{"id":5277,"date":"2012-03-20T16:51:10","date_gmt":"2012-03-20T16:51:10","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=5277"},"modified":"2012-03-20T16:51:10","modified_gmt":"2012-03-20T16:51:10","slug":"xarakada-al-shabaab-iyo-ahlu-sunna-oo-guulo-ka-kala-sheegtay-dagaalkii-dhuusomareeb","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2012\/03\/xarakada-al-shabaab-iyo-ahlu-sunna-oo-guulo-ka-kala-sheegtay-dagaalkii-dhuusomareeb\/","title":{"rendered":"Xarakada Al-shabaab Iyo Ahlu-sunna Oo Guulo Ka Kala Sheegtay Dagaalkii Dhuusomareeb"},"content":{"rendered":"<p><strong>Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)<\/strong><strong><\/strong><\/p>\n<p><strong>Al-shabaab iyo Ahlu-sunna ayaa guulo ka kala sheegtay dagaallo xoogan oo goor hore oo maanta ah ka dhacay degmada Dhuuso-mareeb ee gobolka Galguduud.<\/strong><\/p>\n<p>Afhayeenka ciidamada Al-shabaab ayaa sheegay in weerarkii ay saaka ku qabsadeen Dhuuso-mareeb ay ku dileen 15-katirsan ciidamada maamulka Ahlu-sunna.<\/p>\n<p>Wuxuuna intaas ku daray inay qabsadeen 6-gaari oo isugu jira sadex kuwa dagaalka ah iyo sadex gaari oo nooca rayidku isticmaalaan ah.<\/p>\n<p>Dhinaca kale afhayeenka maamulka Ahlu-sunna waljamaaca ayaa sheegay inay khasaaro xoogan soo gaarsiiyeen dhinacii soo weeraray ee Al-shabaab.<\/p>\n<p>Wuxuuna tilmaamay in ay magaalada Dhuuso-mareeb xoog uga saareen kana dileen dagaalyahano ay tiradoodu 40 kor u dhaafeyso.<\/p>\n<p>Dagaaladii saaka ka dhacay duleedka iyo gudaha magaalada Dhuuso-mareeb waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad rayid ah qaar badan oo kalena way ku barakaceen.<\/p>\n<p>Si kastaba ha ahaatee xaaladda degmada Dhuuso-mareeb oo ay saaka ciidamada Shabaabku qabsadeen mudo dhowr saac ahna haysteen ayaa xiligan ah mid xasiloon.<\/p>\n<p><strong>Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)<\/strong><strong><\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom) Al-shabaab iyo Ahlu-sunna ayaa guulo ka kala sheegtay dagaallo xoogan oo goor hore oo maanta ah ka dhacay degmada Dhuuso-mareeb ee gobolka Galguduud. Afhayeenka ciidamada Al-shabaab ayaa sheegay in weerarkii ay saaka ku qabsadeen Dhuuso-mareeb ay ku dileen 15-katirsan ciidamada maamulka Ahlu-sunna. Wuxuuna intaas ku daray inay qabsadeen 6-gaari [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[49],"class_list":["post-5277","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka","tag-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5277","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=5277"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5277\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":5283,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5277\/revisions\/5283"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=5277"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=5277"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=5277"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}