{"id":50448,"date":"2018-10-11T22:34:48","date_gmt":"2018-10-11T19:34:48","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=50448"},"modified":"2018-10-12T02:06:06","modified_gmt":"2018-10-11T23:06:06","slug":"m-weyne-ku-xigeenka-somaliland-c-raxmaan-saylici-oo-dhagax-dhigay-balaarinta-dekedda-berbera","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2018\/10\/m-weyne-ku-xigeenka-somaliland-c-raxmaan-saylici-oo-dhagax-dhigay-balaarinta-dekedda-berbera\/","title":{"rendered":"M\/weyne Ku Xigeenka Somaliland C\/raxmaan Saylici oo Dhagax Dhigay Balaarinta Dekedda Berbera."},"content":{"rendered":"<div align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/saylici-dhagaxdhig-berbera.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft wp-image-50449\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/saylici-dhagaxdhig-berbera.jpg\" alt=\"\" width=\"891\" height=\"594\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/saylici-dhagaxdhig-berbera.jpg 660w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/10\/saylici-dhagaxdhig-berbera-300x200.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 891px) 100vw, 891px\" \/><\/a><\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa dhagax dhigay dhismaha cusub ee ballaadhinta dekedda iyo Free Zone-ka Berbera.<\/div>\n<div align=\"justify\">Munaasibad ballaadhan oo loo qabtay xaflaadaasi dhagax-dhigga ah ayaa waxa ka soo qaybgallay Wasiiro, Xildhibaano, Madax-dhaqameed iyo marti sharaf kale ka timid dalalka jaarka iyo waddo kale oo lagu soo casuumay munaasibadaasi.<\/div>\n<div align=\"justify\">\n<p>Maareeyaha dekeda berbera Siciid Xasan Cabdilaahi oo munaasibadaasi furay ayaa ka xog waramay halka ay marayso shaqada ballaadhinta dekedu iyo guud ahaan horumarka ay ku talaabsatay dekeda berbera.<\/p>\n<p>Agaasimaha Maamulka iyo qorshaynta shirkadda DP WORLD Sheekh Cadnaan Al-cabaad ayaa sheegay in DP WORLD wax-qabad la taaban karro ay ka fulisay Dekeda weyn ee Berbera iyo guud ahaan gobolka saaxil, waxa uu sheegay agaasimuhu in DP WORLD aanay ku mashquulsanayn kaliya Dekeda balse ay qayb laxaadleh ka qaadanayaan adeegyada gaarka ah ee bulshada gaar ahaan waxbarshada, biyaha iyo caafimaadka oo uu sheegay inay door muuqata ka qaataan horumatintooda.<\/p>\n<p>Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici oo khudbad dheer ka jeediyey madasha ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland dadaal dheer ugu jirto sidii Somaliland loo maal-gashan lahaa, islamarkaana waxa uu ugu baaqay guud ahaan bulshada reer Somaliland inay si weyn usoo dhaweeyaan cid kasta oo dalkani maal-gashanaysa.<\/p>\n<p>&#8220;Maanta waa maalin qiimo leh, aad baan ugu faraxsanahay in hawshan weyn aynu bilawno, xukuumadu dadaal ayay ugu jirtaa sidii aynu u heli lahayn cid dalkeena maal-gashi ku samaysa, maanta waxaanu halkana u joognaa ballaadhintii dekedda, aad baan ugu mahadcelinayaa shirkadda DP WORLD, waxaan rajaynayaa in dekeda iyo madaarkuba bilaw wanaagsan u noqon doonaan horumarka Somaliland, waxaan ugu baaqayaa guud ahaan bulshada reer Somaliland gaar ahaana bulshada reer Saaxil inay la shaqeeyaan soona dhaweeyaan cid kasta oo dalkani maal-gashanaysa&#8221;ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.<\/p>\n<p>Dekadda Berbera ayaa afar boqol oo mitir lagu kordhinayaa, waxaana weftigan imaaraadka la socday shirkaddii dhisaysay ee qandaraaska lagu siiyey inay balaadhiso dekadda.<\/p>\n<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/dahabshill.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-50119\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/dahabshill.jpg\" alt=\"\" width=\"468\" height=\"70\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/dahabshill.jpg 468w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/dahabshill-300x45.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 468px) 100vw, 468px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/Xayeysii-Warsom-1.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-50063\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/Xayeysii-Warsom-1.png\" alt=\"\" width=\"1722\" height=\"520\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/Xayeysii-Warsom-1.png 1722w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/Xayeysii-Warsom-1-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/Xayeysii-Warsom-1-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/Xayeysii-Warsom-1-1024x309.png 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 1722px) 100vw, 1722px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/beco-sax-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-50064\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/beco-sax-1.jpg\" alt=\"\" width=\"866\" height=\"620\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/beco-sax-1.jpg 866w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/beco-sax-1-300x215.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/beco-sax-1-768x550.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 866px) 100vw, 866px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/salaam-1-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-50013\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/salaam-1-2.jpg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"535\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/salaam-1-2.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/salaam-1-2-252x300.jpg 252w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/som-tell-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-50014\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/som-tell-2.jpg\" alt=\"\" width=\"850\" height=\"315\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/som-tell-2.jpg 850w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/som-tell-2-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/som-tell-2-768x285.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 850px) 100vw, 850px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/hormuud-logo-2.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-50015\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/hormuud-logo-2.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa dhagax dhigay dhismaha cusub ee ballaadhinta dekedda iyo Free Zone-ka Berbera. Munaasibad ballaadhan oo loo qabtay xaflaadaasi dhagax-dhigga ah ayaa waxa ka soo qaybgallay Wasiiro, Xildhibaano, Madax-dhaqameed iyo marti sharaf kale ka timid dalalka jaarka iyo waddo kale oo lagu soo casuumay munaasibadaasi. Maareeyaha dekeda berbera [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":50449,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-50448","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/50448","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=50448"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/50448\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":50451,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/50448\/revisions\/50451"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/50449"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=50448"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=50448"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=50448"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}