{"id":50758,"date":"2018-10-26T02:54:52","date_gmt":"2018-10-25T23:54:52","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=50758"},"modified":"2018-10-26T02:55:12","modified_gmt":"2018-10-25T23:55:12","slug":"garsoorayaal-qaran-oo-madaxweyne-farmaajo-ugu-baaqey-in-ay-caddaaladda-kor-u-qaadaan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2018\/10\/garsoorayaal-qaran-oo-madaxweyne-farmaajo-ugu-baaqey-in-ay-caddaaladda-kor-u-qaadaan\/","title":{"rendered":"Garsoorayaal Qaran oo Madaxweyne Farmaajo Ugu Baaqey in ay Caddaaladda Kor u Qaadaan."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/garsoorayal.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft wp-image-50759\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/garsoorayal.jpg\" alt=\"\" width=\"969\" height=\"646\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/garsoorayal.jpg 660w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/garsoorayal-300x200.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 969px) 100vw, 969px\" \/><\/a><\/p>\n<p align=\"justify\">Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer ku tagay xarumaha Maxkamadda Sare, Racfaanka iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dowladdu ay xoogga saarayso sidii loo dardargelin lahaa dhammeystirka hay\u2019adaha garsoor dalka.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu ay dadaal ku bixinayso sidii garsooreyaasha dalku ay u heli lahaayeen xuquuq dhammaystiran, iyagana laga sugayo in ay ka shaqeeyaan sidii shacabka Soomaaliyeed ay ugu xaqiijin lahaayeen hannaan caddaaladeed oo hufan.<\/p>\n<p align=\"justify\">Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in dowladdu ay waddo qorshe lagu yagleelayo Guddiga Adeegga Garsoorka kaas oo hindisihiisa la horgeyn doono Goleyaasha Dowladda si loo ansixiyo.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cWaxaa naga maqan Guddigii Adeegga Garsoorka, waxaa naga maqan Maxkamaddii Dastuuriga ahayd si dheelitirka dowladnimo u noqdo mid dhammaystirtan, waxaan ka shaqeyneynaa in hindisaha Guddiga Adeegga Garsoorka aan horgeyno Baarlamaanka.\u201d<\/p>\n<p align=\"justify\">Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay dhammaan garsooreyaasha Maxkamadaha ayaa kula dardaarmay in ay si caddaalad ah ugu kala garnaqaan dadka ay ka dhaxeeyaan dacwaduhu, ilaaliyaanna masuuliyadda adag ee lagula xisaabtami doono adduun iyo aakhiraba.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cWaxaa la idinka doonayaa in musuqmaasuqa aad ka fogaataan. Garsoorayaashiina halkan fadhiya waxa la idin ka filayaa inaad noqotaan kuwii loo soo ordayay ee aydaan noqon kuwii laga cararayey, in aad noqotaan kuwii dowladnimada dhisayey ee aydan noqon kuwii duminayey, waxaan idinka rajeynayaa in qof idiin yimid uusan caddaalad darro idinkaga laaban.\u201d<\/p>\n<p align=\"justify\">Madaxweynaha ayaa kormeeray hawlaha garsoor ee ka socda maxkamadaha, iyadoona loo soo bandhigay nidaam casri ah oo la jaan qaadaya tiknaloojiyadda kaas oo lagu diiwaan geliyo gal-dacwadeedyada iyo xukunnada la riday. Sidoo kale waxa uu ka qayb galay dhagaysiga dacwadihii maxkamadda ka socdey, xog wareystayna qaar kamid ah dadkii garsoorka u soo doontay Maxkamadaha.<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/dahabshill.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-50518\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/dahabshill.jpg\" alt=\"\" width=\"468\" height=\"70\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/dahabshill.jpg 468w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/dahabshill-300x45.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 468px) 100vw, 468px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-50519\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Xayeysii-Warsom.png\" alt=\"\" width=\"1722\" height=\"520\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Xayeysii-Warsom.png 1722w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 1722px) 100vw, 1722px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/beco-sax.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-50520\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/beco-sax.jpg\" alt=\"\" width=\"866\" height=\"620\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/beco-sax.jpg 866w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/beco-sax-300x215.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/beco-sax-768x550.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 866px) 100vw, 866px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-50521\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/salaam-1.jpg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"535\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/salaam-1.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/salaam-1-252x300.jpg 252w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-50521\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/salaam-1.jpg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"535\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/salaam-1.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/salaam-1-252x300.jpg 252w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-50527\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/som-tell.jpg\" alt=\"\" width=\"850\" height=\"315\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/som-tell.jpg 850w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/som-tell-768x285.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 850px) 100vw, 850px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-50528\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer ku tagay xarumaha Maxkamadda Sare, Racfaanka iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dowladdu ay xoogga saarayso sidii loo dardargelin lahaa dhammeystirka hay\u2019adaha garsoor dalka. Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu ay dadaal ku bixinayso sidii garsooreyaasha dalku ay u heli lahaayeen xuquuq dhammaystiran, iyagana laga sugayo in ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":50759,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-50758","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/50758","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=50758"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/50758\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":50761,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/50758\/revisions\/50761"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/50759"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=50758"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=50758"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=50758"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}