{"id":52423,"date":"2018-12-28T02:21:14","date_gmt":"2018-12-27T23:21:14","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=52423"},"modified":"2018-12-28T02:23:19","modified_gmt":"2018-12-27T23:23:19","slug":"wasiirkii-arrimaha-debedda-dalka-sucuudiga-caadil-al-zubeyr-oo-hoos-loo-dalacsiiyey-lagana-dhigey-wasiiru-dawle","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2018\/12\/wasiirkii-arrimaha-debedda-dalka-sucuudiga-caadil-al-zubeyr-oo-hoos-loo-dalacsiiyey-lagana-dhigey-wasiiru-dawle\/","title":{"rendered":"Wasiirkii Arrimaha Debedda Dalka Sucuudiga Caadil Al-zubeyr oo Hoos Loo Dalacsiiyey Lagana Dhigey Wasiiru-dawle."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/caadil-alZubeyr-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-52425\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/caadil-alZubeyr-1-300x169.jpg\" alt=\"\" width=\"905\" height=\"510\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/caadil-alZubeyr-1-300x169.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/caadil-alZubeyr-1.jpg 660w\" sizes=\"auto, (max-width: 905px) 100vw, 905px\" \/><\/a><\/p>\n<p align=\"justify\">Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdalla ayaa maanta isku shaandheyn uu ku sameeyay golihiisa wasiirrada waxaa xilkii looga baddalay mid ka mid ah xubnihii ugu caansanaa uguna awoodda badnaa xukuumadda.<\/p>\n<p align=\"justify\">Caadil Al Jubeyr oo ahaa wasiirkii arrimaha dibadda ee dowladda Sacuudiga ayaa hadda laga dhigay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, xilkaas oo ka hooseeya jagadiisii hore.<\/p>\n<p>Tallaabadan oo u muuqata mid ciqaab ah ayaa la rumeysanyahay iney salka ku heyso dilkii qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istambul loogu geystay wariye Jamaal Khaashuqji, oo ku caan baxay dhaleeceynta xukuumadda Riyaad.<\/p>\n<p align=\"justify\">Khaashuqji ayaa la dilay horaantii bishii Oktoobar, xilli uu xarunta qunsuliyadda ee ku taalla dalka Turkiga u tagay si uu uga helo warqado uu ku diyaarsanayay arooskiisa.<\/p>\n<p align=\"justify\">Go\u2019aanka maanta ka soo baxay boqorka Sucuudiga ayaa xilka wasiirka arrimaha dibadda loogu magacaabay Ibrahim al-Assaf, oo xafiiska ka baddali doona Caadil Al Jubeyr.<\/p>\n<p align=\"justify\">Dilkii wariye Khaashuqji ayaa toosh ku ifiyay hab dhaqanka dowladda islaamiga ah ee Sacuudiga, iyadoo horayna loo qaaday tallaabooyin ka dhan ahaa saraakiisha lagu tuhmay iney dilkaas ku lug yeesheen.<\/p>\n<p align=\"justify\">Maqaal uu Jamaal Khaashuqji ku qoray wargeyska Washington Post ee fadhigiisu uu yahay dalka Mareykanka ayuu si toos ah ugu dhaliilay dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga, oo lagu tilmaamo hogaamiyaha daaha gadaashiisa ka maamulaya dalkaas.<\/p>\n<p align=\"justify\">Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa markii ugu horreysay beenisay iney wax ka ogtahay dilka wariyaha, hase ahaatee waxay goor dambe qiratay iney falkaas geysteen saraakiil aan amar ku shaqeyneynin.<\/p>\n<p align=\"justify\">Riyaad ayaa ku adkeysatay in dilkaas aysan wax lug ah ku lahayn qoyska boqortooyada.<\/p>\n<p align=\"justify\">Caadil Al Jubeyr ayaa ahaa mas\u2019uul caan ah oo si joogto ah u shaacin jiray hadallada dowladda Sacuudiga ee ku aaddanaa dilkii Khaashuqji, isagoo mar xitaa warbaahinta reer galbeedka ku dhaliilay sida ay dhacdadaas u tabinayeen.<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/taaj-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-52104\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/taaj-2-300x38.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/taaj-2-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/taaj-2.jpg 468w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/dahabshill.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-52105\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/dahabshill-300x45.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"45\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/dahabshill-300x45.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/dahabshill.jpg 468w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-52106\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/caadil-alZubeyr.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-52424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/caadil-alZubeyr-300x169.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"169\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/caadil-alZubeyr-300x169.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/caadil-alZubeyr.jpg 660w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/beco-sax.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-52114\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/beco-sax-300x215.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"215\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/beco-sax-300x215.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/beco-sax-768x550.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/beco-sax.jpg 866w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-52107\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/salaam-1-252x300.jpg\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/salaam-1.jpg 450w\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-52108\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/som-tell-300x111.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/som-tell.jpg 850w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-52109\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdalla ayaa maanta isku shaandheyn uu ku sameeyay golihiisa wasiirrada waxaa xilkii looga baddalay mid ka mid ah xubnihii ugu caansanaa uguna awoodda badnaa xukuumadda. Caadil Al Jubeyr oo ahaa wasiirkii arrimaha dibadda ee dowladda Sacuudiga ayaa hadda laga dhigay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, xilkaas oo ka hooseeya jagadiisii hore. Tallaabadan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":52424,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-52423","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/52423","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=52423"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/52423\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":52427,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/52423\/revisions\/52427"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/52424"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=52423"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=52423"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=52423"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}