{"id":52270,"date":"2018-12-22T18:33:55","date_gmt":"2018-12-22T15:33:55","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=52270"},"modified":"2018-12-22T19:04:17","modified_gmt":"2018-12-22T16:04:17","slug":"isbedelada-ka-socda-geeska-africa-oo-ay-dood-ka-yeesheen-aqoonyahano-iyo-wax-garad-soomaaaliyeed","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2018\/12\/isbedelada-ka-socda-geeska-africa-oo-ay-dood-ka-yeesheen-aqoonyahano-iyo-wax-garad-soomaaaliyeed\/","title":{"rendered":"Isbedelada Ka Socda Geeska Africa oo ay Dood Ka Yeesheen Aqoonyahano iyo Wax Garad Soomaaaliyeed."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/dood.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-52274\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/dood-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"851\" height=\"567\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/dood-300x200.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/dood.jpg 630w\" sizes=\"auto, (max-width: 851px) 100vw, 851px\" \/><\/a><\/p>\n<p align=\"justify\">Dooddan oo ay kaqayb-galeen ilaa 100 qof oo isugu jira Barayaal wax ka dhiga Jaamacado kala duwan, Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo culimada diinta ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Xarunta Xayaat ee tababarada hoggaamineed iyo cilmibaarista ee magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>Aqoon yahanka kaqayb-galay doodda ayaa si weyn u lafaguray sababaha isbeddelka geeska Afrika, Waxtarka uu u leeyahay Soomaaliya iyo mashaakilka uga imankara Soomaaliya haddii aanay si wanaagsan u la falgelin, doood cilmiyeedkan ayaa xoogga lagu saaray sida ugu wanaagsan ee Ummadda Soomaaliyeed uga qaybqaadan karto islamarkaana uga faa\u2019iideysan karto isdhexgalka iyo wax wadaqaybsiga kabillowday geeska Afrika.<\/p>\n<p align=\"justify\">Mascuud Weheliye guddoomiyaha Xarunta Xayaat ee tababarada hoggaamineed iyo cilmibaarista oo furay dood-cilmiyeedka ayaa carrabaabay sida uu ugu faraxsan yahay in kaadir iyo aqoon yahan badan ay kasoo qaybgaleen dood cilmiyeedkan, islamarkaana ay soo bandhigaan wixii aragti iyo cilmibaaris ah ee ay kaqoreen isbedelka kadhacay geeska Afrika.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cNuxurka dooddu waa in ay qeexdo dabaylaha isbeddelka ee ka dhacaya geeska Afrika ummadda Soomalaiyeed faa\u2019iido miyaa ugu jirta mise dhibaato ayaa ugu jirta\u201d waxa aan Xayaat ayah dooneynaa in aan si cilmi ah aan u qeexno arrintaas.<\/p>\n<p align=\"justify\">Dr: Cabdirashiid Cabdi Ismaaciil oo ah bare sare oo cilmiga dhaqaalaha iyo siyaasadda kadhiga jaamacadda Helisinki ee dalka Finland ayaa dood cilmiyeedka ku billaabay cilmibaaris kooban oo kusaabsan sababta Isbeddelada iyo dabaysha geeska Afrika<\/p>\n<p align=\"justify\">Dr: Cabdirashiid ayaa yiri: \u201cSidii ay u timid aragtida la dagaalanka Argagixisada ee Mareykanka iyo xulafadiisa reer galbeedku ay horkacayeen kuna mashquuleen dagaalkaas waxaa dhacay in Raashiya iyo China ay koraan dhaqaale iyo horomar weyna ay sameeyaan, Turkiga iyo China maalgashi iyo xiriirballaaran ayay ka sameysteen Afriaka si gaar ah geeska Afrika, taasi waxa ay Mareykanka tustay in saameyntiisa geeska Afrika ay hoos u dheceyso ama ugu yaraan ay halisi ku wajahan tahay, sidaas awgeed waxa ay ahayd lama huraan in Isbeddelka Itoobiya dhaco kaddibna uu ku faafo geeska Afrika\u201d<\/p>\n<p align=\"justify\">Dr: Cabdirashiid ayaa yiri: Dareenka xagga Amniga ah iyo welwelka nabadgelyadu kuma koobna Soomaaliya ee waxa uu wada quseeya dhammaan waddamada iyo shucuubta geeska Afrika.<\/p>\n<p align=\"justify\">Dood-cilmiyeedka ayaa lafaguray Haysashada gobolka geeska Afrika (Regional super power) iyo sida ay dowladuhu ugu tartamayaan sidii ay u noqon lahaayeen awoodda iyo hormuud gobolka ee hoggaanka, Siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarka, aqoon yahanada kaqaybgalay dood-cilmiyeedka ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee Raisalwasaare Abiy Axmed ula heshiinayo Ereteriya, Soomaaliya iyo Jibuuti ay tahay in uu sameeyo isbadbaadin siyaasadeed (Political survivor) si uu u sameeyo in Itoobiya ugu yaraan ay sii ahaato hoggaanka gobolka.<\/p>\n<p align=\"justify\">Maxamed Axmed Maxamuud Sayid oo Bare Sharciga kadhiga Jaamacadda Ummadda ayaa sheegay in 6 arrimood ay sababi doonto in Soomaaliya aanay si wanaagsan uga faa\u2019iideysan isdhexgalka iyo waxwadaqabsiga geeska Afrika, sababahaas ayuu kusheegay<\/p>\n<p align=\"justify\">1. Maqnaanshaha waxyaabaha dowladda xoojiya sida sarreynta sharciga, Isxukunka wanaagsan iyo kusalaysnaanta Qabiilka<\/p>\n<p align=\"justify\">2. Musuqa oo si xooggan ugu jira Nolasha<\/p>\n<p align=\"justify\">3. Dagaalka aan kujirno ee ururada iyo kan dhexdeena<\/p>\n<p align=\"justify\">4. Bulshada ganacsiga ee sameysmay muddada ay dowlad la\u2019aanta ahayn<\/p>\n<p align=\"justify\">5. Waddamada dersika nala ah tusaale ahaan 1963 heshiiskii dhexmaray Itoobiya iyo Kenya waxa uu kusaabsanaa in isbaheysi ay yeeshaan Itoobiya iyo Kenya, heshiiskaas waxaa kujiray in Itoobiya iyo Kenya ay yeeshaan isdhexgal dhaqaale iyo mid dadeedba halka ay qorsheeyeen in Soomaaliya ay noqo<\/p>\n<p align=\"justify\">6. Iyo Waddamada reergalbeedka oo taageerada ay siinayaan Soomaalida ay tahay mid ku kooban meel ciriiri ah.<\/p>\n<p align=\"justify\">Maxamed Axmed Maxamuud Sayid ayaa yiri: \u201cAbiy Axmed iyo Xayle Maryan Deselin (Haile Meriam Desaline) Waxa ay shaaciyeen in Bangiga dhexe ee Itoobiya uu xubeero yahay oo aan wax lacag ah kujirin sidaas awgeed Waddamo reer Galbeed ah oo Mareykanku u horreeyo ayaa Imaaraadka u diray farriin ah in ay 3 Bilyan oo lacag ah ay siiso Bangiga dhexe ee Itoobiya si loo badbaadiyo looguna sameeyo horumarin, ujeedku waxa uu ahaa in lacagta iyo dhaqaalaha oo Itoobiya oo hoos u socday laga badbaadiyo dhibkaas dhaqaale<br \/>\nHaddii uu dhaco isdhexgal sax ah (true integration) Soomaalidu waxa ay ka gelayaan meesha ugu sarreysa\u201d<\/p>\n<p align=\"justify\">Xidlhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo kamid ah golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kaqaybgalay doodda ayaa yiri:<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cLabada walxood ee saldhigga u ah ilbaxnimada iyo noloshu meesha aan Soomaali ahaan adduunka uga naal ayay yaallaan<\/p>\n<p align=\"justify\">Mid waa Xiriir (Communication) midna waa Dhaqdhaqaaq (Mobility) dabaylaha kadhaca badweynta India oo aan qayb ka nahay waxa ay fududeeyeen isdhexgalka iyo ilbaxnimada, waxa aad ogtihiin kaalinta aan ku leenahay Soomaali ahaan Indian Ocean<\/p>\n<p align=\"justify\">Isbeddelka kadhacay Itoobiya kuma imaan xoog iyo dagaal ee waxa uu kuyimid maamulkii Tigreega oo ahaa qowmiyad laga tirada badan yahay oo dadkiisii gacan bir ah ku qabtay si adagna u maamulay oo meesha kabaxay, isbeddelkaas waxa uu ahaa lagama maarmaan<\/p>\n<p align=\"justify\">Madaxaweynaha Eretria ayaa igu yiri waadnaan is ogeyn ee haddii aad u maleysaan in aad Afrika Seynta uga taallaan waxa aad u tihiin Afrika horyaal. Itoobiyana idinka ayay idin dabakacdaa ee ma ogidin:<\/p>\n<p align=\"justify\">1969kii ayaad kacdoon milateri sameyseen, Itoobiya oo caabudu jirtay Xayle salaase ayay rideen, waxa aad qaadateen Hantiwadaagga cilmiga kudhisan iyaga oo Mareykan la haysta ayay kategeen oo Midowgii Sofiyeeti, 1991 inqilaab nidaamkii ayaad riddeen iyaguna 3 bil kaddib ayay rideen, 20 sano waxaa haystay maamul tigree la yiraahdo oo ah kuwa laga badan yahay\u201d<\/p>\n<p align=\"justify\">Dr Maxamed Xaaji oo kamid ah aqoon yahankii kaqaybgalay doodda ayaa sheegay in Soomaalidu haysato dhowr fursadood oo ay isbeddelka kadhacay geeska Afrika kuwajihi karaan, waxaa uu sheegay in fursadahaas ay mid walba leedaha halisteeda, waxa uu yiri:<\/p>\n<p align=\"justify\">1. Isdaadraacin oo u baahan xirfad iyo waaya-aragnimo si aan uga badbaadno<\/p>\n<p align=\"justify\">2. Ka hortegid oo aan maanta suuragal ahayn, sababtuna waa in aanay jirin awood dhaqaale iyo mid dadeed oo nagu caawin karta arrintaas<\/p>\n<p align=\"justify\">3. Kafaa\u2019iideysi oo ah tan ugu fiican uguna waxtarka badan, sida aan uga faa\u2019iideysaneyno waxa ay u baahan tahay hay\u2019ado dowladood oo dhisan xoog leh yaqaanana meesha ay u socdaan.<\/p>\n<p align=\"justify\">4. Muquurasho oo iyaduna u baahan xirfad weyn oo ka xooggan kana badan tan isdaadraacinta.<\/p>\n<p align=\"justify\"><strong>Dhismaha Hay\u2019adaha dowladda<\/strong><\/p>\n<p align=\"justify\">Aqoon yahankii kaqaybgalay doodcilmiyeedka ayaa muujiyey yididiilo iyo Quus isdabayaal oo ay yididiiladu kabadan tahay quusta, waxa ay sheegeen in kaddib 18 sano oo ay socotay shaqada dib u dhiska dowladda Soomaaliyeed ay hay\u2019adaha dowladdu maanta leeyihiin yididiilo fiican oo ay kumaareyn karaan isbeddelka geeska Afrika, sidaas awgeed waxa ay kutaliyeen in awood iyo xoog badan la geliyo dhismaha iyo xoojinta hay\u2019adaha dowladda.<\/p>\n<p align=\"justify\"><strong>Natiijada ka soo baxday dood-cilmiyeedka<\/strong><\/p>\n<p align=\"justify\">Kaddib muddo 4 saac ah oo dooddan cilmibaaristu socotay waxa ay aqoon yahanku islagarteen in ay muhiim tahay tixgelinta qodobadan:-<\/p>\n<p align=\"justify\">1. Aqoonyahanka kaqaybgalay doodcilmiyeedku Waxa ay hoosta ka xariiqeen ayna welwel kamuujiyeen in Isbedelka geeska Afrika uu saameyn xun kuyeelan karo guud ahaan mustaqbalka iyo Jiilka dambe ee Soomaaliyeed haddii aan si wanaagsan oo wax ku ool ah looga faa\u2019iideysan islamarkaana dowladda Soomaaliyeed aysan ula dhaqmin isbedelka si feejigan.<\/p>\n<p align=\"justify\">2. Aqoon yahanka kaqaybgalay doodcilmiyeedku waxa ay si weyn u muujiyeen in dowlad ahaan iyo Ummad ahaan aanay dadka Soomaaliyeed maanta u diyaarsanayn in ay isdhexgal la sameystaan dowladaga gobolka geeska Afrika balse ay la sameysan karaan Iskaashi iyo waxwadaqabsi<\/p>\n<p align=\"justify\">3. Si looga faa\u2019iideysto isbedelada Geeska Afrika waa in la xoojiyo xarumaha cilmibaarista islamarkaana dhammaan go\u2019aanada iyo tallaabooyinka ay qaadeyso dowladdu eek u aaddan isbeddelada geeska Afrika agu saleeyo cilmibaaris iyo xaqiiqo<\/p>\n<p align=\"justify\">4. Xoojinta iyo dhisidda hay\u2019adaha dowladda Soomaaliyeed si ay awood ugu yeeshaan la dhaqanka iyo lafalgalka isbedelka geeska Afrirka.<\/p>\n<p align=\"justify\">5. In cilmibaaris rasmi ah laga sameeyo dhammaan Isbeddelka geeska Afrika iyada oo la eegayo dhinacyada saameynta fiican iyo tan xun ee Isbeddelkani ku yeelan karo Soomaaliya.<\/p>\n<p align=\"justify\">6. Xoojinta wadajirka iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/taaj-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-52104\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/taaj-2-300x38.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/taaj-2-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/taaj-2.jpg 468w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/dahabshill.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-52105\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/dahabshill-300x45.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"45\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/dahabshill-300x45.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/dahabshill.jpg 468w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-52106\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/beco-sax.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-52114\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/beco-sax-300x215.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"215\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/beco-sax-300x215.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/beco-sax-768x550.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/beco-sax.jpg 866w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-52107\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/salaam-1-252x300.jpg\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/salaam-1.jpg 450w\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-52108\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/som-tell-300x111.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/som-tell.jpg 850w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-52109\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dooddan oo ay kaqayb-galeen ilaa 100 qof oo isugu jira Barayaal wax ka dhiga Jaamacado kala duwan, Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo culimada diinta ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Xarunta Xayaat ee tababarada hoggaamineed iyo cilmibaarista ee magaalada Muqdisho. Aqoon yahanka kaqayb-galay doodda ayaa si weyn u lafaguray sababaha isbeddelka geeska Afrika, Waxtarka uu u leeyahay Soomaaliya [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":52274,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-52270","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/52270","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=52270"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/52270\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":52275,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/52270\/revisions\/52275"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/52274"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=52270"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=52270"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=52270"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}