{"id":51047,"date":"2018-11-06T21:39:55","date_gmt":"2018-11-06T18:39:55","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=51047"},"modified":"2018-11-06T22:07:56","modified_gmt":"2018-11-06T19:07:56","slug":"doorashooyinka-puntland-iyo-k-galbeed-oo-madasha-talo-wadaag-war-iyo-talo-kasoo-saartey-kulan-muqdisho-ka-dhacey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2018\/11\/doorashooyinka-puntland-iyo-k-galbeed-oo-madasha-talo-wadaag-war-iyo-talo-kasoo-saartey-kulan-muqdisho-ka-dhacey\/","title":{"rendered":"Doorashooyinka Puntland iyo K\/galbeed oo Madasha Talo Wadaag War iyo Talo Kasoo Saartey Kulan Muqdisho ka Dhacey."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/talo.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft wp-image-51054\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/talo.jpg\" alt=\"\" width=\"971\" height=\"519\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/talo.jpg 640w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/talo-300x160.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 971px) 100vw, 971px\" \/><\/a><\/p>\n<p align=\"justify\">Iyadoo uu soo ifbaxay khilaaf xoog leh oo ka dhashay doorashada maamulka Koonfur Galbeed, dhinaca kalana maamul Puntland uu isku diyaarinayo doorasho madaxwyne, ayaa arrimahan war ka soo saaray madasha Talo-Wadaag oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin horay xilal uga soo qabtay dalka.<\/p>\n<p>\u00a0\u00a0War-murtiyeedka ayaa u dhignaa sidan :<\/p>\n<p align=\"justify\"><strong><u>WARMURTIYEEDKA<\/u><\/strong><\/p>\n<p align=\"justify\"><strong><u>Dood Qaran II:\u00a0<\/u><\/strong>Doorashooyinka Dowalad Goboleedyada iyo Saameynta Siyaasadda Soomaaliya (Koofur Galbeed iyo Puntland)<\/p>\n<p align=\"justify\"><strong>(Muqdisho: 05-11-2018)<\/strong>\u00a0Madasha Talo-Wadaag ayaa doodii qaran ee labaad oo ku saabsan \u201c<strong>Doorashooyinka Dowalad Goboleedyada iyo Saameynta Siyaasadda Soomaaliya (Koofur Galbeed iyo Puntland)\u201d,<\/strong>\u00a0ku qabatay\u00a0<strong>Paradise Hotel<\/strong>\u00a0ee\u00a0<strong>Magaalada Muqdisho<\/strong>.<\/p>\n<p align=\"justify\">Dooda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Xildhibaano Fedaraal, Golayaasha Maamul Goboleedyada, Gudoomiyaal Xisbiyo, Siyaasiyiin aan xil hayn,\u00a0 Dhaqan,\u00a0 Culimaa-u-diin], Haween, Dhalinyaro, Ganacsato, Jaamacado iyo Xarumo Cilmi baaris.<\/p>\n<p align=\"justify\">Ugu horeeyn waxaa laga soo jeediyay dooda laba warqad Cilmi baaris oo ay soo kala jeediyeen Dr. Saadaq Eenoow oo ahaa Wasiirkii hore ee Caafimaadka Puntland iyo C\/qaadir Nuur Caraale oo ahaa Wasiirkii hore ee Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Koofur Galbeed. Iyaga oo si khibrad iyo waaya aragnimo leh oo cilmiyeeysan usoo jeediyey taariikhda doorashooyinkii hore ee ka dhacay labadaas Maamul Goboleed iyo mursharixiinta u taagan isbadal doonka oo raba in ay xilka hantaan meelna uga soo wada jeestaan madaxweynayaasha xilka haya ee tartamaya. Iyaga oo diirada saaray doorashooyinka Madaxweyne ee nagu soo fool leh 17 November 2018 \u00a0ee Koofur Galbeed iyo 8 Janaayo 2019 ee Puntland, Shuruudaha laga rabo madaxweynayaasha, magacyada tartamayaasha, iyo miisaanka ay ku leeyihiin xildhibaanada. Warqadaha cilmiga ayaa tilmaamay in doorashooyinka dhacaya ay ka xiiso badan yihiin kuwii horay u dhacay, saameyn lixaad leh oo togan ama taban ay ku yeelan doonaan siyaasadda mustaqbalka soomaaliya iyo doorashooyinka 2020\/2021.<\/p>\n<p align=\"justify\">Kasoo qeyb galayaasha ayaa dood iyo falanqeyn dheer ka dib diirada\u00a0 saaray\u00a0 muhimadda ay leedahay in doorashooyin ka dhacaan Dowlad Goboleedyada dalka taas oo horumar u ah in xildhibaanada oo wakiil ka ah shacabka ay\u00a0 doortaan, iyadoo farta lagu fiiqay fursadaha badan ee ku jira doorashooyinka oo ay ugu horeyso suurtagalnimada isbadal horseedi kara in laga gudbo mad-madowga iyo khilaafka ka dhex jira dowladda Federaalka iyo Dowladd Goboleedyada qaarkood gaar ahaan Koofur Galbeed iyo Puntland.<\/p>\n<p align=\"justify\">Dhanka kale waxaa la muujiyay in tirade musharixiinta ay korortay taasoo muujineysa muhimada Dowlad goboleedy-du ku sii yeelanayaan siyaasadda soomaaliya oo sii kordhaysa, adeegyada iyo matalaaduna ay gaarayso dhamaan shacabka Soomaaliyeed. Waxaa laga dhawaajiyay muhimadda ay leedahay in doorashooyinka la daadajiyo ilaa heer tuulo oo is doorashada iyo mataalaadu aysan\u00a0 noqon uun xildhibaanada iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada, oo dalka laga hirgeliyo doorasho Dowlad Deegaaneed (City councils).<\/p>\n<p align=\"justify\">Gunaanadkii ka qeyb galayaasha Dooda Qaran ee labaad ee \u201cDoorashooyinka Dowlad-Gobaleedyada iyo Saameynta Siyaasada Dalka\u201d waxaa ka soo baxay talooyin iyo Baaq.<\/p>\n<p align=\"justify\"><strong>Talooyinka :<\/strong><\/p>\n<div align=\"justify\">\n<ul>\n<li>In la dhiirgeliyo doorashooyinka ka dhici doona Dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed iyo Puntland, lagana wada shaqeeyo in ay u dhacaan si xor iyo xalaaal ah.<\/li>\n<li>In Bulshada Rayidka, Xisbiyada Siyaasadeed ee diiwaan gashan in ay ka noqdaan korjoogayaal doorashooyinka Gobalada.<\/li>\n<li>In Gudiga Doorashooyinka Qaran ka ciyaaran dowr weyn si loogu guuleysto habsami u socodka doorashooyinka, tababar iyo caawin siiyaan Gudiyada Barlamaanka ee daadihin doono doorashooyinka, mustaqablakana Gudiga Doorashooyinka Qaranku ay qabtaan doorashooyinka si ay u noqdaan guddi u dhaxeeya dhamaan Murshaxiinta.<\/li>\n<li>In faragelin shisheeye iyo mid togan laga dhowro doorashooyinka Dowlad Goboleedyada ee ka bilawday dalka.<\/li>\n<li>In Wasaaradda arrihama Guduhu ka qaadato waajibka ka saaran ilaalinta iyo fududeynta qabsoomida Doorashooyinka Dowlad Gobaleedyada.<\/li>\n<li>In faragelinta Dowaladda Federaalka loo arko mid fayoow oo ah waajib dustuuri ah si loo hormariyo dimuquraadiyada iyo wadajirka loona ilaaliyo midnimada dalka.<\/li>\n<\/ul>\n<\/div>\n<p align=\"justify\"><strong>Baaq\u00a0<\/strong><strong>\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0<\/strong><\/p>\n<div align=\"justify\">\n<ul>\n<li>In dhammaan murshaxiinta ay danta guud ka hormariyaan dantooda gaarka ah, kana shaqeeyaan sidii doorashada ay u noqon laheyd mid xor iyo xalaal ah, aqabalaana naatiijada doorashada.<\/li>\n<li>In Shacabka Koofur Galbeed iyo Puntland ay ka shaqeeyaan sidii ay doorashada madaxweynayaasha u noqon laheyd mid u horseeda horumarka, bad-qabka shacabka, xoojisana midnimada Soomaaliya.<\/li>\n<li>In labada murashax ee ku kala guleeysta\u00a0 xilalka madaxweynayaasha ee Dowlad Gobaleedyada Koofur Galbeed iyo Puntland \u00a0ka shaqeeyaan hagaajinta xiriirka iyo wadashaqeynta dowladda federaalka iyo Dowlad goboleedyada iyo guud ahaan midnimada iyo wadajirka Dadka iyo Dalka Soomaaliya.<\/li>\n<\/ul>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/talo1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-51049\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/talo1.jpg\" alt=\"\" width=\"630\" height=\"420\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/talo1.jpg 630w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/talo1-300x200.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 630px) 100vw, 630px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/talo2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-51050\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/talo2.jpg\" alt=\"\" width=\"630\" height=\"420\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/talo2.jpg 630w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/talo2-300x200.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 630px) 100vw, 630px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/talo3.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-51051\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/talo3.jpg\" alt=\"\" width=\"630\" height=\"420\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/talo3.jpg 630w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/talo3-300x200.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 630px) 100vw, 630px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/talo4.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-51052\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/talo4.jpg\" alt=\"\" width=\"630\" height=\"420\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/talo4.jpg 630w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/talo4-300x200.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 630px) 100vw, 630px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/talo5.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-51053\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/talo5.jpg\" alt=\"\" width=\"630\" height=\"420\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/talo5.jpg 630w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/talo5-300x200.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 630px) 100vw, 630px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/dahabshil.gif\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-50856\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/dahabshil.gif\" alt=\"\" width=\"468\" height=\"70\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Xayeysii-Warsom-1.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-50864\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Xayeysii-Warsom-1.png\" alt=\"\" width=\"1722\" height=\"520\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Xayeysii-Warsom-1.png 1722w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Xayeysii-Warsom-1-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Xayeysii-Warsom-1-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Xayeysii-Warsom-1-1024x309.png 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 1722px) 100vw, 1722px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/beco-sax-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-50855\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/beco-sax-1.jpg\" alt=\"\" width=\"866\" height=\"620\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/beco-sax-1.jpg 866w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/beco-sax-1-300x215.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/beco-sax-1-768x550.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 866px) 100vw, 866px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/salaam-1-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-50857\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/salaam-1-1.jpg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"535\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/salaam-1-1.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/salaam-1-1-252x300.jpg 252w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/som-tell-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-50858\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/som-tell-1.jpg\" alt=\"\" width=\"850\" height=\"315\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/som-tell-1.jpg 850w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/som-tell-1-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/som-tell-1-768x285.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 850px) 100vw, 850px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/hormuud-logo-1.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-50859\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/hormuud-logo-1.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Iyadoo uu soo ifbaxay khilaaf xoog leh oo ka dhashay doorashada maamulka Koonfur Galbeed, dhinaca kalana maamul Puntland uu isku diyaarinayo doorasho madaxwyne, ayaa arrimahan war ka soo saaray madasha Talo-Wadaag oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin horay xilal uga soo qabtay dalka. \u00a0\u00a0War-murtiyeedka ayaa u dhignaa sidan : WARMURTIYEEDKA Dood Qaran II:\u00a0Doorashooyinka Dowalad Goboleedyada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":51054,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-51047","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/51047","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=51047"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/51047\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":51056,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/51047\/revisions\/51056"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/51054"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=51047"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=51047"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=51047"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}