{"id":51960,"date":"2018-12-07T20:58:25","date_gmt":"2018-12-07T17:58:25","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=51960"},"modified":"2018-12-07T20:59:15","modified_gmt":"2018-12-07T17:59:15","slug":"dalka-jabuuti-oo-cutubyo-ciidamada-booliska-kamid-ah-tababar-ugu-soo-xirmey-iyo-waxa-uu-la-xiriiray-tababarkoodu","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2018\/12\/dalka-jabuuti-oo-cutubyo-ciidamada-booliska-kamid-ah-tababar-ugu-soo-xirmey-iyo-waxa-uu-la-xiriiray-tababarkoodu\/","title":{"rendered":"Dalka Jabuuti oo Cutubyo Ciidamada Booliska Kamid ah Tababar Ugu Soo Xirmey iyo waxa uu la Xiriiray Tababarkoodu."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/bolis-somalia.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-51961\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/bolis-somalia-300x199.jpg\" alt=\"\" width=\"897\" height=\"595\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/bolis-somalia-300x199.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/bolis-somalia-768x510.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/bolis-somalia.jpg 960w\" sizes=\"auto, (max-width: 897px) 100vw, 897px\" \/><\/a><\/p>\n<p align=\"justify\">Taliyaha ciidamada Boliiska Soomaaliyeed,Sarreeye Gaas, Bashiir Cabdi Maxamed, oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa tababar ugu soo xiray halkaasi Cutubyo ka tirsan Boliiska Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Tababarkan oo soconayay muddo Saddex Bil ah, ayeey ciidanku ku qaadanayeen dugsiga tababarka Booliska dalka Jabuuti ee Idiris Faarax Habane,iyagoo baranayay casharro ay ka mid ahaayeen, sugidda amniga, baarista fal dembiyeedyada iyo ka hortagga rabshadaha.<\/p>\n<p align=\"justify\">Xafladdii lagu soo xirayay tababarka ayaa waxaa ka qayb galay, Wasiirka arrimaha gudaha ee Dalka Jabuuti ,Wasiiru Dowladaha wasaaradda ganacsiga Soomaaliya, Taliyaha Ciidamada difaaca ee Dalka Jabuuti Gen, Sakariye Sheekh Ibraahim, Taliyaha ciidanka Booliska dalka Jabuuti , Col,Cabdillahi Cabdi Faarax, iyo Mas\u2019uuliyiin kale.<\/p>\n<p align=\"justify\">Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya, S\/gaas Bashiir Cabdi Maxamed ,ayaa ammaan ballaaran u jeediyay Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti Col, Cabdillaahi Cabdi Farax , Taliyaha ciidamada difaaca Jabuuti iyo madaxda Dalkaasi. Isagoo ugu mahad celiyay doorka Walaaltinimada leh ee ay ka qaateen soo celinta tayada Ciidanka Soomaaliyeed iyo soo kabashada Qarannimada.<\/p>\n<p align=\"justify\">Wuxuu sidoo kale amaan u jeediyey Taliyuhu, Ciidamada Booliska Somaliyeed ee tababarka ku qaatay Jabuuti, isagoo kula dardaarmay inay si xilkasnimo leh u gutaan waajibaadkooda Qaran ee ka saaran Dalkooda iyo Dadkooda.<\/p>\n<p align=\"justify\">Taliyaha ciidamada dalka Jabuuti, ayaa isaguna bogaadin u jeediyey Ciidanka tababarka dhamaystay iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S\/gaaas ,Bashiir Cabdi Maxamed , dedaalka iyo hiigsiga uu ku doonayo inuu Booliska Soomaaliyeed gaaro meel sare.<\/p>\n<p align=\"justify\">Dowladda Jabuuti ee aan Walaalaha nahay ayaa door lama illaawaan ah kaga jirta tababarrada iyo dib usoo kabashada Ciidamada Soomaaliya, iyadoo sidoo kale kaalin fir-fircoon ka qaadata xoojinta Qaranka Soomaaliyeed iyo dhismaha hay\u2019adahiisa Dowliga ah.<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/dahabshill-3-e1543852558659.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-51661\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/dahabshill-3-300x45.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"45\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/Xayeysii-Warsom-2.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-51662\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/Xayeysii-Warsom-2-300x91.png\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/Xayeysii-Warsom-2-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/Xayeysii-Warsom-2-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/Xayeysii-Warsom-2-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/Xayeysii-Warsom-2.png 1722w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/beco-sax-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-51669\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/beco-sax-1-300x215.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"215\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/beco-sax-1-300x215.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/beco-sax-1-768x550.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/beco-sax-1.jpg 866w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/salaam-1-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-51663\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/salaam-1-1-252x300.jpg\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/salaam-1-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/salaam-1-1.jpg 450w\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/som-tell-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-51664\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/som-tell-1-300x111.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/som-tell-1-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/som-tell-1-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/som-tell-1.jpg 850w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/hormuud-logo-1.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-51665\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/hormuud-logo-1.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/taaj-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-51948\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/taaj-1-300x38.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/taaj-1-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/taaj-1.jpg 468w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Taliyaha ciidamada Boliiska Soomaaliyeed,Sarreeye Gaas, Bashiir Cabdi Maxamed, oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa tababar ugu soo xiray halkaasi Cutubyo ka tirsan Boliiska Soomaaliyeed. Tababarkan oo soconayay muddo Saddex Bil ah, ayeey ciidanku ku qaadanayeen dugsiga tababarka Booliska dalka Jabuuti ee Idiris Faarax Habane,iyagoo baranayay casharro ay ka mid ahaayeen, sugidda amniga, baarista [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":51961,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-51960","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/51960","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=51960"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/51960\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":51963,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/51960\/revisions\/51963"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/51961"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=51960"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=51960"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=51960"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}