{"id":53771,"date":"2019-02-25T21:21:27","date_gmt":"2019-02-25T18:21:27","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=53771"},"modified":"2019-02-25T21:31:50","modified_gmt":"2019-02-25T18:31:50","slug":"xisbiga-talada-haya-ee-somaliland-kulmiye-oo-golihiisa-dhaxe-shir-uga-furmey-hargeysa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2019\/02\/xisbiga-talada-haya-ee-somaliland-kulmiye-oo-golihiisa-dhaxe-shir-uga-furmey-hargeysa\/","title":{"rendered":"Xisbiga talada Somaliland Haya ee Kulmiye oo Golihiisa Dhaxe Shir Uga Furmey Hargeysa."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/shir-kulmiye.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-53772\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/shir-kulmiye-300x165.jpg\" alt=\"\" width=\"935\" height=\"514\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/shir-kulmiye-300x165.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/shir-kulmiye-768x422.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/shir-kulmiye.jpg 960w\" sizes=\"auto, (max-width: 935px) 100vw, 935px\" \/><\/a><\/p>\n<p align=\"justify\">Shirkii lixaad ee golaha dhexe ee xisbiga taladda haya ee KULMIYE ayaa maanta ka furmay magaaladda Boorama ee gobolka Awdal, waxaana iskugu yimid xubnaha golaha dhexe ee xisbiga oo ka kala yimid gobolada Somaliland iyo qurbaha.<\/p>\n<p>Shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ee ka furmay magaalada Boorama oo ay ka qayb-galeen madaxweynaha Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna guddoomiye-ku-xigeenka Afraad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), shir-guddoonka golaha wakiillada Somaliland, hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, wufuud caalami ah oo ka kala socota dalalka Turkiga, Jabuuti iyo Itoobiya, xubno ka socda axsaabta mucaaridka, ergooyin xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo ka kala yimi gobollada iyo degmooyinka dalka, salaadiin iyo marti-sharaf kale, waxana madasha laga jeediyey hadallo salka ku saabsan Dimuqraaddiyadda xisbiga KULMIYE iyo horumarka uu Somaliland gaadhsiiyey muddadii ay xilalka qaranka u kala dambeeyeen hoggaankiisu.<\/p>\n<p align=\"justify\">Xubno isugu jira siyaasiyiin, madax-dhaqameed iyo haldoor kale oo madasha ku sugnaa oo hadallo ka jeediyey shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa ammaanay Dimuqraaddiyada iyo furfurnaanta ka muuqata xisbiga KULMIYE, waxana ay hoggaankiisa ku ammaaneen sida ay u ilaalinayaan inaanay marnaba muddo-dhaafin shirarka xisbigu.<\/p>\n<p align=\"justify\">Guddoomiye-ku-xigeenka golaha dhexe, ahna ku-simaha guddoomiyaha, xildhibaan Jaamac Warfaa oo ugu horrayn madasha ka hadlay, ayaa si kooban u sharraxay guulihii uu gaadhay xisbiga KULMIYE iyo sida ay xisbi ahaan u ilaaliyaan inay shirarka xisbiga ee kala duwani ku qabsoomaan xilliyadooda.<\/p>\n<p align=\"justify\">Xuseen Idiris Guuleed oo kamid ah golaha fulinta ee xisbiga talada dalka Jabuuti haya ee RPP oo ugu horrayn madasha ka hadlay, ayaa hoosta ka xarriiqay in xisbiga KULMIYE mudan yahay in duruus dhinaca Dimuqraaddiyadda ah laga barto, isla markaana furfurnaanta iyo isu tanaasulka ka muuqdaa yahay wax ku cusub qaaradda Afrika.<\/p>\n<p align=\"justify\">Murrashaxii jagada madaxweyne-ku-xigeen ee xisbiga UCID, Mudane Axmed Cabdi Muuse (Abyan) oo kamid ahaa marti-sharaftii shirka lagu casuumay, ayaa dhinaciisa hoggaanka xisbiga KULMIYE ku bogaadiyey sida ay isugu xidhan yihiin xisbiga iyo xukuumaddu, taas oo uu ku tilmaamay inay fure u tahay horumarka xukuumadda.<\/p>\n<p align=\"justify\">Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar iyo Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo kamid ah madax-dhaqameedka gobolka Awdal, ayaa si isku mid ah u hambalyeeyey guulaha taariikhiga ah ee ay dalka gaadhsiiyeen xukuumadihii kala dambeeyey ee xisbiga KULMIYE kasoo baxay, waxana ay sheegeen inay madax-dhaqameed ahaan diyaar u yihiin la shaqaynta xukuumadda iyo xisbigaba.<\/p>\n<p align=\"justify\">Madaxweyne Biixi, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa ka jeediyey madasha shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa ugu horrayn u mahadnaqay shacabka ku dhaqan guud ahaanba gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorama, sida milgaha iyo maamuuska leh ee ay usoo dhaweeyeen ergooyinka kala duwan iyo marti-sharafta kala duwan ee gobolka ku sugan.<\/p>\n<p align=\"justify\">Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sharraxaad dheer ka bixiyey ujeeddada laga leeyahay shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, isaga oo sheegay inuu yahay mid lagula xisaabtamayo xukuumadda uu majaraha u hayo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, \u201cHalkan waxa uu maanta golaha dhexe u fadhiyaa inuu la xisaabtamo xilkii ay u dhiibeen ee ay ummadda u ballan qaadeen ee ay ku olaleeyeen ee aynnu buugga ku qornay ayaa lagu xukuumadda lagu xisaabin doonaa wixii ka qabsoomay iyo waxa ka dhiman, waxa kale oo golaha dhexe halkan kasoo jeedin doonaa wixii tusaale ah iyo wixii dhaliil ah sidii loo toosin lahaa iyo mustaqbalka sidii loosii wanaajin lahaa hawsha aynnu qabanno.\u201d<\/p>\n<p align=\"justify\">Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale hoosta ka xarriiqay in xukuumadda uu hoggaamiyaa wax badan ka qabatay ballamihii uu xisbiga KULMIYE bulshada la galay, waqtiyadii uu ololaha ku jirey, inta dhimanna ay xukuumad ahaan diyaar u yihiin sidii inta dhimanna loo dhammayn lahaa,\u201cXukuumad ahaan annaga oo ka duulayna tiirarkii ku jirey ballan-qaadyadii xisbiga KULMIYE, waxannu qorshaynay 43-mashruuc oo wax lagaga qabanayo toddobadii tiir ee uu xisbiga KULMIYE ballan qaaday, waxana aannu mudnaanta koowaad siinnay, tiirarka ay kamid yihiin Nabadgelyada iyo amniga, dhaqaalaha, waxannu xoogga saarnay midda ah kaabayaasha iyo horumarinta nolosha dadweynaha sida caafimaadka, waxbarashada, sidii dhallinyarada shaqo loogu heli iyo sidii dalka meelaha biyuhu ku yar yihiin sidii biyo loogu heli lahaa, qaar kalena wax baannu ka taataabannay, waxana aannu u kala qaadannay sida ay u kala mudan yihiin,\u201d ayuu yidhi madaxweyne madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.<\/p>\n<p align=\"justify\">Shirkan ayaa soconaya laba cisho, waxaana magaalada BOorama maalmihii u dambeeyey la ciirciiraysay dad faro badan oo kala yimid gobolada dalka, taas oo keentay in hoteeladii buuxsamaan, isla markaana qaarkood xaafada dadka shacabka ah lagu martigaliyey, taasina waxay kor u qaadaysa dhaqaalaha magaalada, waxaanu noqonaya shirkii ugu horeeyey ee xisbi ku qabsado magaaladda Boorama.<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-53563\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-53280\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/taaj-300x38.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/taaj.jpg 468w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/dahabshill.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-53281\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/dahabshill-300x45.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"45\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/dahabshill-300x45.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/dahabshill.jpg 468w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-53282\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/beco-sax.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-53283\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/beco-sax-300x215.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"215\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/beco-sax-300x215.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/beco-sax-768x550.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/beco-sax.jpg 866w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-53284\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/salaam-1-252x300.jpg\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/salaam-1.jpg 450w\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-53285\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/som-tell-300x111.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/som-tell.jpg 850w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-53286\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Shirkii lixaad ee golaha dhexe ee xisbiga taladda haya ee KULMIYE ayaa maanta ka furmay magaaladda Boorama ee gobolka Awdal, waxaana iskugu yimid xubnaha golaha dhexe ee xisbiga oo ka kala yimid gobolada Somaliland iyo qurbaha. Shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ee ka furmay magaalada Boorama oo ay ka qayb-galeen madaxweynaha Somaliland, ahna guddoomiyaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":53772,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-53771","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/53771","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=53771"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/53771\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":53774,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/53771\/revisions\/53774"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/53772"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=53771"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=53771"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=53771"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}