{"id":50688,"date":"2018-10-23T21:14:17","date_gmt":"2018-10-23T18:14:17","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=50688"},"modified":"2018-10-23T21:18:11","modified_gmt":"2018-10-23T18:18:11","slug":"magaalada-baydhabo-ee-xarunta-kmg-maamulka-k-galbeed-oo-loolan-iyo-olole-loogu-jiro-xilka-m-weyne-ee-maamulkaas","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2018\/10\/magaalada-baydhabo-ee-xarunta-kmg-maamulka-k-galbeed-oo-loolan-iyo-olole-loogu-jiro-xilka-m-weyne-ee-maamulkaas\/","title":{"rendered":"Magaalada Baydhabo ee Xarunta Kmg Maamulka K\/galbeed oo Loolan iyo Olole Loogu Jiro Xilka M\/weyne ee Maamulkaas."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/doorasho-sanduuq.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft wp-image-50690\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/doorasho-sanduuq.jpg\" alt=\"\" width=\"927\" height=\"448\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/doorasho-sanduuq.jpg 598w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/doorasho-sanduuq-300x145.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 927px) 100vw, 927px\" \/><\/a><\/p>\n<p align=\"justify\">Olole doorasho iyo loolan siyaasadeed oo aad u xoogan ayaa ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo ay isugu tageen musharixiin u taagan doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dhici doota 17ka bisha November ee sanadkan.<\/p>\n<p>Musharixiinta qaarkood ayaa la leeyahay waxaa ay taageero xoogan ka heystaan dowladda federaalka, halka kuwa kalana iskood u sharaxan yihiin, waxaa sidoo kale loolanka qeyb ka ah madaxweynaha xiliggan ee Shariif Xassan Sheekh Aadan.<\/p>\n<p align=\"justify\">Shalay waxaa gaaray Baydhab musharax Cabdicasiis Lafta-Gareen oo ah wasiir iyo xildhibaan ka tirsan dowladda dhexe, iyadoo tagistiisa Baydhabo ay badashay guud ahaanba jawiga magaalada.<\/p>\n<p align=\"justify\">Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay far-galin buuxa ku heyso doorashada, islamarkaana Baydhabo u dirtay hub iyo ciidan la doonayo in lagu carqaladeeyo doorashada.<\/p>\n<p align=\"justify\">Musharixiinta waxaa ka mid ah Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo horay dowladdu uga mamnuucday in doorashada uu ka qeybgalo, laakiin wali waa musharax, isaga oo iska diiday go\u2019aanka dowladda.<\/p>\n<p align=\"justify\">Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan oo dhinaca kale lagu yaaqaanno in uu yahay shaqsi galaangal fiican u leh siyaasada marka ay jiraan xaalada noocan oo kale ah, ayaa markan cadaadis xoogan kala kulmi doona musharixiin dhowr ah oo laga yaabo in ay awoodooda isugu geeyaa meel kaliya.<\/p>\n<p align=\"justify\">Halka shiishka musharixiintu uu wada saaran yahay ayaa ah xildhibaannada baarlamaanka Koonfur Galbeed oo ah kuwa ugu danbeeya ee lagu kala baxayo maalinta codbixinta, waana tan keentay in musharixiinta qaar-kood goor horeba sii bilaabaan xodxodasha xildhibaannada.<\/p>\n<p align=\"justify\">Doorashadan ayaa noqo doonto mid xiiso leh oo si gaar ah isha loogu wada hayo madaama ay isku arki doonaan musharixiin kala siyaasada iyo ajande duwan.<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/dahabshill.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-50518\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/dahabshill.jpg\" alt=\"\" width=\"468\" height=\"70\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/dahabshill.jpg 468w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/dahabshill-300x45.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 468px) 100vw, 468px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-50519\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Xayeysii-Warsom.png\" alt=\"\" width=\"1722\" height=\"520\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Xayeysii-Warsom.png 1722w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 1722px) 100vw, 1722px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/beco-sax.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-50520\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/beco-sax.jpg\" alt=\"\" width=\"866\" height=\"620\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/beco-sax.jpg 866w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/beco-sax-300x215.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/beco-sax-768x550.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 866px) 100vw, 866px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-50521\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/salaam-1.jpg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"535\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/salaam-1.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/salaam-1-252x300.jpg 252w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-50527\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/som-tell.jpg\" alt=\"\" width=\"850\" height=\"315\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/som-tell.jpg 850w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/som-tell-768x285.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 850px) 100vw, 850px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-50528\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Olole doorasho iyo loolan siyaasadeed oo aad u xoogan ayaa ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo ay isugu tageen musharixiin u taagan doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dhici doota 17ka bisha November ee sanadkan. Musharixiinta qaarkood ayaa la leeyahay waxaa ay taageero xoogan ka heystaan dowladda federaalka, halka kuwa kalana iskood u [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":50690,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-50688","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/50688","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=50688"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/50688\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":50692,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/50688\/revisions\/50692"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/50690"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=50688"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=50688"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=50688"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}