{"id":52165,"date":"2018-12-17T23:38:20","date_gmt":"2018-12-17T20:38:20","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=52165"},"modified":"2018-12-17T23:38:46","modified_gmt":"2018-12-17T20:38:46","slug":"xukuumadda-somaliland-iyo-xisbiyada-mucaaradka-ah-oo-qodobo-ay-ku-heshiiyeen-soo-wada-saarey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2018\/12\/xukuumadda-somaliland-iyo-xisbiyada-mucaaradka-ah-oo-qodobo-ay-ku-heshiiyeen-soo-wada-saarey\/","title":{"rendered":"Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiyada Mucaaradka ah oo Qodobo ay Ku Heshiiyeen Soo Wada Saarey."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/mucarad-slnd.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-52166\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/mucarad-slnd-300x176.jpg\" alt=\"\" width=\"840\" height=\"493\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/mucarad-slnd-300x176.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/mucarad-slnd.jpg 660w\" sizes=\"auto, (max-width: 840px) 100vw, 840px\" \/><\/a><\/p>\n<p align=\"justify\">Xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ayaa xalay isku afgartay wakhtiga doorashooyinka golaha Wakiilada iyo Deegaanku dhici doonaan oo wakhtigii hore loo qorsheeyey dib u dhac ku yimid.<\/p>\n<p>Madaxweyne Muuse Biixi oo uu wehelinayo madaxweyne ku xigeenkiisa C\/raxmaan Saylici ayaa xalay kulan la qaatay hoggaanka axsaabta qaranka, madaxweyne ku xigeenadii hore, siyaasiyiin iyo madaxda ururrada bulshada rayidka ah.<\/p>\n<p align=\"justify\">Kulankan uu madaxweynuhu isugu yeedhay axsaabta qaranka, madaxweyne ku xigeenadii hore iyo ururrada Bulshada rayidka ah, ayaa ujeedadiisu ahayd sidii wada-jir loogu wajahi lahaa arrimaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, waxana ay hoggaanka axsaabta qaranku muujiyeen muhiimadda ay leedahay qabsoomidda doorashooyinku si loo xaqiijiyo geeddi-socodka Dimuqaariyadda Somaliland iyo in meesha laga saaro caqabadaha hortaagan qabsoomidda doorashooyinkaas, isla markaana lagu diyaarin lahaa jawi ay doorashooyinku ku qabsoomi karaan.<\/p>\n<p align=\"justify\">Ugu dambayntii waxa ay hoggaanka saddexda xisbi ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI wada jir u go\u2019aamiyeen qodobbadan hoos ku qoran:<\/p>\n<p align=\"justify\">1. In doorashada goleyaasha wakiillada iyo deegaanku ku qabsoonto dhammaadka sannadka 2019-ka.<\/p>\n<p align=\"justify\">2. In si wada-jir ah ay uga wada-hawl galaan xallinta iyo dhammaystirka wax kasta oo ku xidhan qabsoomidda doorashada.<\/p>\n<p align=\"justify\">3. In si niyadsami ah loo sii wado wada-tashiga iyo wada-hadallada saddexda guddi ee xisbiyada qaranka.<\/p>\n<p align=\"justify\">4. In wixii caqabad ah ee soo kordha laga wada-tashado.<\/p>\n<p align=\"justify\">Is afgaradkan ay iskugu yimaadeen xisbiyada mucaaradka ah iyo xukuumadda waxa ka dambeeyey guddi isku xil saartay xalinta khilaafaadka ay sababeen dib u dhaca ku yimid doorashooyinkii la filayey, waxaana guddidaasi hor kacayey madaxweyne ku xigeenadii hore ee Somaliland soo maray oo maalmihii u dambeeyey iskaga dab qaadayey madaxda xisbiyada iyo madaxweynaha.<\/p>\n<p align=\"justify\">Xisbiyda mucaaradka ayaa ka walaacsanaa in dib u dhacaasi doorashadda ay keento in muddo laba sanno ah la kordhiyo maadaama oo looga bartay Somaliland hadii doorashadu dib u dhacdo ugu yaraan laba sanno loo kordhiyo goleyaasha jira, haseyeeshee inta aanay golaha Guurtidu kordhin ayaa la isku afgartay inay doorashaddu qabsoonto dhamaadka sanadka 2019-ka, halka markii hore ka dhici lahayd doorashaddu bisha March,2019-ka oo billo kooban uun dib u dhacaysa.<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/taaj-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-52104\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/taaj-2-300x38.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/taaj-2-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/taaj-2.jpg 468w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/dahabshill.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-52105\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/dahabshill-300x45.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"45\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/dahabshill-300x45.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/dahabshill.jpg 468w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-52106\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-52107\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/salaam-1-252x300.jpg\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/salaam-1.jpg 450w\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/beco-sax.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-52114\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/beco-sax-300x215.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"215\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/beco-sax-300x215.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/beco-sax-768x550.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/beco-sax.jpg 866w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-52108\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/som-tell-300x111.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/som-tell.jpg 850w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-52109\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ayaa xalay isku afgartay wakhtiga doorashooyinka golaha Wakiilada iyo Deegaanku dhici doonaan oo wakhtigii hore loo qorsheeyey dib u dhac ku yimid. Madaxweyne Muuse Biixi oo uu wehelinayo madaxweyne ku xigeenkiisa C\/raxmaan Saylici ayaa xalay kulan la qaatay hoggaanka axsaabta qaranka, madaxweyne ku xigeenadii hore, siyaasiyiin iyo madaxda ururrada bulshada rayidka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":52166,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-52165","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/52165","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=52165"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/52165\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":52168,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/52165\/revisions\/52168"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/52166"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=52165"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=52165"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=52165"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}