Haweenay da\u2019ah oo Ugandees ah, waxaana arrintaasi ka hadlay Madaxweynaha dalkaasi Museveni.<\/p>\n<p>Isaga oo dhacdada askarigaasi uu ku dharbaaxay haweenaydaasi ka hadlaayay, ayaa Madaxweynaha Uganda wuxuu sheegay inay tahay arin wayn oo sharcidaro ah in Askari Ugandes oo dharbaaxo haweenay dalkaasi u dhalatay, wuxuuna sheegay askarta aanan dooneyn ku dhaqanka sharciga inay codsi soo qoraan si Somaliya loo geeyo, isaga oo tusaalaha u soo qaatay in Somaliya uusan ka jirin ku dhaqan sharci, ayna tahay goob loo soo diro askarta aan dishbiliinka laheyn.<\/p>\n<p>\u201cAskari in uu dumar dharbaaxo ama ku qayliyo qof reer Uganda ah waa wax aan laga aqbali karin, waana gafweyn oo Bulshadda ceeb ku ah, Askarta aan la heyn Asluubta wanaagsan oo aan bulshadda la dhaqmi karin, waxaan u direynaa Soomaaliya oo ah meesha dhaqan xumadda siddaan oo kale ah looga baahan yahay, Haddii aad careysan tahay waxaad i weydiisan kartaa dal ku galka Soomaaliya , Maxaa yeelay halkaasi ayaa looga baahan yahay Gardarada.\u201d Ayuu yiri Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni<\/p>\n<p>Waa markii labaad oo Madaxweynaha dalka Uganda oo Ciidankiisa ay joogaan Somaliya u soo qaata tusaaleyn xun dalka, iyadoo la wada xusuusto bil ka hor in Madaxweynaha Uganda Somaliya uu ku tilmaamay dal aan laheyn dowlad.<\/p>\n<p>Uganda waxaa Somaliya ka jooga Ciidanka ugu badan ee hoggaanka u haayo hawlgalka Midowga Afrika Amisom, Ciidankaasi oo ilaaliya xarumaha muhiimka ee dowladda, sidoo kalena deegaano ka baxsan Muqdisho kula dagaalama Al Shabaab<\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni, ayaa mar kale jeediyay hadal meel ka dhac u ah Somaliya, kadib markii tusaaleyn xun uu u soo qaatay dalka Somaliya. Warbaahinta dalka Uganda, gaar ahaan Baraha Bulshada ayaa lagu faafiyay askari u dhashay dalkaasi oo dhirbaaxaya Haweenay da\u2019ah oo Ugandees ah, waxaana arrintaasi ka hadlay Madaxweynaha dalkaasi Museveni. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":54058,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-54062","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/54062","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=54062"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/54062\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":54064,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/54062\/revisions\/54064"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/54058"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=54062"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=54062"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=54062"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}