{"id":5006,"date":"2011-12-29T12:50:22","date_gmt":"2011-12-29T12:50:22","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=5006"},"modified":"2011-12-29T12:50:22","modified_gmt":"2011-12-29T12:50:22","slug":"gudoomiyiha-dagmada-gaalkacyo-ee-maamulka-galmudug-oo-is-casilay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2011\/12\/gudoomiyiha-dagmada-gaalkacyo-ee-maamulka-galmudug-oo-is-casilay\/","title":{"rendered":"Gudoomiyiha dagmada gaalkacyo ee maamulka galmudug oo is casilay"},"content":{"rendered":"<p>\u00a0<\/p>\n<p><strong><em>Wararka Somaliya \u201cwarsom.com\u201d<\/em><\/strong><\/p>\n<p>\u00a0Gudoomiyihii \u00a0Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug ayaa lagu soo waramayaa in uu iska casilay xilkii uu hayay kadib markii uu sheegay in faro galin qaawan ay ku sameeyeen Mas\u2019uuliyiin ka tirsan Maamulkaasi.<\/p>\n<p>Farxaan Xasan oo ah duqa degmada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug oo warqad qoraal ah soo gaarsiiyay Xafiiska Warqabadka Idaacadda Shabelle ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu shaaca kaga qaaday in uu iska casilay xilka duqa degmada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug.<\/p>\n<p>Farxaan ayaa is casilaaddiisa waxaa uu ku sababeeyay kadib markii uu sheegay in Mas\u2019uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ay carqalado ku noqdeen shaqadiisa islamarkaana ay u adeegsanayaan arrimo kale, wuxuuna tilmaamay in Warqad is casilaadda uu u gudbiyay Madaxweynaha Maamulkaasi Max\u2019ed Axmed Caalin, uuna ka aqbalay.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn ayaa waxaa uu sheegay in Maamulkiisa ay ka go\u2019neyd in uu wax badan ka qabto arrimaha dowladda hoose ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug hase ahaatee ay hortaagan yihiin Mas\u2019uuliyiin ka tirsan Maamulkaasi.<\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>\u00a0 Wararka Somaliya \u201cwarsom.com\u201d \u00a0Gudoomiyihii \u00a0Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug ayaa lagu soo waramayaa in uu iska casilay xilkii uu hayay kadib markii uu sheegay in faro galin qaawan ay ku sameeyeen Mas\u2019uuliyiin ka tirsan Maamulkaasi. Farxaan Xasan oo ah duqa degmada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug oo warqad qoraal ah soo gaarsiiyay Xafiiska Warqabadka Idaacadda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[49],"class_list":["post-5006","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka","tag-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5006","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=5006"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5006\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":5008,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5006\/revisions\/5008"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=5006"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=5006"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=5006"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}