{"id":51041,"date":"2018-11-06T20:34:23","date_gmt":"2018-11-06T17:34:23","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=51041"},"modified":"2018-11-06T21:20:22","modified_gmt":"2018-11-06T18:20:22","slug":"xarunta-luqadaha-iyo-tababarada-jaamacadda-jubkey-oo-uu-xarigga-ka-jarey-gudoomiyaha-ahna-duqa-muqdisho-eng-yariisaw","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2018\/11\/xarunta-luqadaha-iyo-tababarada-jaamacadda-jubkey-oo-uu-xarigga-ka-jarey-gudoomiyaha-ahna-duqa-muqdisho-eng-yariisaw\/","title":{"rendered":"Xarunta Luqadaha iyo Tababarada Jaamacadda Jubkey oo uu Xarigga Ka Jarey Gudoomiyaha ahna Duqa Muqdisho Eng. Yariisaw."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/yariisaw3.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-51042\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/yariisaw3.jpg\" alt=\"\" width=\"800\" height=\"534\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/yariisaw3.jpg 800w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/yariisaw3-300x200.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/yariisaw3-768x513.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" \/><\/a>Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ahna Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yariisow) ayaa xariga ka jaray Xarunta Luqadaha iyo Tababarrada ee Jaamacadda Jobkey oo ah Machad casri ah oo laga howlgeliyey Muqdisho.<\/p>\n<p align=\"justify\"><span lang=\"EN-US\">Munaasabadan oo aheyd mid si weyn loo soo qaban-qaabiyey ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan, xildhibaano ka tirsan labada gole ee dowlada, aqoonyahano iyo qeybaha bulshada.<\/span><\/p>\n<p>Eng.Yariisow oo munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay in muhiimad weyn ay ku fadhiyaan dib u soo nooleynta xarumihii waxbarashada, gaar ahaan Xarumaha tababarada iyo Luqadaha ee aqoonta bulshada lagu dhisayo.<\/p>\n<p align=\"justify\"><span lang=\"EN-US\">\u201cIn dib loo howlgeliyo xarumihii Tababarka iyo Luqadaha ee caasimadda waa mid ahmiyad weyn ku fadhida oo aan uga mahadcelinayno Jaamacadda Jobkey ee howshan iska xil saartay, si kor loogu qaado aqoonta bulshada ee dhinaca Luuqadaha\u201d ayuu yiri Eng.Yariisow.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span lang=\"EN-US\">Duqa Muqdisho ayaa xusay in Maamulka Gobolka Banaadir uu had iyo jeer u taagan yahay sidii aqoonta bulshada caasimadda kor loogu qaadi lahaa, isla markaana loo soo nooleyn lahaa xarumihii kala duwanaa ee waxbarashada ka shaqeyn jiray.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span lang=\"EN-US\">\u201cWaxaan rabnaa in muwaadin walba uu wax qori karo waxna akhrin karo, waana sababta aan waxbarashada dadka waaweyn uga hirgelinayno caasimadda\u201d ayuu intaa ku daray duqa Muqdisho.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span lang=\"EN-US\">Waxaa sidoo kale ka hadlay Munaasabadaas guddoomiyaha Jaamacada Jobkey C\/casiis Caagane C\/samad oo sheegay in hirgelinta machadkan uu qeyb ka yahay dedaalka jaamacadu ugu jirto kor u qaadida aqoonta dhalinta Soomaaliyed, isagoo xusay in hirgelintiisa ay muddo dheer ka soo shaqeynayeen, uuna yahay mid casri ah oo ka duwan kuwa la midka ah ee dalka ka jira.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span lang=\"EN-US\">\u201cFuritaanka \u00a0xarunta luqadaha iyo Tababarada Jaamacadda Jobkey waa astaan tusaale u \u00a0ah inaan wax badan qaban karno Waxaan u mahad celinayaa dhamaan dadkii inagala soo qeyb galay xafladan oo uu ugu \u00a0horeeyo duqa magaalada Abdirahman Omar Osman (Eng. Yariisow) Senatarada \u00a0Aqalka Sare iyo Xildhibaanada Baarlamanka, Wasaaradda Waxbarashada iyo \u00a0marti sharafta kale\u201d ayuu yiri Caagane oo ardayda Soomaaliyed ugu baaqay iney ka faaiideysaan Machadkan casriga ah oo uu \u00a0xusay iney ka heli doonaan waxbarasho tayo sare leh.\u00a0<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span lang=\"EN-US\">Agaasimaha \u00a0Waaxda Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumada Somaalia Dr. \u00a0C\/shakuur Xassan Faqih oo isna munaasabadan ka hadlay ayaa ka waramay ahmiyada ay leeyihiin xarumaha noocan ah ee \u00a0dhinaca waxbarasahada, isagoo xusay in wasaaraddu ay soo dhoweyneyso \u00a0furitaanka xarumaha lagu xoojinayo aqoonta dhalinta Soomaaliyeed isagoo u \u00a0mahad celiyey Maamulka Jaamacada Jobkey oo xarunta hirgeliyey.\u00a0<\/span><\/p>\n<div align=\"justify\"><span lang=\"EN-US\">Munaasabadan \u00a0oo ku soo dhamaatay jawi aad u farxad badan ayaa waxaa sidoo kale intii \u00a0ay socotay ka hadlay xubno isugu jiray aqoonyahano, masuuliyiin iyo ururada bulshada oo si diiran u soo dhoweeyey furitaanka \u00a0xaruntan.<\/span><\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/dahabshil.gif\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-50856\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/dahabshil.gif\" alt=\"\" width=\"468\" height=\"70\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Xayeysii-Warsom-1.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-50864\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Xayeysii-Warsom-1.png\" alt=\"\" width=\"1722\" height=\"520\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Xayeysii-Warsom-1.png 1722w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Xayeysii-Warsom-1-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Xayeysii-Warsom-1-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Xayeysii-Warsom-1-1024x309.png 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 1722px) 100vw, 1722px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/beco-sax-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-50855\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/beco-sax-1.jpg\" alt=\"\" width=\"866\" height=\"620\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/beco-sax-1.jpg 866w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/beco-sax-1-300x215.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/beco-sax-1-768x550.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 866px) 100vw, 866px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/salaam-1-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-50857\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/salaam-1-1.jpg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"535\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/salaam-1-1.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/salaam-1-1-252x300.jpg 252w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/som-tell-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-50858\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/som-tell-1.jpg\" alt=\"\" width=\"850\" height=\"315\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/som-tell-1.jpg 850w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/som-tell-1-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/som-tell-1-768x285.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 850px) 100vw, 850px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/hormuud-logo-1.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-50859\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/hormuud-logo-1.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ahna Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yariisow) ayaa xariga ka jaray Xarunta Luqadaha iyo Tababarrada ee Jaamacadda Jobkey oo ah Machad casri ah oo laga howlgeliyey Muqdisho. Munaasabadan oo aheyd mid si weyn loo soo qaban-qaabiyey ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan, xildhibaano ka tirsan labada gole ee dowlada, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":51042,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-51041","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/51041","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=51041"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/51041\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":51043,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/51041\/revisions\/51043"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/51042"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=51041"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=51041"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=51041"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}