{"id":5341,"date":"2012-03-31T10:09:27","date_gmt":"2012-03-31T10:09:27","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=5341"},"modified":"2012-03-31T10:10:47","modified_gmt":"2012-03-31T10:10:47","slug":"5341","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2012\/03\/5341\/","title":{"rendered":"Ra\u2019iisul Wazaare Gaas  Oo Ka Qeybgalay Shirkii ICMG Lana Kulmay Lynn Pascoe"},"content":{"rendered":"<p><strong>Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)<\/strong><br \/>\nRa\u2019iisul Wasaaraha Soomaaliya oo jooga Nairobi ayaa 30kii Maarso ka qeybgalay shir aad iyo aad u mihiim ah oo ay soo qaban qaabiyeen Qaramada Midoobey oo lagu qiimeynayey waxqabadka iyo horumarka laga sameeyey Roadmap ka iyo soo afjaridda xilliga kala guurka ah.<br \/>\nShirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Lynn Pascoe oo ah ku xigeenka Xoghayaha Guud ee QM ee Arrimaha Siyaasadda iyo wafdi uu hoggaaminayey. Sidoo kale kulankan waxaa ka soo qeybgalay Alexander Rondos oo ah Ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika iyo diblomaasiyiinta beesha caalamka ku sugan Nairobi.<\/p>\n<p>Shirkan ayaa waxaa shir-guddoominayey Ra\u2019iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya.<br \/>\nUgu horreyntii waxaa kulanka khudbad ka jeediyey Ra\u2019iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali Gaas oo warbixin dheer ka siiyey ka soo qeybgalayaasha horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey dhaqangelinta Roadmapka oo uu sheegay in Soomaalidu ay ka go\u2019antahay soo afjaridda xilliga kala guurka ah,<br \/>\nSidoo Kale Gaas Ayaa Sheegay in 6dii September madaxda Soomaalida ay illaa iyo hadda si wadajir ah oo midnimo leh ay uga wada shaqeynayaan dhameystirka dhammaan qeybaha Roadmapka.<br \/>\nRa\u2019iisul Wasaarahu waxuu sheegay in qeybaha ugu muhiimsan Raodmapka oo ku xiran in xilliga kala guurka la soo afjaro ay yihiin qeybta labaad ee ka kooban dhameystirka dastuurka iyo dib-u-habeynta baarlamaanka oo uu sheegay inay labadooduba muhiim u yihiin sidii loo heli lahaa Dowlad rasmi ah oo ay Soomaaliya yeelato bisha August.<br \/>\nAmbassador Mahiga ayaa Ra\u2019iisul Wasaaraha uga mahadceliyey warbixinta tifatiran iyo sida ay Soomaalida uga go\u2019antahay soo afjaridda xilliga kala guurka ah.<br \/>\nMahiga ayaa ka codsaday beesha caalamka inay soo dedejiyaan dhaqaalihii lagu dhameystiri lahaa howlaha harsan oo ay ka mid yihiin soo xulida iyo isu keenista golaha ansixinta dastuurka iyo soo xulida xubnaha baarlamaanka cusub.<br \/>\nLynn Pascoe oo isna goobta ka hadlay gunaanadkii ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay sida uu shirka u dhacay iyo sida saraaxadda leh ee looga dooday arrimaha muhiimka ah.<\/p>\n<p><strong>Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom) Ra\u2019iisul Wasaaraha Soomaaliya oo jooga Nairobi ayaa 30kii Maarso ka qeybgalay shir aad iyo aad u mihiim ah oo ay soo qaban qaabiyeen Qaramada Midoobey oo lagu qiimeynayey waxqabadka iyo horumarka laga sameeyey Roadmap ka iyo soo afjaridda xilliga kala guurka ah. Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Lynn [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[49],"class_list":["post-5341","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka","tag-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5341","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=5341"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5341\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":5347,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5341\/revisions\/5347"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=5341"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=5341"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=5341"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}